2da Fariimood ee taabanaya SL, PL kana yimi Laascaanood iyo Fursada Xassan Sheikh helay

LAASCAANOOD(GAYLAN-MEDIA) – Sugid dheer oo ay dadka deegaanka Waqooyi Bari naawilayeen in uu madaxweyne HSM tago magaalada Laascaanood ugu dambeyn waxay noqotay mid meelmartay, dadkuna si weyn ayay ugu soo baxeen soona dhaweeyeen, Fool kululeysada safarkan ayaa ku timi markii dhanka Somaliland qaadatay go`an culus oo ay aqoonsiga uga heshay dhinaca Israa`iil taas oo kunoqotay dawladda Faderaalka wixii ugu cuslaa ee kudhaca & mid ku lamaansanan doonta hoggaaminta madaxweyne Xassan Sheekh oo kusuntan talaabada oo lagu sii daray in dhinacyadii DF kumideysanaa ay kala tagsan yihiin.

Dadka deegaanka waxay talaabada safarkan u arkeen guul weyn oo ay gaareen, iyagoo ka eegaya xagasha ah aqoonsi dhameystiran oo maamulkooda u helaan, sidoo kalena ay u arkaan xal rasmi ah in sheego kasta oo deegaankooda ah ay tahay mid buraysa, taas oo ay dad badan aaminsan yihiin in ay gar u leeyihiin dadka deegaanka, laakiin dhinaca saameynta ka dhalanaysa isla safarka ayaa katagaysa is weydiimo waa weyn oo mustaqbali ah.

FARIINTA Xassan Sheukh ka diray Laascaanood!

Dawladda Faderaalka ayaa socdaalkan u qaabeysay mid ay ugu jawaabayso Somaliland & isreal talaabadii aqoonsiga, nuxurka oo dhan ayaana lagu koobay in uu yahay xaqiijin Midnimo, iyadoo dooda DF ay tahay in gobalkan uu kamid yahay dhulka Somaliland, taas oo kasoo horjeeda xaqiiqadii abuurantay dhammaadkii December 2022kii oo ay 4 sano kahor dadka deegaanka go’aansadeen in ay u madax banaanadaan deegaankooda, taas oo meelmar noqotay 25kii August amintii ciidanka SL laga saaray aagan, iyadoo aysan dawladda faderaalka door laheyn, marar badana quudinaysay dhinacii Muuse Biixi.

Madaxweyne Xassan Sheikh, ayay 3 sano kuqaadatay sidii uu Laascaanood u tagi lahaa, Dad badan ayaana sheegaya in shaqo badan jirin, sababtuna kaliya ee xiligan ay tahay in dawladdu dareemayso culeys weyn oo ka haysta dhanka midnimada iyo gudahaba ayna qasab ku noqotay in ay halkan ka raadiso naruuro siyaasi ah, Xubno katirsan golaha wasiiradda, saaxiibada vilal somalia & madaxweyne HSM ayaa isku raacsan in safarkan oo gudaha ay macno ahaan ka dhigeen in qaar kamid ah gobalada Midnimada difaacaya ay tageen, iyadoo lagu sii kabay sida ay dawladdu maareysay oo ay ka muuqato iibsasho dhinaca kaarka siyaasiga ah.

Laakiin, dooda xiisaha leh ayaa ah falcelinta ka hari doonta safarka taas oo ah in maamulka & dadka deegaanka ay waaqaca usoo hari doonaan, dawladda Faderaalka oo hadda wajahaysa cadaadiska siyaasiga ah ee doorashadana laga sugayo in ay bari taarto maamulka, kana dhigto mid ay u hagarbaxdo, iyadoo aan si weyn loo fileynin qodobka dambe, haddana waa kan dhabta ah ee lasugayo aminta culeyska.

SAFIIRADA SHISHEEYE: Faa’iido mise culeys siyaasadeed!

Diblumaasiinta Shisheeye ee Sacuudiga, Turkey & Sudan oo isku olog ah marka laga hadlayo is riixriixa kasocda amniga gobalka & danaha Istaraajiyadeed, gaar ahaana amniga gacanka Cadmeed ayaa madasha ka qeybgalay, taas oo bixinaysa sawir ka weyn doodaha yaala Soomaalida dhexdeeda.

