HARGEISA(GAYLAN-MEDIA)- Madaxweynaha Somaliland 48dii saac ee lasoo dhaafay dhaqdhaqaaqiisa ayaa la waayay, warbaahinta ayaa tabisay in uu dalal kale duwan aaday, laakiin dhacdo kasta ayaa isbedeshay markii boggiisa gaarka ah lagu baahiyey sawir ah isagoo saaran diyaarad yar oo ah nooca safarada gaarka ah ee madaxda, kuna sugan dalka Switzerland oo ay joogaan hoggaamiyayaasha caalamka uuna ka dhacayo shirka dhaqaalaha Aduunka oo isku bedelay madal caalamka dhinac kale u jeedisay.
Diyaarada uu baahiyey isagoo saaran Madaxweynaha Somaliland Nooceedu waa Airbus H145, Diiwaangelin ahaana haystaa HB-ZXY – xarafka HB wuxuu muujinayaa in ay ka diiwaangashan tahay Switzerland.
Switzerland waxaa jooga madax badan oo dunida ah, ilaa Trump, ma cada In Somaliland madaxweynaheeda joogo iyo in kale, maalmo kahor wasiiro katirsanaa xukuumadda SL ayaa laxaqiijiyey in ay Yurub tageen.
Cimilada goobta iyo direyskaba waxaa kamuuqata aag qabow darani ka jiro.
Qaab isticmaalka H145 badanaa waxaa loo adeegsadaa gaadiid VIP, gargaarka degdegga ah (HEMS), boolis, ama howlo dawladeed/shirkadeed.
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Max’ed Cirro ayaa safarkii 1aad u baxay tan iyo markii maamulkiisa uu aqoonsiga xiisadda ka kiciyey Geeska afrika iyo Badda Cas ka helay dhinaca Isreal, wuxuu isku marayaa sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhaw Imaaraatka Carabta, Yurub ilaa Isreal, waxayna SL safarkan kusheegtay mid lagu baadigoobayo ay xaqqa ay Hargeysa u leedahay in ay dunida u bandhigto doodaheeda la xariirta raadinta aqoonsi ah dal ka madax banaan Jamhuriyada Soomaaliya.
Inkasta oo safarkan si isku mid ah warbaahinta gudaha dibada & Dawladda Faderaalka ugu jahawareertay, haddana in uusan gaari ku bixin Cirro waa xaqiiq iyo war ma doonto, laakiin Isweydiintu waa dawladda faderaalka oo horey xanibaado badan ugui soo rogtay dhinaca Hawada ah, sida ay diyaarad qaaday Ciro uga duushay Hargeysa, uguna soo laaban doonto oo ay kasii horeysay duulimaadyada Isreal ee sida joogta ah uga dagayay Hargeysa ayaa u baahan jawaab waafi oo dadka loo sheego, dabcan dawladdu mahayso war dawlo oo aan ka aheyn fariimaha gaagaban ee ka maran nuxurka war dawladeed, una badan erayo kamaqan dhaqanka dawliga ah & kan bini aadantinimaa ee wasiirada Idman ku baahiyaan barahooda bulshada, taas oo laysku raacsan yahay in aan Qaran lagu difaaci karin.
Cabdiraxaam Cirro & hoggaamintiisa ilaa amintan waxay siyaasiinta ugu badan ee Soomaalidu isku raacsan yihiin in uu jahawarer abuurayo, qaadanayo go`aanada la saadali & go’aan karin, sidaas waxaa la mid noqday safarkiisan oo dawladda faderaalku aysan xog badan ka haynin, goor dambena dawladdu isku dayday la xariirka dawladdaha deriska ah qaarkood, laakiin Addis Ababa ayaa xaqiijisay in ay xog ka haynin laftirkooda.
Isku geynta awoodaha labo dawladood oo Somaliland si xoogan ay isku hayeen todobaadyadii u dambeeyey ayaa kuguuldareystay in ay xaqiijiyaan in safarkan meesha laga saaro, balse laguma guuleysan, sida ay sheeganayso madaxtooyada Hargeysa.
Maalin ka dib, markii uu madaxweyne HSm ka laabtay Laascaanood, oo uu halkaas katabiyey fariimo kusocda SL ayuu safarkan kusoo beegmay, taas oo jawaab ahaan ka dhignaanaysa in ay SL kujawaabayso in ay haysato xariiro ad adag oo dhinaca dibada ah, halka ay dawladda Faderaalka ad ugu mashquulsan tahay kala gurida gudaheeda nidaamka Faderaalka isku waafaqsanaa, xili baahi weyn loo qabo midnimo Qaran si loo wajaho isku dayada dibada ka imaanaya.
