Waa kuma hoggaamiyaha Geeska Afrika ee 6 heshiis nabad oo uu saxiixay ay colaada isku rogeen?
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed wuxuu tan iyo markii uu xafiiska yimid sannadkii 2018 isku muujinayay hoggaamiye cusub oo geesinimo ku doonaya nabad, dib-u-heshiisiin, iyo isku-xirnaanta Geeska Afrika oo hal dal laga dhigo. Laakiin lix sano kaddib, raadraaca heshiisyada uu saxiixay iyo halka ay ku dambeyeen waxay muujinayaan muuqaal kale: heshiisyo la saxiixo, sawirro la galo, ammaan caalami ah oo la kasbado, intaasba dhabta waxba kama bedelin & waaqacana ma saameyn, laakiin fulin aan muuqan, iyo khilaafyo cusub oo colaad isku bedelaya ayaa geeska ka oogan.
Warbixintan waxaan ku eegaynaa dhammaan heshiisyada Nabadda ee uu Abiy saxiixay & meesha ay maanta marayaan.
**1. 2018 – Asmara Peace Declaration (Eritrea)
Heshiiskan oo loo arkayay in uu soo gabagabeynayo colaaddii 20 sano jirtay ee Itoobiya iyo Eritrea ayaa noqday mid dunidu ku faraxdo, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo dowlado badan ayaa Abiy ku ammaanay talaabadan, wuxuuna ku qaatay Biladda Nabada Adduunka isagoo aan horey uga mid aheyn dadka xataa la saadaalinayey.
Hayeeshee 7 sano ka dib.
• Xuduudihii waa xiran yihiin
• Ganacsigii & Isku socodkii ehelka ma jiro
• Labo ciidan ayaa is hor fadhiya
• Diblomaasiyadda labada dal dib oo dagaal lagu bedelay.
• 7 sano ka dib Heshiiskii lagu mutetstay Bilada Nabadda Aduunka, wuxuu noqday Muuqaal aan la jecleysan maanta marka laga hadlayoh nabadda.
Xiriirka Abiy Axmed & Isaias Afewerki wuxuu noqday mid burburay, labadana dhinacna waxay isku diyaarinayaan dagaal toos ah wax u muuqda oo hadda saan-saantiisa loo bareeray.
2. 2018 – Jeddah Accord (Eritrea)
Halka lagu saxiixay: Jeddah, Sacuudi Carabiya**
Waa heshiis lagu xoojiyay kii Asmara, waxaana goob-joog ka ahaa Dhaxal-Sugaha Sacuudiga iyo madaxda caalamka.
Laakiin dhammaadkiisa ayaa noqday.
• Mid aan fulin aslanba, hayeeshee Sacuudiga Balaayin Dollar looga qaatay
• Bale’e wuxuu In dalalkii xiligaas ay maanta kala durugsan yihiin oo dagaal u durbaan tumanayaan.
• Danta siyaasadeed ee Sacuudi Carabiya iyo Isaias ayaa ka xoog roonaatay fulinta heshiiska.
Heshiiska Jeddah wuxuu noqday mid Tamashle uun laga dhaxlay, balse aan ka tarjumin isbeddel dhaba oo Geeska Afrika nabdeeya.
3. 2018 Heshiiskii Nabadda ee ONLF & OLF.
Abiy wuxuu heshiis la saxiixay laba urur oo muddo dheer hubeysnaa, u dagaalamayay xornimo
• ONLF (Ogaden National Liberation Front)
• OLF (Oromo Liberation Front)
Wuxuu ku ballanqaaday in maxaabiista la sii daayo, ciidanka la dhaqan-geliyo, siyaasiyiin dib-u-celinta.
Halka uu ku dambeeyay:
• OLF waxay dib ugu noqotay dagaal (OLA splinter group)
• ONLF waxay sheegatay in ballamihii la jebiyay, oo heshiiskii burburay
• Qaybaha hubeysna waxay ka jawaabeen fulin la’aanta dowladda
• Gobolka Oromada wuxuu noqday goob dagaal joogto ah
Heshiiskan wuxuu noqday mid dhegaha lagu saxo, laakiin aan laga dhisin hannaan siyaasadeed oo dhab ah.
4. 2023 – Pretoria Agreement (TPLF)
Halka lagu saxiixay: Pretoria, Koonfur Afrika**
Waa heshiiskii lagu joojiyay dagaalkii Tigray oo 600,000 qof ku dhinteen. Waxay ahayd heshiis taariikhi ah oo dunida oo dhan aad u ammaantay.
