Hanjabaada Xuutiga ee ka dhanka ah Somaliland || Dhib mise Dheef ?

72 saac ee lasoo dhaafay, waxay Somaliland helaysay fariimo uga imaanayay meelo kale duwan oo labo dhinacle, mar wadne kurkur & cabsi ah iyo fariimo diblumaasiyadeed oo dhankeeda u roon, laakiin falcelinta caalamka Carabta waa diiday go`aanka Somaliland xariirka kula sameysay dhinaca Isreal ugana heshay aqoonsi walaw Hargeysa ku doodayso in 34 sano ay doonisteeda jid kasa u qaaday oo ay hadda heshay, haddana fariinta u dambeysa ee katimi Xuutiga Yemen ayaa wada 4 qodob oo halis ah & 3 qodob oo faa’iido ah.
Kooxda Xuutigu waxay gacanta ku hayaan waqooyiga dalka Yemen, waxay haystaan taageerada Iran oo ay is hayaan Isreal, waxya wakiil ka yihiin dagaal aysan bilowgiisa & ajendahaba laheyn oo ah isku heynta Gacanka Cadmeed, waa awood xoog leh oo saameyn abidi ah kuleh siyaasada dunida, marka laga hadlayo gaadiidka maraya Badda ama Baabul Mandab, waana xaqiiqo jirta oo kamid ah dhacdooyin Yemen u duntay.
Hanjabaadooda cusub ee laxariirta in ay beegsanayaan xarun kasta oo milateri oo halis ku ah lagana hirgaliyo Somaliland & in ay kasoo horjeda Aqoonsigaba, waxay ka dhigan tahay mid ay ka dhalanayaan 4 qodob.
1. Xuutigu horay ayay weerarro uga fulin jireen maraakiibta ku socda Israel ama saaxiibadeeda oo US ka mid yahay. Ma bilaabanayso maanta mana istaagayso taasi, hadda waxaa kordhaya khataraha lagu bartilmaameedsan karro saldhigyada milateri ama maraakiibta ay kooxdani u aragto in iyada ay dhan ka yihiin, kooxda ayaana sheegtay in saldhigyo ciidan oo laga sameeyo SL ay hadaf yihiin, tan oo kudaraysa Hargeysa safka xulufada ay is hayaan Xuutiyiinta.

2. Tan waxay dhaawici karta ganacsiga caalamiga ah iyo maraakiibta maraysa Bab-al-Mandab, gaar ahaana agagaarka kudhaw Berbera, Somaliland uma ah dhacdo wanaagsan oo dekedan ayaa inta badan ka dagaan agabyo 16% hadda gala gudaha Itoobiya, tan oo hoos u dhici karta

3. Walaw Somaliland ay kudoodayso in markii horeba aysan dheef badan haysan, haddana Kharashaadka caymiska iyo gaadiidka badda ee tagaya Berbera ayaa lakordhi doonaa, taas oo ka dhalan karto maciiashada qutuldaruuriga ah oo kororta, tan dad badan ayaa la xaririnaya in Xuutigu aysan bartilmaameed kadhigan karin gaadiid ganacsi, oo haddaba taga Berbera.