Inkasta oo ay dadka deegaanka u arkeen faa’iido weyn oo la helay, haddana dhinaca kale waxaan shaki laheyn in ay dhexda u dhigayso loolan ka awood badan kana durugsan waxyaabaha maalinlaha ee dhexyaala dadka Soomaalida, oo ah kuwa inta badan lays awood la ekaan karro.

Soomaaliya ayaa bartan utaagan dagaal wakaaladeed aysan iyadu laheyn go’aankiisa, cida kaliya oo ilaa hadda u muuqata in ay u bareertay in Aqoonsi kubedelato waa Somaliland, laakiin dhinacyada kale oo dhan ayaa dhexda uga jira dagaal aysan door badan ku laheyn, laga soo bilaabo dawladda faderaalka ilaa dawlad gobaleedyada safkeeda ah, oo wali ku dhirian waayay in ay UAE kaqaataan talaabo la mid ah tii ay Aqoonsigii ISreal kudiideen.

Safiiradan waxay dirayaan in ay wadaay & xulufo la yihiin Waqooyi Barri oo ay kasoo horjeedaan Somaliland, qaarkood waxay quuldareynayaan helitaanka marinada muhiimka ah ee kaabiga ku haya Gacanka Cadmeed, kaas oo aysan DFS gacanta ku heynin, helitaanka ciidan ay u madax banaan yihiin oo taageeran ayay naawilayaan, laakiin sida ay waaqaca wax uga hirgali karaan dood ayaa kajirta.

Imaanshaha diblumaasiinta WB waa kufarxayaan, laakiin is hardiga dhabta ah doorka ay ka qaadan karaan kala aragti duwanaan ayaa ka taagan, gaar ahaana marka lagu fiiriyo xagasha ah madaxweyne HSM haddii doorasho la qabto oo laga adkaado nuxurka ka dhalan doona oo kuqasban in uu dib u eego siyaasaddaha hortiis la galay.

SOMALILAND & PUNTLAND: Saameynta 2 dhinacle ah.

Xagashan marka laga hadlayoh, Puntland & Somaliland ayaa Waqooyi Barri isku khaanad kuriixay, ilaa la gaaray in la sheego in Puntland aysan madaxweyne laheyn, taas oo lagu fasiray in hoggaaminta Firdhiye qaadatay aragtida ah in ay waajib tahay in wadajir loola dagaalamo 2da darafba, taas oo ay kasii horeysay dagaal ku baaqidii MW kuxigeenka maamulkan, tan oo lagu kabay in dawladda Faderaalka qudhooda halkan ka leedahay in ay isku fariin gaarsiiso Siciid Deni & Cabdiraxmaan Cirro oo ay u sheegto in ay kaabigooda joogid ku leedahay, waa is riix taaban doona mustaqbalka saameysanka gobalka kasocda.

Shalay intii ay soo dhaweynta madaxda DF socotay, madaxweynaha SL ayaa hadlay wuxuu bogaadiyey dhigiisa Puntland oo uu sheegay in ay amniga gobalka ka wada shaqeynayaan, iyadoo horey u jiray Is afgarad dhinaca nabadda Ceerigaabo ah oo dhinacyada dhexmaray, kaas oo ay WB si weyn u dhibsatay.

Puntland kama hadlin gabi ahaanba safarka madaxweyne HSM & fariimaha uga imaaday Laascaanood, balse SL waxay sheegtay in ay xaduudaheeda sugayso, shegashadeeda Laascaanoodna ma joojin ee wey sii wadaa, taas oo macno ahaan ka dhigan in is weydaarku wali yahay.

Imaanshaha xulufooyinka dibada ayay madaxweynaha SL kusifeeyey in ay tahay mid muujinaysa sida dagaalka uga gudbayo intii horey u joogtay, isagoo sheegay in wixii ka dhasha miraheeda ay yeelan doonto dawladda Faderaalka, tan dambe hanjabaad ayaa loo fasiray.

UGU DAMBEYN: Madaxweyne HSM ayaa ku jira bilihii u dambeeyey mudo xileedkiisa oo dhammaad ah, lama yaqaano nooca doorasho ee dalka, karka xiisadda Aqoonsiga Isreal ee SL ayaa gobalka oo dhan ruxday, falcelinta ka dhalatay ayaa gaaraysa gacan ka hadal sida muuqata, iyadoo aaga lagu dagaalamaya uu yahay meelaha ugu badan dhinaca jiidaha ay isku horfadhiyaan SL & Waqooyi Barri,

Share On:

Explore More