Ma’ahan safarkii koowaad ee Ciro ku tago Jerusalam, bishii October ee sannadkii hore ayuu tagay, xiligaas ma ogaanin dawladda faderaalka iyo xulufadeda Carabeed ee hadda garab taagan, waxaase kasii horeeyey xubno sare oo katirsan dawladda Faderaalka oo iyana isku dayay in xariirada Telaviv ay helaan balse waa lagu guuldareystay in uu miro dhalo, oo tan SL ayaa guuleysatay.
CIRO: Israel muxuu ka heli kara!
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo wargal ah dhinacyada Somaliland & Isreal waxay horey u galeen heshiisyo ay ku jiraan iskaashiga dhinaca amniga, Beeraha, Tiknooliyadda iyo taageero lasiiyo dhanka Hargeisa, taas oo ay Somaliland quuldareynayso in ay wax uga bedesho nolosha deegaanka & awoodiisa ciidanba.
Wasiirka arrimaha dibada Isreal markii uu tagay Somaliland, wuxuu sheegay in ay Telavib siinayso Hargeysa tabar kasta oo ay u leedahay Tiknooliyada casriga ah, waraabka beeraha & sidii ay isku filanaansho u gaari lahayd, Taas in hadda ay dhinacyadu bedelayaan Heshiisyo rasmi ah oo ay meelmariyaan ayay sheegaysaa dhanka SL. Taas oo haddii ay dhacdo ka dhignaanaysa in ay Hargeysa ka hormari karo dhinacyada Soomaalida oo dhan, gaar ahaana dhanka Bulshada ee beeraha, waraabka & Tiknooliyada oo ay ku jiraan agabyada dhinaca hawada ah oo hadda dagaalkii dunida u wareegay.
HAL SAXIIX oo dalal badan kuqasbaya Aqoonsiga SL!
Haddii uu madaxweynaha Somaliland si rasmi ah u saxiixo heshiiska Ibra Accord ee uu hindihiisa leeyahay Madaxweyne Trump, sida ay qabaan dadka diblumaasiyada bartay waxna ka qoraa, waxay ka dhigan tahay in saxiixaas laga bilaabo dalalka heshiiskan horey u saxiixay ay dal u arkayaan Somaliland, taas oo haddii ay dhacdo ka dhignaanaysa in dalalka Carabta ee qorshahan qeybta horey uga noqday ay kuqasban yihiin la macaamilka dhinaca Hargeysa, xataa haddii ay horey u taageereen madax banaanida Soomaaliya, sida uu qabo Prof Afyare Abdi Elmi oo bilowgii xiisadan Gaylan Media la hadlay.
FARIIN ay gaarsiinayso wadamadii handaday!
Safarkan Somaliland kaliya uma ah is muujin, wuxuu dhinaca kale fariin adag gaarsiinayaa dalalkii sida fiinta u dhaliilay ugana qeyla dhaamiyey Talaabadii ay hargeysa ku makansatay dhinaca Isreal, taas oo ay diideen badi dalalka Islaamka & qaar kamid ah Afrika, dawladda Soomaaliyana si cad u sheegtay in ay ka dagaalamayso.
Todobaadkii u dambeeyey SL waxay la kulantay handadaad uga timi wadamada Carabta ee Badda Cas qaarkood oo sheegay in at talaabooyin qaadayaan haddii aan Hargeysa ka laaban talaabadas, laakiin Cabdiraxmaan Cirro ayaa dhawaan warbaahinta ka sheegay in uusan handadaad waxba u arkin oo danta loo dooray ka shaqeynayo, safarkiisana wa fariin cad oo handadaada looga jawaabayo kana dhigan in uu haysto awood balaaran, laakiin haddii dhabta la gaaro in ay caawin karto iyo in kale lamayaqaano.
Ugu dambeyn: SOMALIULAND: safarkan kaliya is muujin uma’ahan, wuxuu u noqon karaa guul siyaasadeed oo ay iskugu sawirayso xulufo muhiim ah oo Isreal ay ka abuuratay gobalka Geeska Afrika ilaa gacanka Cadmeed, laakiin dhinaca kalena halisyada ka dhalanaya ayay u muuqataa in ay SL si cad ugu bareertaty, una aragto in ay u baahan tahay dhinac u dhaqaaq dhameystiran ka dib 30 sano oo dadka deegaanadaas lagu hayay aag dhexe.