4. Deegaanada dhaca Buuraleyda Sanaag ee aaga ay maamusho Somaliland, bilo kahor waxaa laga tabiyey xogo amni oo walaac ku abuuray Reer Galbeedka ilaa Isreal, marka lala akhriyo hanjaabadan waxaan shaki laheyn in dhulka loo dagayo, taasna qasab ka dhigayso in SL dib u eegto istaraajiyada aagan & dhaqdhaqaaqyada ciidan ee kajira.
XUUTIGA: ficiladoodii ayay ligliga haystaan!
Hoggaamiyaha kooxdani Abdimaalik Al Xuuti, oo lagu bartay hanjabaad, gantaal la rido & cabsi galin, xalay fariintiisa la baahiyey waxaa ka dhex muuqday in saameynta dibadu kusareyso, mar kalena ay xambaarayso kooxdiisa sidii loo qafiifin lahaa cabsida ay Tehran dareemi karto oo lagu daray isbedelda cusub.
Dad badan ayaa qaba in dooda Xuutiga ay ka dhigan tahay cadaadis siyaasadeed iyo ol’ole sumcad ahaan lagu dhaawacayo Somaliland iyo xulafadeeda.
Somaliland, ayaa la kulmaysa howlgal warbaahineed wadajir ah oo ka imaanaya Qatar, Turkiga ilaa Iran oo isku xiranka uu yahay amniga Badda Cas & qolo kasta oo daruufteeda sheeda ka eeganaysa, taas oo ay Xuutiga qeyb ka noqonayaa marka ay timaado war abuurida & garabka gantaalka.
Hubka waa fidiayaa!
Yemen waa suuq hubeedka ugu weyn ee Amniga Geeska Afrika, gaar ahaana dhanka Xeebaha kasoo gala, dhawaan Senatka US ayaa loo gudbiyey in xariir xoogan u dhaxeeya AS & Xuutiga, hadda kooxdani waxay isku dayaysaa in ay kordhiso abuurida maleeshiyaad, hub cusub oo loo waarido gobalka & daganaansho la’aan, taas oo SL kuqasbaysa lasocoshada gaadiid badeedka & maamulida xeeb dheer oo aan sahal aheyn.
Xuutiga oo dab gacmaha kula jira, mar kasta dhib kuma qabaan in ay colaad kale galaan, iyagoo soo dagida Isreal ee aagan u arki kara khatar jiritaankooda lagu soo afjarayo xili dhinaca Koonfurta Yemen isku qaabanayso noqoshada dal madax banaan.
Dhammaan ficilo haddii ay dhacaan waxay dhaawici kartaa nabadgelyada gobolka oo dhan Somalia ilaa Xeebaha Sudan oo inta u dhaxaysa daadku qaadi doono.
4 Qodob oo “faa’iido istaraatiiji ah” SL waa u dhali kartaa hanjabaadda Xuutiga.
Somaliland mudo dheer ayay ku qeylo-dhaamisay in ay dhacdo marin muhiim ah, tahay dal madax banaan, wax kasta waa sameysay looma soo joogsan, hayeeshee subaxnimadii October 2023kii wixii ka dambeeyey in la dhageysto ayaa la bilaabay,yoolku waa ka sareeya doonista Hargeysa.
– Mareykanka & Isreal oo labaduba baadigoob ugu jiray kudhawaanshaha Baabul Mandab, dekedaha Soomaalida ee Badda Cas kaabiga kuhayaa, waxay u arkayaan hanjabaadan khatar toos ah, waxaana ka dhalanaya in taageero toos ah oo amni ay helaan dhinacyadan, gaar ahaana Somaliland.

– Isreal oo sheegtay in ay aqoonsatay Somaliland, waxay kuqasban tahay in ay qalab milateri oo aan xad laheyn siiso SL, laguna rakibo goobo kale duwan nidaamka kahortagida gantaalada, kaas oo ay Isreal qiimo weyn ku bixin karto, Tan SL waxay ka dhigi kartaa quwad ka tayo sareynaysa Soomaalida kale oo dhan.
– In la abuuro ama la kordhiyo ciidanka Badda Somaliland ayaa ka dhalan karta, taas oo miisaaniyad difaac & Tignoolajiyad ka horeysa oo hubeed ay heli karto.

– Dalalka gobolka, daneeyayaasha UK kamid tahay iyo caalamkuba waxay kordhin karaan isku duubnidooda ka dhanka ah argagixisada & xagjirnimada, taas oo Somaliland dheef wanaagsan u ah.
Ugu dambeyn, Hanjabaaddu waxay Somaliland ku khasbeysaa:
• In ay dib u miisaanto siyaasaddeeda dibadda
• In ay xooga saarto amniga baddeeda iyo dekedaha
• Iyo in ay hesho iskaashi sharci ah oo caalami ah

Share On:

Explore More

Dawladda Somalia: oo magaca bedelatay dhul boob awgiis.

Xanaanada Xoolaha waxaa laga xaraashay 5 goobood oo ay wasaaraddan lahayd, wasaaradda Isgaarsiinta ayaa lumisay 3 kamid ah xarumaha ay baahida qaarkood hadda u qabtay, iyadoo dulaalada dhulka u qortay warqad ka maaransho ah oo madaxweynaha loo geeyey.