ADDIS ABABA(GAYLAN-MEDIA)- Itoobiya waxay martigalinaysaa dalal kale duwan, oo ka qeybgalaya xuska 90 sano guuradii kasoo wareegtay asaaskii ciidanka Itoobiya, inta badan tan waxaa lagu fasiray aag dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo hoose lagu karkarinayo, iyadoo sida diblumaasiga ah aan la xusin 90 sano guuro, ee laxuso 50 ilaa 100sano, laakiin tani taahy tijaabo iyo hoos kudhexjirid dhameystiran oo wax xoogan lagu qarinayo, xili ay Itoobiya laftirkeeda ku jirto loolan ah in ay gasho duulaan kuwajahan helitaanka biyaha Badda Cas.
Madasha Xuska 90sano guurada kasoo wareegtay asaaskii ciidanka cirka Itoobiya, waxaa tagi doona masuuliyiin kale duwan oo kasocota dalal is khilaafsan, gaar ahaana Soomaaliya & Imaaraatka Carabta.
Itoobiya waa xaliif 2da dhinacba saaxiib la ah, dhawaan waxay yeelatay dhexgalka Abu Dhabi & Muqdisho, sida aan tabinay 13kii bishan, 2 maalin ka dibna waxay noqotay dalkii raray qalabkii UAE ee Muqdisho, iyadoona ku dadaashay in lahakiyo xiisadda hoosna dhinacyadu u dhigaan oo aan la qaadin talaabooyin kale, taas oo ay 2da dhinacba aqbaleen, ilaa haddana dabacsanaan darafyada ah ay sii kordhayso.
Ilo wareedyo diblumaasiyadeed, waxay sheegayaan in ay kululeysi ay dhinacyadu wadaan wax badso ah, oo ay suuragal tahay in ay Itoobiyaanka ku guuleystaan in hoos loo dhigo gabi ahaanba xiisaddan, iyadoo ay UAE qirayso in ay ixtiraamayso madax banaanida dad iyo dhuleed ee JFS.
Kulamo doceedyo xiran ayaa dhici doona inta munaasabadan oo shaati kore ah socoto, kuwaas ayaana ah aaga muhiimka ah ee dhabta looga doodayo, marka laga tago hadalada iyo mawqifyada dawladduhu warbaahinta ka sheegaan.
Xuskan, waxaa ka qeybgalaya raxan ka mid ah diyaaradaha dagaalka UAE oo adeegsan doona hawada Soomaaliya, iyadoo loo galinayo astaanta dawladda Itoobiya, taas oo ka dhigan in xariirka Abiy & Abu Dhabi uu yahay mid istaraaji ah oo ka gudubay xariir 2 dal.



