DAAWO: Maxay ka dhigan tahay Booqashada Wasiirka Arrimaha dibada Isrealee Somaliland?

HARGEISA(GAYLANMEDIA)- 26kii bishii December ayay ahayd markii Isreal dal madax banaan u aqoonsatay Somaliland, si weyn ayay dawladda Soomaaliya u cambaareysay, fagaarayaasha diblumaasiyadana waa lag horyimi talaabada Isreal, ilaa golaha ammaanka oo Mareykanku uu labo codleeyey, laakiin taas ma joojin mana bedelin jihada Isreal ay qaadatay ee kuwajahan dhinaca Somaliland, maanta waxaa tagay Hargeysa wafdi kasocda Taleviv oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibada, tan waxaa lagu fasiray caddayn diblumaasiyadeed oo ah in Israel aysan aqoonsiga ku ekaan hadal, balse ay rabto

  • inay si rasmi ah uga shaqeyso xiriir siyaasadeed
  • Dhismaha wada-shaqeyn amni iyo istiraatiiji ah
  • iyo inay xoojiso joogitaankeeda Badda Cas & Gacanka Cadmeed

Tani waa farriin ka baxsan Somaliland oo maanta gaaraysa, dalalkii kahoryimi aqoonsigii Isreal, gaar ahaana olaga ay sida weyn isku hayaan eel aga soo bilaabo Mandiqada Barriga Dhexe, gaar ahaana isku mar taabanaysa Xuutiga Yemen, Jabuuti, Turkiga, Iran ilaa Sacuudiga oo si cad u diiday talaabada aqoonsi ee Isreal ay siisay Somaliland

Israel waxay raadineysaa meel istiraatiiji ah oo ku dhow Bab-al-Mandab, meel ay maraan boqolkiiba 16% ganacsiga caalamiga ah, sida aan shalay tabinay Isreal waxay agagaarka Berbera ka doonaysaa saldhig milateri oo rasmi ah.

Saameynta soo gaaraysa Soomaaliya

Dowladda Federaalka waxay horay u diidday aqoonsiga Somaliland, kuna tilmaamay wax aan meelmar aheyn oo aan shaqeyn karin, sidoo kale dawladda waxay sheegtay in ay maamusho hawada Soomaaliya oo aysan jirin karin cid imaan karta, iyadoo aan idankeeda aheyn.

Laakiin booqashada maanta ee wasiirka arrimaha dibada ayaa meesha ka saartay talaabada dawladda Faderaalka, gaar ahaana in wafdi heerkan le’eg kadago madaarka Hargeysa waxay ka dhigan tahay fashil dhinaca maamulida hawada ah, Booqashadani waxay.

  • cadaadis diblumaasiyadeed ku kordhinaysaa DFS
  • Waxay muujinaysaa in dawladdu sida u wajahayso Midnimada iyo kahortagida ictiraafka Somaliland ay kuqasban tahay in ay dib u eegto
  • Una baahan tahay in ay hesho xariirka reer galbedka, oo talaabada Isreal aan kaligeed ku filneyn, waxayna tani sidoo kale muujinaysaa sida ay Soomaaliya ugu qasban tahay in aysan ku koobnaan dalalkii hore.

Sidoo kale isbedelweyn oo diblumaasiyadeed ayay tani tahay haddii Israel sii xoojiso xiriirka Somaliland, waxaa dhici karta:

  • in dalal kale oo dan amni leh ay tixgeliyaan doonista Somaliland ee ah dal madax banaan & in arrinta Somaliland loo wareejiyo heer caalami ah

Sidee loo akhrin karaa?

Qeyb ka mid ah Tartanka Badda Cas

Israel waxay rabtaa:

  • inay ka hortagto Iran & xulafadeeda
  • inay hesho saarid istiraatiiji ah
  • inay ilaaliso marinnada ganacsiga

Ciyaar diblumaasiyadeed oo ku wajahan Itoobiya

Israel & UAE waxay dan ka leeyihiin:

  • Berbera
  • marin badeed oo Itoobiya hesho
  • ilaalinta saamigooda gobolka

Isku dheelitirka quwadaha

Masar, Sacuudiga, Turkiga, Iran, dhammaantood waxay u arkaan arrintan mid taabanaysa amnigooda.

 

Share On:

Explore More

Dawladda Somalia: oo magaca bedelatay dhul boob awgiis.

Xanaanada Xoolaha waxaa laga xaraashay 5 goobood oo ay wasaaraddan lahayd, wasaaradda Isgaarsiinta ayaa lumisay 3 kamid ah xarumaha ay baahida qaarkood hadda u qabtay, iyadoo dulaalada dhulka u qortay warqad ka maaransho ah oo madaxweynaha loo geeyey.