MUQDISHO(GAYLAN-MEDIA) – Wakiilada caalamiga ah ayaa dadaal xoogan ugu jira in dhinacyada Soomaalida ay ku qanciyaan in ay wada hadal dhab ah galaan, Tanaasul la yimaadaan, lagana wada hadlo arrimaha hortabinta leh Doorasho & Dastuur, iyadoo shalay ay fashilmeen shirkii Villa Somalia.
Labada dhinacba si gaar-gaar ah ayay kula kulmayaan, waxayna usoo gudbiyeen aragtidooda ah in marxaladan ay u baahan tahay dhab u hadal, tanaasul & mawqifyo dhab ah oo lagu wajahayo xaaladda taagan.
Isku dayadan ayaa kusoo beegmaya xili qaar kamid ah madaxda golaha Mustaqbalka ay u qorsheysan tahay in ay goor dhaw ka duulaan Muqdisho, iyagoo heshiis aan lagaarin, maadaama dhinaca Villa Somalia ay ku eedeeyen in aysan xal diyaar u aheyn ee ay ka shaqeynayso kala tag siyaasi ah & mashruucyadeeda oo ay wadato.
Dawladda Mareykanka ayaa saacado uun kaddib hakadka ku yimid wada-hadalladii u dhexeeyay DFS iyo Golaha Mustaqbalka, waxay si cad u sheegeen in Tanaasul uu qasab yahay oo ay tahay in ay heshiis mideysan gaaraan Hoggaamiyayaasha Soomaalida.
“Wadahadalka iyo tanaasulku ay yihiin hawlo adag, haddana waa kuwo lama huraan ah. Waxaa lagu boorinayaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay sii xoojiyaan isla markaana ay sii wadaan dadaallada ku aaddan wadahadalka iyo is-afgaradka. Hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliyeed oo mideysan wuxuu door muhiim ah ka qaataa la-dagaallanka argagixisada, adkaynta hay’adaha dowliga ah, iyo horumarinta danaha guud ee Soomaaliya iyo beesha caalamka”ayaa lagu yiri fariinta Mareykanka.



