Bilowgii todobaadkan waxaa markale soo labo kacleeyey dagaalka diblumaasiga ah ee u dhaxeeya Somaliland & dawladda Faderaalka ee Muqdisho, gufaacada cusub waxaa kiciyey markii ay dhaceen is aragyo qarsoodi ah oo dhexmaray dhinacyo kasocda Hargeysa & Telaviv oo ay koox kasta dan gaar ah ka lahayd, taas oo ay ku baraarugtay xukuumadda Faderaalka todobaadkii ud ambeyey, una aragtay halis weyn oo u baahan in ay ka hortagto.
Ilo xog-ogaal ah ayaa u xaqiijiyey Gaylan Media inay jiraan dadaalo diblomaasi iyo siyaasadeed oo ay qayb ka tahay Israa’iil, kuwaas oo loogu roonanayo in la dhageysto doonista Somaliland ee dal ka madax banaan Soomaaliya, iyadoo ay Hargeysa bixinayso qiimo sareeya oo ah aqbalka soo jeedino ay diideen inta badan dalalka Afrika ilaa Dunida Carabta oo kusaabsanaa Mustaqbalka dadka reer Falastiin ee Qasa oo 2dii sanno ee lasoo dhaafay ay dagaalo xasuuq ah kasocdeen.
TALAABO-QAADKA CIRO!
Somaliland ayaa go`aansatay qaadashada go’aano ad adag oo ay u aragto in ay ku gaari aqoonsi ay raacdada ugu jirtay 30kii sanno ee lasoo dhaafay, kaas oo aysan helin cid u holata, MW SL ayaa cad u sheegay in daruufahooda jiirtaan ay u madax banaan yihiin oo uu hogaamiyo doonis shacab, kaliyana muhiimadooda tahay in ay noqdaan dal cusub oo Afrika ah, taas oo kaliftay in ay dhnacyadu si hoose wada hadalo u yeeshaan caasumado xasaasiyad laga qabo.
Hay’ado amni oo ka baxsan dalal gobalka ayaa dawladda Faderaalka Soomaaliya goor dambe la wadaagay macluumaadka kulamada dhacay, doonista 2da dhinac ee Isreal & SL ay ku wada hadleen, dhaqdhaqaaqyada socda cida wada, taas oo kuriixday dhinaca Villa Somalia in ay bilowdo xariiro diblumaasi ah oo ay la sameynayso dalal ay kamid yihiin kuwa reer galbeedka, Yurub deris la ah Turkiga & Khaliijka Carabta oo ay u sheegtay in haddii ay dhacaan ficilo la xariira iskaashi dhexmara Telaviv & Hargeysa ay ka dhalanayaan ficilo aan u wanaagsaneyn danahooda Soomaaliya.
Xubno wargal ah oo katirsan wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya, si dhawna ula socda is hardiga cusub ayaa u sheegay Gaylan Media in dawladda Faderaalka ay sheegtay in haddii Isreal ay faragalin gudaha dalka ah samayso ay ka dhalanayso kororka ficilada Argagixiso, ayna halista gobalka ee danaha dawladdaha reer galbeedka burbur qarka u saarnaan karaan, tan waxaa lagu fasiray hanjabaad cad.
Xog kooban oo laga helay dhinaca Muqdisho ayaa sheegtay in ay ogaadeen duulimaad diyaaradeed oo ka imaan lahaa barriga dhexe, tagi lahaana dhinaca Hargeysa, taas oo ay sheegeen in ay wadaan dad Falastiiniyiin ah, balse dhanka Hargeysa xubno aan la hadalnay ayaa diiday jiritaanka warkaas.
Dadaalada Israa’iil — iyo Somaliland
Bishii Nofembar ee sannadkan Machadka Daraasaadka Amniga ee Jaamacadda Tel Aviv ayaa warbixin ay diyaariyeen ku tilmaamay Somaliland inay tahay “aag muhiim ah” oo ay tahay in xukuumada Netanyahu ay baadigoobto in ay xariir la yeelato Hargeysa, Tani waxay tilmaamaysaa in Israa’iil ay dadaal ugu jirto sidii ay saameyn siyaasadeed iyo istiraatiiji ah uga yeelan lahayd Geeska Afrika, gaar ahaan marka laga hadlayo marinada kulaalaya Badda Cas ama Baabun Mandab.
7 October 2023-ki, wixii ka dambeeyey Telaviv ayaa la kulantay xanibaado caalami ah oo ay kusoo rogeen kooxda Xuutiyiinta Yemen oo Maraakiibteeda u diiday isticmaalka biyaha Badda Cas, dhinaca Netanyahu waxaa ku adkaatay in ay saldhig ka helaan marinadan muhiimka ah, istaraajiyad ahaana dhinaca Isreal ayaa u aragta halka ay dhacdo Somaliland aag toolmoon oo ay ka saameyn karta badbaadeeda amni ee gaadiidka & xulufada ay is hayaanba.
