Mucaarad aan mid aheyn, Dhex-baarashada Xassan Sh, gacmo daaliska ilaa doodaha Yacyacoodka ah

MUQDISHO(GAYLAN-MEDIA) – Is-jiid jiid dheer iyo kala aamin bax amni ilaa siyaasad socday 3 sano ka dib Khamiistii ayuu madaxweyne HSM xaafiiskiisa kula kulmay madaxda Golaha Mustaqbalka oo ay foolaad u yihiin Hoggaamiyayaal aysan dabka kala qaadan, waa lays sawiray, lamase gaarin natiijo horusocod leh, Afurkii Jimcihii ayaa dib loo balamay, waase baaqday oo cidna iskuma tagin, dadaalo lagalay waxay noqdeen kuwa aan mira dhalin, koox kasta dood adag ayay qabtaa, laakiin golaha Mustaqbalka gudahooda waa ku jahawareersan yihin sida ay u wajahayaan HSM oo aan u cusbeyn.

Madaxweynuhu wuxuu jecleysanayaa in uu markale ka dhex kaluumeysato golaha mustaqbalka, si lamid ah sidii 4 xubnood ugala haray waqtigii uu doodahan oo kale kula jiray madashii Samatabixinta, jilicsanaanta siyaasiinta qaarkood ayaa durba muuqata, taas oo haddii ay dhacdo guul siyaasadeed aan karaankeeda la aqoon u ah Villa Somalia.

Lays kuma diidana, in uu madaxweynuhu qaatay aragtida ah waqtiga ka dhumi ama daali mucaaradkaaga si ay u quustaan,una dabcaan Golaha Mustaqbalka waxaa la dhex-dhigay qodobo qubane ah oo aan jid iyo jiho laheyn sida ay dad badan qabaan, kuwaas oo dhexdooda ay hadda ku kala aragti duwan yihiin, sida ay warar hoosaadka xaqiijinayaan.

Ubucdu waa doorasho, Laakiinta aan jawaabta loo heynin waa damaanad la’aanta madaxweynaha oo sii wata ka shaqeynta labo mashruuc siyaasadeed oo kala tagaba asal u ah, waana Dastuurka oo lasii wado & mudo dhaafka dawlad gobaleedyada.

Villa Somalia waxay qabtaa In ka hor 20-ka April ay qabanayso doorashooyinka dawlad gobaleedyada Galmudug, Hirshabeelle & Koonfur Galbeed, taas oo iskugu jirta heer deegaan ilaa dawlad gobaleed, kuna dhacaysa qof iyo cod ayna maamulayaan guddigii qabtay doorashadii Banaadir, waa mawqif cad oo sumadiisa leh.

Dhanka Mucaaradka jawaabcelintooda ma mideysana, sida ay xogogaalka dhexdooda ah sheegayaan, xubnaha madasha Samatabixintu waxay qaarkood u dabcayaan weedhaha Villa Somalia, waxay dooda ku xoojinayaan in 2 bilood aan qof iyo cod lagu qaban karin, balse dabka cagaha loo gasho MW HSM oo laga qoro in mudo dhaaf yihiin maamuladan, taas oo kalifaysa in QoorQoor, Laftagareen ilaa Guudlaawe ay ka boodaan Tareenka HSM oo ay is doortaan, taas oo culeys ku kordhinaysa Villadda.

Hayeeshee Madaxda Puntland & Jubbaland oo lagu soo doortay doorashooyin Dad-ban oo ay labadaba ka dagaalantay DFS, Malaayiin Dollarna kusoo bixisay lama garanayo sida ay ku aqbali karaan rabitaanka HSM ee qof iyo cod heer dawlad gobaleed ah, waana halka ugu adag ee hadda la taagan yahay, uma sahlana in ay Siciid Deni & Axmed Madoobe ku dhiiradaan qaadashada go`aano fasir badan laga bixin doono.

Majirto oo ma qabaan mucaaradku kalsooni ah in sheegid kasta oo la sameeyo madaxweyne HSM dhab u rogi karro, 60 cisho ayaana u muuqata maalmo kooban oo aan qof iyo cod aan hadda heshiis haysan lagu qaban karin, xataana ay diidmo ka muujinayaan madaxda dawlad gobaleedyada safka madaxweynaha ku jira, balse shakisan.

DOORASHADA MADAXWEYNAHA ilaa DASTUURKA!

In guddiyo labo dhinac ah loo saaro doorashada madaxtooyada Soomaaliya oo lasoo aruuriyo aragtiyaha & noocyada la kala hayo dibna lays kugu soo laabto, Isdiid mucaaradka oo mideysan kama qabaan, laakiin iyana waxaa kudhex daadsan waa Dastuurka oo madaxweyne HSM ku cadaadinayo gudoomiyaha Idman in uu meelmariyo maalmo ka dib, taas oo Puntland aysan si fudud ku qaadan karin, waxayna doonaysaa in la cadeeyo joojinta wax ka bedelada aan heshiis siyaasadeedka haysan ee dastuurka, Hayeeshee halkan Villadu ma rabto in ay ka hadasho.

Puntland uma sahlana in ay aqbasho ama ku dhiirato in rabitaanka dastuurka ee Villa Somalia ay ahaato mid iska socota, lagana sii durko mid ka mid ah mabaadii loo unkay oo ah Soomaaliya Federaal ah in ay qeyb ka ahaato, waana halka ugu badan ee doodaheeda ku qotomeen 26kii sanno ee lasoo dhaafay, una diiday qaadashada go’aano aan waafaqsaneyn dastuur heshiis siyaasadeed haysan.

FASHIL KA DIB: maxaa dhici kara!

Hadii shirkan fashilmo, In laysku soo laabtaa xayaabo badan ayaa dul-saaran, Mustaqbalka ilaa Midnimada dalka ayaana halkan ku xiran, aragtiyo badan ayaa dhulka yaala oo labo dhinac ka imaanaya, laakiin madaxweynaha & koox siyaasadeedkiisa dhib badan uma arkaan doodaha miisaska yaala ee mustaqbalka taabanaya.

YAA TANAASULI DOONAA, YAASE QAADAN DOONA MASUULIYADA Hadidi kala tag yimaado?

Share On:

Explore More

Dawladda Somalia: oo magaca bedelatay dhul boob awgiis.

Xanaanada Xoolaha waxaa laga xaraashay 5 goobood oo ay wasaaraddan lahayd, wasaaradda Isgaarsiinta ayaa lumisay 3 kamid ah xarumaha ay baahida qaarkood hadda u qabtay, iyadoo dulaalada dhulka u qortay warqad ka maaransho ah oo madaxweynaha loo geeyey.