MUQDISHO(GAYLAN-MEDIA)- Mudo xileed dhamaad ah, doorka wakiilada caalamiga ah soo kordhaya, Siyaasiinta Soomaalida oo kala irdheysan, Doorasho & Dastuur aan heshiis lagu aheyn, Midnimo dhaawac kusocdo, Xukuumad wasiiradeedu darban yihiin raacashada baraha bulshada, go`aano qar iska xoornimo ah & isku imaatin aan niyadsami laga aheyn, ayaa maalmahan sareyn doonaa siyaasadda Soomaaliya.
Madaxweyne HSM ayaa wajahaya culeys xoog leh oo kahaysta Midnimada oo dhaawac kudhacay isagoo xukunkiisa 2aad ku jira oo ah arrinta Somaliland oo aan sahal aheyn, Golaha Mustaqbalka oo kaabiga u taagan kana sugaya doorashooyin loo dhan yahay, Madaxda DG safkiisa kujira oo mudo dhaaf ah & Kakaanta isbedelada gobaliga ah ee xawliga kusocda, intaas oo lagu kabay in aysan kalsooni badan oo dhinaca niyad-wanaaga darafyada ah jirin ayaa muujinaysa kala tagnsanaan aan xal loo heynin.
2dii maalmood ee lasoo dhaafya golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin JL, PL & Madasha Samatabixinta ee Muqdisho ayaa lahaa kulamo ay uga arrinsaneyeen sida ay uga jawaabi karaan gogosha uu RW Xamse iclaamiyey oo loogu yeeray golahaooda, kana soo baxday dalabkoodii Kismaayo.
Aan wada hadalno, madba’ahaan dhinacyada oo dhan waxaa isku raaceen Madaxweyne HSm ilaa golaha Mustaqbalka, laakiin ajendayaasha iyo farsamada sida loo dhigayo doodaha ayaa ah qodobka hortabinta leh ee xasaasiga ah, kaas oo waraaqaha labada dhinacba ka muuqda sida ay ugu kala tagsan yihiin.
KA QEYBGALAYAA: waa cad yihiin!
Shirka looga hadlayoh doorashooyinka dalka, labada dhinac ee ka wada hadlaysa waa Golaha Mustaqbalka & madaxweyne HSM ahna hoggaamiyaha JSP oo ay wakaaladooda saarteen madaxda DG mudo dhaafka ah, waxaana muuqata in ay adag tahay 2dan dhinac oo kaliya in ay go`aan siyaasi ah oo doorasho gaaraan, taas oo aysan Villa Somalia ku dhici karin sida ay dad badan sheegayaan.
In 2da dhinac kaliya wada fariistaan waxay soo gaabinaysaa is jiidjiid dheer oo gali lahaa yaa doorasho ka hadlaya ama qeyb ka noqonaya, taas oo muujinaysa in wada fadhi kasta oo 2dan dhinac yeeshaan ay iyagu noqonayaan Jiilayaasha is haya, dhammaan dhinacyada kalena ay yihiin kuwa kuqasbanaan doona safka Villa Somalia in ay buuxiyaan.
VILLA SOMALIA waa diiday in ay ajendaha si cad u shaaciso!
19kii bishan go`aankii kasoo baxay Xukuumadda dawladda Faderaalka, waxaa lagu cadeeyey in dawladdu diyaar u tahay shir wadatashi ah oo looga hadlayo qodobada hortabinta leh, gaar ahaana Midnimada, amniga & Dimuquraadiyadda, ajenduhuna uu noqonayo mid ay wada xaajoonayaan guddiyo farsamo oo 2da dhinac kasocda, taas waxaa lagu fasiray in dawladdu si toos ah uga durkayso in ay Ubucda laga doonayo ka carartay.
Laakiin kudhawaaqida dhigida gogoshan ma aheyn mid uu jeclaa madaxweyne HSM, sida ay sheegayaan saaxiibadiisa siyaasadda, waxaana taas lagu fasiray in ay sii cadeysay ka dib isla markii go`aanbka baxayna in madaxweynuhu bilaabay ka shaqeynta qaar kamid ah ajendayaasha bilowgiiba ay darafyadu ku kala tageen, gaar ahaana kan la xariira wax ka bedelka dastuurka oo ah ubucda is heynta dhinacyada oo dhan.
Taas oo uu madaxweynuhu doonayo in kahor shirkaba lagu kala baxo oo guddoonka golaha baarlamaanka 11-aad balanqaadyo dhaqaale ilaa kuwa siyaasadeed isku mariyey, sidii meelmar looga dhigi lahaa ajendihiisa, tan waxaa lagu fasiray in aysan madaxtooyadu dan weyn ka laheyn in heshiis siyasi ah la helo.
AQBALKA GOLAHA MUSTAQBALKA: ee gogosha maxaa ka dhexmuuqda!
In golahan ay shaaciyaan ajendaha, sii sheegana qodobo ay tahay in madaxweyne HSm ka fogaado waxaa lagu fasiray in ajiibida ay kudhex jirto is jilaafeyn siyaasadeed, gaar ahaana qodobka sida cad u dalbanaya In uu MW gebi ahaanba joojiyo wax ka badelka Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka ee 2012-kii, tan waa is ogaanshaha labada dhinac haddana is dhakraya, waana aag ugu xasaasisan ee shirka cabsida laga qabo in ay fashil u horseedo.
Madaxweynuhu aagan wuxuu u arkaa meel uu isku mar uga adkaan karo siyaasiinta ka aragtida duwan, gaar ahaana Siciid Deni & Axmed Madoobe ayuu doonayaa in ay madasha la fariistaan, isagoo bedelay dhammaan qodobada Dastuurka 2012-kii, kaas oo ay 2da maamulba si cad u sheegaan in ay aqoonsan yihiin, waxayna ka dhigan in HSM halkan ka leeyahay ujeedo siyaasadeed ayna adag tahay in uu dib uga maagto.
In ajendayaasha laga wada hadlayo ay golaha Mustaqbalka sii sheegaan oo ay kudaraan doorashooyinka Hay’addaha 2da heer ee dawladda faderaalka, Midnimada & kuqurxinta la dagaalanka Argagixisada, waxaa lagu Tafsiiray ogaanshaha nuxurka in uu yahay doorasho loo dhan yahay, heshiisna haysata, taas oo ay adag tahay in ay Villa Somalia si fudud ku aqbasho.
SHIRKA: ma dhaafi doonaa Is aragyada guddiyada Farsamada!
Bartamaha todobaadkan guddiyada farsamada ee labada dhinac ayaa kulmi doona waana meesha lagu jeexjeexi doono ajendayaasha hortabinta leh, labada dhinacba sida ay isku afgarteen guddiyadooda hordhaca ah ayaa natiijada laga garan karaa, durba dad badan ayaa shaki ka muujinaya sida looga gudbi karro qodobada hortabinta leh dhinacyaduna isku waafaji doonaan doonistooda & waaqaca xaqiiqada taala.
BEESHA CAALAMKA: oo awood yeelanaysa.
Wakiilada caalamiga ah, gaar ahaana UN-ka, EU, UK & US ayaa door xoogan yeelan doonaa, halkani maaha dhacdo sahlan waana in dhinacyada lagu qasbi doono wada hadal iyo go`aan dhameystiran oo ay gaaraan, maadaama dhacdooyinka ay hadda kakan yihiin.