Dhacdada ku saleysan xiriirka Somaliland iyo Israa’iil ma ahan mid cusub, balse hadda waxaa muuqata in ay sii xoogaysanayso iyadoo ay jiraan xiriirro la sheegay in ay qeyb ka yihiin dalalka Afrika ee Isreal ay xariirka la leedahay & Carabta, taas oo haddii ay u dhacdo sida ay SL sheegayso wax badan Hargeysa u goyn karta oo dhib iyo dheefba leh.
Jawaabta Dowladda Federaalka Soomaaliya
Villa Somalia ayaa laba maalmood u dambeysay ku hawlan howlo ka hortag ah oo lagu doonayo in lagu xakameeyo saameynta arrintan. Iyada oo ay jiraan walaacyo ku saabsan in dhinacyo shisheeye ay isku dayayaan inay saameyn ku yeeshaan arrimaha gudaha dalka, dowladda Federaalka ayaa la sheegay in ay la xiriirtay dalal kale si ay u hesho taageero siyaasadeed iyo mid diblomaasi si loo ilaaliyo danaheeda qaranka.
Saameynta Gobolka iyo Siyaasadda Soomaaliya
Bil kahor warbixinta Machadka Tel Aviv ee ku saabsan Somaliland ayaa muujinaysa sida ay quwadaha caalamku danaynayaan saameynta Istiraatiijiyadeed ee Geeska Afrika. Somaliland, oo ay ku taala deked muhiim ah iyo xuduudo istiraatiiji ah, ayaa si joogto ah u soo jiidaneysa damaca dalal awooda leh oo raadinaya aag saameyn siyaasadeed, dhaqaale & Amni leh. Sida uu soo bandhigay machadku, xidhiidh wanaagsan oo lala yeesho Somaliland wuxuu Israa’iil siin karaa marinno cusub iyo taageero gobolka ah.
Mareykanka ayaa Hargeysa sannadka dhamaanaya 5 wafdi oo kale duwan diray, kuwaas oo xubnihii ugu dambeeyey ay maalmihii lasoo dhaafay booqdeen Berbera, halkan waxaa todobaadkan tagay xubno dawlado kale kasocda, waxaana socda dhaqdhaqaaq u muuqda bilowga saldhig miltaeri oo ay Mareykanka halkan kuyeelanayaan, taas oo ay wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya xubno ka howlgala xaqiijinayaan in aysan xog kala socon.
Dhinaca kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u muujisay in ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada Qaran oo aan lataaban karin, dhaawacna ahayd 30kii sanno ee lasoo dhaafay, Is khilaafka dhinacyada siyaasadda Federaalka kumideysanaa ayaa Somaliland u abuuray xaalad furan oo ay ku ole-oleyn karto.
Dood Sharci iyo Siyaasad ah
Arrintan ayaa dhalinaysa mowjado ku saabsan sharci ahaanshaha xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeyn kara Somaliland iyo dalal kale, iyadoo ay Soomaaliya & Shiinuhu wali la falgalayaan sidii ay uga jawaab celin lahaayeen Taiwan oo Somaliland horey xariir ula sameystay, taas oo kaliftay in ay Bejing aad u xoojiso dawladda Faderaalka, laakiin mira dhal aysan wali noqon talaabooyinka dhinacyada, tan oo ka dhignaanaysa halis kale oo loolanka dibada taabanayo.
Dagaalka cusub ee Somaliland & Villa Soomaaliya “Aqoonsi mise dagaal”
Share On:
Explore More

Somaliland & Davos || Maxaa looga hadlay kulamadii xirnaa maalqabeeno ilaa Qoyska Trump
HARGEISA(GAYLAN-MEDIA) – Maalmihii uu kasocday dalka Switzerland Madasha Dhaqaalaha Aduunka oo kulmisay madaxyo weynta…...
Monthly Membership Required
You must be a Monthly member to access this content.
Already a member? Log in here

MW HSM- oo maanta qaaday 4 Talaabo oo Israaiil lagu jabinayo.
Max Flannel, our office agony uncle, answers a bulging postbag on a vital subject

5 qodob oo dhaafsan xukun ka ridashada HSM oo laga sugayo Shirka Kismaayo!
UGU DAMBEYN: Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee Kismaayo iskugu tagaya,

Dawladda Somalia: oo magaca bedelatay dhul boob awgiis.
Xanaanada Xoolaha waxaa laga xaraashay 5 goobood oo ay wasaaraddan lahayd, wasaaradda Isgaarsiinta ayaa lumisay 3 kamid ah xarumaha ay baahida qaarkood hadda u qabtay, iyadoo dulaalada dhulka u qortay warqad ka maaransho ah oo madaxweynaha loo geeyey.