Halka uu ku dambeeyay:
• Qayb ka mid ah ciidankii Eritrea wali lama saar
• Qaybaha TDF wali hub kama bixin
• Maamulkii Tigray lama dhammeystirin
• Go’aankii maxkamad caalami ah ee dambiyada dagaalka lama dhaqan gelin
• Qaxootiga lama soo celin
• Qorshihii qorshe siyaasadeed ee federaalka ma fulin
Dadka Tigray waxay wali ku nool yihiin cunaqabateyn dhaqaale iyo siyaasadeed.
**5. 2024 – MOU with Somaliland
Halka lagu saxiixay: Addis Ababa**
Waxaa ahaa is-afgarad muran weyn dhaliyay oo Itoobiya ku sheegatay marin badeed 50 km, halka Somaliland ay ku dooday in ay “aqoonsi” heli doonto.
Halka uu ku dambeeyay:
• MOU-ga waxaa cambaareeyay Somalia, AU, IGAD iyo dalal badan
• Itoobiya iscafis cad ma aysan helin
• Somaliland aqoonsi uma aysan helin
• Heshiisku wuxuu sababay xasarad diblomaasiyadeed iyo burbur ku yimid xiriirkii Geeska Afrika
• Ma jirto hal talaabo oo fulin ah oo dhabta ah
Waxay noqotay heshiis siyaasadeed oo ujeedkiisu ahaa cadaadis iyo muujin awoodeed.
6. 2024 – Tanzania Peace Agreement (OLA)
Halka lagu saxiixay: Tanzania**
Waxaa la filayay in lagu soo afjaro dagaalkii gobolka Oromada ka socday, oo ahaa kan ugu dhiigga badan ee gudaha Itoobiya.
Halka uu ku dambeeyay:
• Colaaddu waa sii socotaa
• OLA waxay sheegtay in dowladda jebisay qodobo badan
• Dadkii rayidka ahaa waxay weli la kulmaan duqeyn iyo gaarista adeegyada oo xanniban
• Amniga Oromada ma hagaagin—xaaladda waa ka sii dartay
Heshiisku wuxuu ku dhammaaday kalsooni darro labadaba dhinac.
HOGGAAN HESHIISYO SAWIR AH gala, laakiin aan fulin laheyn!
Marka la isku keeno dhammaan heshiisyadan, waxa soo baxaya dhowr astaamood oo muhiim ah:
1. Abiy wuxuu saxiixaa degdeg — balse qorshe fulin ma laha
Heshiisyada waa la saxiixaa iyadoo aan la diyaarin:
• hannaan maamul,
• hab-raac ku saabsan ciidamada,
• xuduudaha,
• hub-ka-qaadista,
• maamul wadaag siyaasadeed.
2. Heshiisyadu waxay noqdaan aalad siyaasadeed, ma aha xalal
Waxay u adeegaan:
• in uu helo taageero caalami ah,
• in uu xakameeyo mucaaradka gudaha,
• in uu ku yareeyo cadaadiska dhaqaalaha ama militariga.
3. Itoobiya waxay gashay marxalad “post-heshiis” oo khatar ah
Inta badan heshiisyadu waxay sababaan:
• kala-qaybsanaan cusub,
• kooxo hubeysan oo soo kordha,
• dagaal dib u bilaabma,
• kala shaki caalami ah.
4. Siyaasadda Abiy waa mid ku dhisan hal mabda’: “Saxiix hore & fulin dambe oo aan jirin”
Habdhaqanka Itoobiya, dadka ayaa leh hal-heys ama weedh maah-maah ah “Nabadda warqadda ku qoran wax kama beddeli karto rasaasta dhulka ka dhaceyso.”
ITOOBIYA IYADAA KHAARIJISAY NABADDEEDII
Heshiisyada badan ma aha nabad. Waxay noqon karaan:
• astaan burbur siyaasi ah,
• si ay u qariyaan dagaallo gudaha ah,
• qalab lagu kasbado taageero dibadeed,
• ama sawir siyaasadeed oo aan ka fogeyn muuqaal iyo saxiix.
Dhammaan heshiisyadii uu Abiy saxiixay lixdii sano ee la soo dhaafay waxay soo bandhigeen qaab ku celcelis ah oo halis u ah Itoobiya iyo gobolka:
Heshiis la saxiixo — la jebiyo — colaado cusub oo qarxa.
Itoobiya wali waxay u baahan tahay hogaamiye fulin kara heshiis, ma aha mid saxiixi kara oo keliya.



