MW Xassan Sh oo New York u tagaya in uu sawir galo

MUQDISHO(GAYLAN-MEDIA) – Madaxweynaha DFS ee Soomaaliya Xassan Sheikh ayaa isku diyaarinaya safar uu kutago New York, isagoo doonaya in uu helo sawirka ah in uu noqdo madaxweynihii u horeeyey ee Soomaaliya oo shirgudoomiya golaha ammaanka ee QM, maadaama bishan ay ku e’eg tahay mudada madaxtinimada golaha ee Soomaaliya, madaxweynaha ayaana ka jeedin doono hadalo kusaabsan dagaalka diblumaasiga ah ee kala dhaxeeya Imaaraatka ilaa Israa`iil.

Todobaadyadii u dambeeyey Soomaaliya ayaa dhexda u gashay xiisado diblumaasiyadeed oo qaarkood ay taabanayaan madax banaanida dalka, gaar ahaana Isreal oo u aqoonsatay Somaliland in ay tahay dal ka madax banaan Jamhuuriyada Faderaaliga ah, taas oo ay dhinacyo badan ka horyimaadeen.

Soomaaliya ayaa qaaday talaabo ay ku hirgalisay maamul cusub oo laga dhisay deegaanada Sool, Cayn & Sanaag, iyadoo madaxweyne Xassan Sheikh uu noqdo hoggaamiyihii u horeeyey ee dawlad dhiska casriga ah oo deegaanadaas taga, isagoo halkaas kaga qeybgalay caleemasaarka hoggaamiyayaasha la doortay.

Madaxweyne Xassan Sheikh ayaa golaha kaga doodi doona in uu todobaad kahor kasoo laabtay Waqooyiga Soomaaliya, oo ay dadku midnimo rabaan ayna jiraan dhinacyo aan gooni-goosadka isku raacsaneyn.

Inkasta oo ay Mogadishu heshay taageerada Carabta ugu badan & Afrika qaarkeed, haddana wali waxaa loo arkaa Talaabada Isreal mid halis badan oo daganaanshaha gobalka si weyn u saameynaysa, gaar ahaana marka laga hadlayo Badda Cas & gacanka Baabul Mandab oo ah kan ugu weyn ee ay dhinacyadu isku hayaan.

Talaabada safarka ayaa lagu beegay, iyadoo madaxweyne Xassan Sheikh doonayo in uu dunida isku tuso in uu wada hadal ugu yeeray hoggaamiyayaasha siyaasadda ee gudaha dalkiisa uga aragtida duwan.

Share On:

Explore More

How much of Gaza is left standing?

aniella Pierson turned 30 on Monday—a milestone acknowledged by a bevy of successful friends, from Spanx founder Sara Blakely to the singer Jewel to designer Diane von Furstenberg.