MUQDIHSO(GAYLAN-MEDIA) – Ka dib 28 maalmood oo aamus & ficilo siyaasadeed xoog leh dhexda u gashay Soomaaliya madaxweyne HSM ayaa ku dhawaaqay go`aan uu kaga jawaabayo Warmurtiyeedkii Kismaayo ay kasoo saareen golaha Mustaqbalka Soomaaliuya, kaas oo ay kudalbadeen in talada dhulka uu dhigo, la aado Hanaan doorasho heshiis lagu yahay, dalkana laga badbaadiyo xaalad firaaq dastuuri ah oo sababi karta in Soomaalidu kala irdhowdo, hadda Villa Somalia shirka wey iclaamisay, laakiin durba waxaa soo baxaya isweydiimo deg deg ah & sida ay dawladda dhab uga tahay in ay la timaado niyad wanaag & filashada miraha soo bixi kara.
WAQTI IIBSI DHEERAAD AH!
Madaxweyne HSM ayaa maalmo uun shirkii Kismaayo u sheegay qaar kamid ah siyaasiinta mucaaradka ee ay saami qeybsiga wadaagan in uu aqbalay qabashada shir wadatashi ah oo looga hadlayo hanaan doorashooyin, laakiin waqtiga oo lagaarsiiyey kama dambeysta ayaa lagu fasiray iibsasho & in madaxtooyadu aad u diidan tahay in shirka layskugu yimaado, taas oo dhankeeda u wnaaagsaneyn.
AJENDE: aan qeexneyn & Kaqeybgalayaal aan la aqoon!
Labadan qodob waxay si cad uga muuqdaan Talaabada madaxweyne HSM, iyadoo uga dan leh in ay hesho jid ay uga lug baxdo dooda mucaaradka ee ah aan ka hadalno doorashooyinka & jihada dalka u socdo.
Mid waa in aan la aqoonin cida la casumay nooca ay yihiin, hayeeshee Madaxtoyadu waxay doonaysaa in ay u yeerto saaxiibadeda siyaasaded ee ay hormuudka u yihiin dawlad gobaleedyo mudo xileedkoodu dhamaaday walaw Golaha Mustaqbalka aaminsan yihiin in aysan sharciyad kuraasta ku fadhiyin, ayna tahay in doorasho ay galaan oo soo cusbooneysiiyaan sharciyadooda ama laga adkaado.
Halkan waa aag xasaasi ah oo ay suuragal tahay in shirkan qabashadiisa fashil ugu dhamaato, ayna xoguhu sheegayaan in madaxda DG & siyaasiinta qaarkood ay diidi karaan, taas oo noqonaysa mid ay Villa Somalia u arki karto aag u wanaagsan.
Ajendaha: waa Nuxurka isku imaatinka, madaxweyne HSM kaliya wuxuu xusay wadatashi mana aadin Tubta la xariirta doorashooyin & ka cararka firaaq dastuuri ah, tan waxay ka dhigan tahay in Golaha Mustaqbalka haddii ay aqbalaan oo tagaan looga adkaaday fagaaraha siyaasadda, sababtoo ah iyaga doodooda waa doorasho, laakiin madaxtooyadu sida ay rabto ayay wada hadal u falkin iyo jiheyn kartaa, taas oo horey looga soo arkay 6 fadhi oo ay madasha Samatabixinta la yeesheen madaxweyne HSM oo dhammaantood laga soo qaaday siyaasiin aragti dhiibtay oo la dhageystay, macno ahaan ka dhigan in xubnaha kaarka la marsaday.
GOLIHII KISMAYO: Ma isku daruuf-baa!
Kasoo labashadii Kismaayo, ka dib dhinacyadan waxay u muuqdaan in aysan isku daruuf siyaasadeed aheyn, qaarkood ayaa la kulmay madaxweyne HSM oo kala hadlay arrimo aan cadeyn ilaa hadda, laakiin madaxweynuhu fasirtay kaar siyaasadeed iyo in uu abuuro kala shaki ah in uu qeyb mucaaradka ah, gaar ahaana xubnaha ay saamiga wadaagan doonidiisa kuqanciyey, hayeeshee qaarkood ayaa diiday in ay gaar u arkaan si mugdi ah HSM, taas oo ay uga dhumanayeen in lagu abuurto daganaan.
Xubno kamid ah madasha Samatabixintu, gaar ahaana foolaadkooda waxay qabaan in HSM la aamino, oo la tago gogol kasta oo uu dhigo, xataa haddii uusan cadeyn ajendaha & ka qeybgalayaashuba labadaba, tan waxaalagu fasiray in golaha aysan waxba ka baran wali 6 fadhi oo ay madaxweynaha horey ula yeelanayeen 3dii sanno ee lasoo dhaafay.
Labadan qodob-ba waa kuwa xasaasi ah, oo ay dad badan qabaan in ay iba fur u noqon karaan in dhinacyadu ku kala aragti duwanaadan nooca shirka loo qabanayo.
PUNTLAND & JUBBALAND: Budo gaar u taagan!
Sida ay sheegayaan dadka falanqeynaya qodobkan, waa adag tahay in dawlad gobaledyada Jubbaland & Puntland si fudud ugu tagaan madaxweyne HSM aqbalaana gogol aysan cadeyn ka qeybgalayaasha ilaa ajendaheeda, taas oo ay horey u sheegeen madaxda 2dan dawlad gobaleed in ay waqtiga uun ka dhuminayso Soomaaliya.
Siciid Deni & Axmed Madoobe waxay maalmo kahor sheegeen in haddii aan dhab loo wada hadlin, xaqiiqada aan la wajihin ay ka dhalan doonaan ficilo dib u taabanaya qaabeysanka dawladnimada dalka, laakiin dawladda Faderaalka waxay uga jawaabtay in ay aado dhabaha qorashada ciidamo, abaabulka ficilka ka dhan ah 2da dhinac, taas oo lagu fasiray muujinta in aan loo baahneyn dhab u hadalka.
MADASHA WADA HADALKA!
Tani waa qodob kale oo ay adag tahay in si fudud lays kugu fahmo, haddii aan lahelin damaanad-qaad ka baxsan dhinacyada Soomaalida, gaar ahaana amniga sida loogu kalsoonaan karro sugida dawladda Faderaalka ayaa durba la warinayaa in madaxda DG qaarkood dureen, iyadoo ay dawladdaha reer galbeedka gaar ahaana Mareykanka ay suuragal tahay in ay damaanada amniga go’aamiyaan masuuliyadeed, xili ay madaxda PL & JL labaduba sheegayaan in aan la aamini karin dawladda Faderaalka oo ciidamada xoogga dhexgalisay dhacdooynkii Raskambooni ilaa ficilo bahalnimo oo kadhacay qeybo kamid ah dalka.
UGU DAMBEYN: waa adag tahay in si fudud doorasho heshiis looga gaaro, Madaxtooyada Soomaaliya taas uguma badiso ayay qabaan falanqeeyayaasha, isla sidas oo kale JL ilaa PL waxay quuldareynayaan in talaabo kasta oo Villa Somalia uga durugto miiska wada xaajoodka & dhab u hadalka in ay iyagana ugu badiso oo ay qaadayaan talaabooyin ay dadweynahoodu ku qasbayaan, laakiin ay iyagu cabsi ka qabaan.



