USA oo gacmaha ka taagay Soomaaliya, Xiritaanka UN-ka & dhaqdhaqaaqyada qarsoon!

Khuburada arrimaha amniga & Siyaasada aan daganeyn ee Soomaaliya la socota ayaa si dhaw isha ugu heysay kulankii u dambeeyey ee at amuurta dalkan ka yeesheen golaha Ammaanka ee QM, sababtoo ah hadaljeedinta Mareykanka waa la sugayay, maadaama 90-kii cisho ee u dambeeyey loolan diblumaasiyadeed loogu jiray in lagu qanciyo Trump in uu baxsho Malaayiin Dollar oo lagu kabayo amniga Soomaaliya, hayeeshee taas waxaa ka timi jawaab aan qancin UA & Muqdisho.

REER GALBEED: waa diideen lacag bixin!

Fiidnimadii xalay golaha Ammaanka QM ayaa sannad dheeraad ah ugu daray in ay ciidanka Midowga Afrika sii joogaan Koonfurta Soomaaliya, oo ay qeyb kanoqdan difaaca Hay’addaha dawladda, laakiin dawladdaha reer galbeedka waa diideen in ay bixiyaan qaaraanka lacageed ee ciidamadan ay kushaqeynayaan, Afrika waxaa loo shegay in ay amniga iyo arrimaheeda gudaha ku filnaato waa fariin cad oo muujinaysa in si dhameystiran hadda howlgalku markale u dhiig bixi doono.

Sannadkan sii dhamaanaya ee 2025-ka, howlgalka Midowga Afrika waxaa kudhacay waayid mushahaar ilaa dhiig-bax dhaqaale oo gaarsiiyey in la awoodi waayo isticmaalka diyaaradaha qaarkood, taas oo macno ahaan ka dhignaanaysa in fashil howlgalka ku dhamaan karro, khuburada amniga ayaana horey uga digay ficiladan in ay dhali karaan in Soomaalida ay baylah u noqoto argagixisada.

DFS, MAAMULADA & BEELUHU HA IS DIFAACAAN!

Ergayga Mareykanka fadhigan xalay uga hadlay wuxuu si cad u sheegay in Washignton aan lagu sugin dhaqaale ay kubixiso amniga Soomaaliya, gaar ahaana howlgalka midowga Africa, isagoo tilmaamay in ay waqti badan, dhaqaale xoogan & isku dayo diblumaasiyadeed oo isku dhufan galiyeen sidii dawladnimada Soomaaliya loo awoodeyn lahaa, balse intaasba lagu fashilmay.

Mareykanka oo isticmaalay weedho ka madhan diblumaasiyada, waxay si cad u sheegeen in hadda looga baahan yahay dawladda Faderaalka, maamulada & Beelaha in ay is wajahaan kooxaha Argagixiso oo ay tahay in ay isku tashadaan iskana difaacan kooxahan, waa aragti muujinaysa in Soomaalida laga niyadjabay, dhaqaale kasta oo la baxshayna hadda maxsuulka laga helay noqday in loo maamulay si guracan oo aan natiijo keenin.

Tobanaan sano oo koonfurta dalka ay hoggaamiyayaashu isku haleynayeen joogitaanka ciidanka Shisheeye, siyaasi kasta oo Villa Somalia tagayna qabsaday in uu 2 sano kusaarayo, hadda taas waxay u muuqataa in dalalkii dhaqaalaha bixinayay ay daaleen oo aygarowsadeen in ay dhaaminayaan fuusto daloosha.

Talaabada waxaa ka horeeya in US ay joojisay taageero kasta oo ay siin jirtay ciidanka xoogga dalka, gaar ahaana guutada ay tababartay ee DANAB, kaliyana ay kusoo koobtay in dhinaca Jubbaland ay wali ka caawiso howlgalada Jubbada Dhexe, iyadoo u sii guuraysa Afmadow oo ay doonayso in ay kahirgaliso saldhigyo milateri oo xadka saaran.

