Somaliland oo diiday dalab xasaasi ah oo uga yimi 2 dal Carbeed & Handaad lagu sameeyey.

HARGEISA(GAYLAN-MEDIA)- Somaliland ayaa la kulmaysay maalmihii u dambeeyey cadaadis caalami ah oo uga imaanaya dalalka Carabta iyo kuwa danaha ka leh gacanka Cadmeed, wixii ka dambeeyey markii ay heshiis lagashay Isreal, Aqoonsina ka heshay, tas oo si weyn u bedeshay jihada siyaasadda ee gobalka Geeska Afrika, abuurtana loolan cusub.

Sacuudiga & Qatar ayaa maalmihi u dambeeyey xariiro la sameeyey dhinacyo kale duwan oo gobalka ah, si ay ugu cadaadiyaan dhinaca Somaliland ka laabashada go’aankeeda, balse Hargeysa ayaa ku adkeystay doonisteeda oo ay kusifeysay mid ay xaqqa u leedahay in la aqoonsado.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo diblumaasiyeed xariiro ay wadeen dalal Shisheeye oo Carab ah uguna nasoo jeedinayeen Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro in uu ka laabto xariirka Israa`iil ayaa fashilmay, markii ay Hargeisa ku adkeysatay in doonista dal madax banaan ay tahay qadiyada bulsho oo aan laabasho laheyn.

Xogaha ayaa sheegaya in labo kamid ah dalalkan Carabta ay isku dayeen in ay handadaan Somaliland, uguna hanjabaan in ay si toos ah & dad-ban ula dagaalami doonaan, balse Somaliland ayaa teeda u adkeystay.

2dan dal oo kamid ah dhinacyada hadda taageersan dawladda faderaalka ayaa u gudbiyey Somaliland in ay aqbalaan gogol wada hadal oo ay garwadeen iyagu kanoqdaan, laguna gaaro xal kama dambeys ah, hayeeshee taasna dhanka Somaliland kama helin soo dhaweyn.

Qaar kamid ah saaxiibada madaxweyne Xassan Sh ayaa sidoo kale u sheegay mid kamid ah dalalka Ologa ah ee Carabta in ay joojiyaan taageero lasiin lahaa dadka abaaruhu sameeyeen ee Somaliland, si culeys loo saaro shacabka deegaanadaas.

Xariirada telfoon ee loo diray Madaxweynaha SL, cadaadiska ay dhinac wado dawladda Faderaalka & cunaqabateynaha soo wajahan ayaa dhammaantood kadhigan kuwa culeys lagu saarayo Somaliland.

Share On:

Explore More

Dawladda Somalia: oo magaca bedelatay dhul boob awgiis.

Xanaanada Xoolaha waxaa laga xaraashay 5 goobood oo ay wasaaraddan lahayd, wasaaradda Isgaarsiinta ayaa lumisay 3 kamid ah xarumaha ay baahida qaarkood hadda u qabtay, iyadoo dulaalada dhulka u qortay warqad ka maaransho ah oo madaxweynaha loo geeyey.

How much of Gaza is left standing?

aniella Pierson turned 30 on Monday—a milestone acknowledged by a bevy of successful friends, from Spanx founder Sara Blakely to the singer Jewel to designer Diane von Furstenberg.