Maxaa kasoo baxay shirkii 2da dhinac ee Muqdisho, Fashil mise?

MUQDISHO(GAYLAN-MEDIA)- 19 sitimaal waxaa qaatay in lays arki karro oo goobta fadhiga lagu heshiiyo, 4 maalin oo is jiidjiid ah ka dibna kulankii u dambeeyey ayaa hadda kusoo dhamaaday Villa Somalia, Golaha Mustaqbalka & Madaxweyne HSM wey gaari waayeen heshiis kama dambeys ah oo siyaasadeed, kaas oo xaaladda murugsan ee dalka jiho u dhaqaajiya, soo jeedimaha oo dhan aaga dhimashada ayay dhexda uga jiraan, Gole kakacuna xataa ma badna oo sida muuqata koox kasta dhankeeda ayay xoogsatay.

Maanta, maxaa ka dhacay kulankii Villa Somalia!

Golaha mustaqbalku, waa soo afjareen doodihii ahayd mucaarad miyesan ma jiro, fadhigan ayay riteen dood aruursan oo kooban.

1- In doorasho Dad-ban lagasho dawlad gobaleedyada mudo dhaafka ah oo aan lagu sii socon habdhaqanka dhawaangalka ah ee kursi iska joogida oo halis ay kusifeeyeen ayay keenen golaha Mustaqbalka, asalka in doorasho lagalo aad layskuguma diidana, laakiin qaabkee weeye halka ifiladu ka taagan tahay, MW HSM ayaa kudooday in 2 bil uu kusoo qabanayo doorashooyin qof iyo cod ah oo heer dawlad gobaleed ilaa xildhibaan deegaan la wada dooranayo, Buula-Barde- Dhuusa-mareeb ilaa Baydhabo ayuu sheegay in shaqo uga socoto, Laakiin golaha mustaqbalka ayaa ku adkeystay doorasho Dad-ban xor ah, heshiisna lagu yahay in dawlad gobaleedyadan la gasho.

Tan, waxay dilan siyaasadeed ku tahay Hoggaamiyayaasha safka Villa Somalia ku jira oo iyagoo madasha ka maqan madaxooda lagu gorgortamayo, mudo dhaaf ah oo iyaba qirsan yihiin, qaarkood ayaa bilaabay xan hoosaad ah in ay ka goosanayaan safka madaxweynaha oo hadda u muujinaya in aysan talada sare wax ku laheyn, habeen madow in lays wada rogo ayaa cabsi laga qabaa.

2- In wax ka bedelka hal dhinac ah oo lagu sameeyo Dastuurka uu halis Midnimada intii is ogoleyd ma aysan ku kala aragti duwaneyn golaha mustaqbalka, waxayna sheegeen in kaliya sharci dhankooda u yahay Dastuurkii 2012-kii oo ay halkaas u joogto, Villa Somalia iyana waxay qabtay in dastuurka wax ka bedelka ansax yahay oo go’aanka Aaden Madoobe uusan ka hadal laheyn, doodaha furana ay tahay in taladooda ay kudarsan karaan, Puntland & JL waxay si cad u sheegeen in talaabooyinka hal dhinac ah waxyaabaha ka dhalanaya masuuliyadeeda uu qaadayo madaxweyne HSM, layskumana qarin.

Dastuurka waa masiiri, waana galka ugu weyn ee ay Puntland doonayso in aan marnaba Tanaasul laga sameyn karin, sababtoo ah In hanaanka Federaalka laga guuro, lana cayiliyo awood dhexe oo hal goob amarkeeda ka bilowdo kuna dhamaado, waa mid kamid ah dhacdooyinka la aaminsan yahay in ay Soomaaliya u horseeday halka ay maanta taalo, kala irdhowgana keenay.

3- Qodob 3aadka ee miiska la keenay markii sii2aad waa doorashooyinka Federaalka waxay GMS soo jeediyeen in loo baahan yahay nooc doorasho ka hormarsan tii 2022-kii, heshiis siyaasadeed haysta, laguna qaban karro mudada kahoreysa 15 April, xiligaas oo uu dhacayo mudada baarlamaanka hadda, 2da dhinac horey ayay ugu soo dhawaadeen in ay heshiis ka gaaran oo guddi kasoo tala bixiya loo saaro, isla maanta dooda ayaa agagaarkaas ku wareegtay, laakiin lama gaarin dhab u hadal iyo go`aan heshiis ah toona.

KALA TAG SIYAASADEED ayaa dhacay, koox kastana halkeeda ayey dib ugu laabatay uma qaabeysana in 25 maalin ee nagu soo wajahan laysku fahmo, koox kasta waxay ku dhagan tahay doodeeda, Ramadaanta Cumrada ayaa lakala aadayaa, Bacdal Cibaadana Muqdisho ayaa lays kugu imaan, halkaas oo ay kadhacayaan is hardi doodaha ugu culus uguna xasaasisan, Villa Somalia mashaariicdeeda siyaasadeed waqtigan ma dhaqaajin karto sabab la xariirta Ramadaanta & is diidooyin gudaheeda yaala.

Qaar kamid ah saaxiibada madaxweynuhu waxay qabaan in dooda dawlad gobaleedyada in doorasho lagaliya ay tahay mid aan laga war-wareegi karin, isla madaxda maamulada kuraasta ku raagay waxay isku muujinayaan in ay ka boodaan tareenka Villada, Laftagareen ilaa QoorQoor xan siyaasadeedka & in aan niyadsami jirin ayay hoos u sheegayaan, mase cadeysan karaan.

Share On:

Explore More

Dawladda Somalia: oo magaca bedelatay dhul boob awgiis.

Xanaanada Xoolaha waxaa laga xaraashay 5 goobood oo ay wasaaraddan lahayd, wasaaradda Isgaarsiinta ayaa lumisay 3 kamid ah xarumaha ay baahida qaarkood hadda u qabtay, iyadoo dulaalada dhulka u qortay warqad ka maaransho ah oo madaxweynaha loo geeyey.