In US ay diiday markale dhaqaale ku bixinta ciidanka Shisheeye ee Soomaaliya, ma’ahan dhacdo wanaagsan, waxayna tani ku riixaysaa midowga Afrika in dhimid dhameystiran lagu sameeyo askarta joogta, dawladda Soomaaliya oo dhaqaale ka baadigoobtay Doha shirkii u dambeeyey looma helin Qaaraanka sidii loo filayay, tan oo ka dhigan in Soomaalidu way u dhawdahay in ay dhabta wajahdo.

Ra’iisulwasaare hore Xasan Cali Kheyre oo maalmo kahor ka hadlayay shirkii Kismaayo gunaanadkiisii ayaa sheegay in dhaqaale darrada haysata ciidanka Shisheeye & isku haleynta ay ka dhigan tahay in mustaqbalka dalka xaalad kujiro, laakiin hoggaamiyayaasha DFS ay dhexda uga jiraan wax aan dheef keeneyn oo kala qeybin bulsho u horeyso, taas oo hadda muuqata.

ISTARAAJIYADEENA: uun ayaan ka shaqeynaynaa!

Fariinta ay Soomaaliya ka heshay Mareykanka oo ah dalka ugu balaaran ee ay kutiirsan diblumaasiyad & amni ahaanba, waxay khuburada amniga & siyaasaddu sheegayaan in ay ka dhignaanayso in burburka dhaqaale ay wehlin karaan filasho aan horey loo qabin, maadaama deegaanadii ka baxeen AU kal hore ay kooxaha Argagixisadu qabsadeen, sida degmada Maxaas oo 2013-kii laga qabtay balse ay dib uqabsadeen sannadka dhamaanaya markii ay ciidanka Itoobiyaanka ka baxeen.

XAAFIIS UN-ka waa la xirayaa!

James Swan ayaa noqonaya diblumaasigii ugu dambeeyey oo toos uga socda Xoghayaha guud ee QM, kaas oo lagu xirayo xaafiiskan oo siyaasiinta Soomaalida kudhex jiray 25kii sanno ee lasoo dhaafay, hadda golaha ayaa u codeeyey in October sannadka soo socda albaabada loo laabo xaafiiskan, Madaxweyne Xassan Sheikh & taageerayaashiisa ayaa u arka guul weyn oo la gaaray, laakiin dad badan ayaa sheegaya in ay tahay fariin ah in Soomaalida lagu daalay oo laysku deynayo sida ay xal amuurahooda uga gaaraan, uma badna in ay layimaadaan siyaasiintu maskax tanaasul & wada hadal isku qancisa, horweynta siyaasaddu waxay wajahaysaa walaac xoogan.

UGU DAMBEYN: Madaxweynaha USA Donald Trump oo aaminsan aragtida ah in uu danihiisa oo kaliya ilaashado, waxaa xogo hordhac ah ay sheegayaan in howlgalka USA ee koonfurta dalka u muuqato in lagu koobayo Kismaayo ilaa Afmadow, sidoo kalena dib u furayo taageero amni & joogid uu kuyeelanayo deegaano ka baxsan agagaarka ay ka dagaalamayaan kooxaha Argagixiso oo ah PL & SL, iyadoo xooga la saarayo la socodka marin biyoodka Baabul-Mandab & la dagaalanka Daacish.

Share On:

Explore More

Dawladda Somalia: oo magaca bedelatay dhul boob awgiis.

Xanaanada Xoolaha waxaa laga xaraashay 5 goobood oo ay wasaaraddan lahayd, wasaaradda Isgaarsiinta ayaa lumisay 3 kamid ah xarumaha ay baahida qaarkood hadda u qabtay, iyadoo dulaalada dhulka u qortay warqad ka maaransho ah oo madaxweynaha loo geeyey.