MUQDISHO(GAYLAN-MEDIA) – Dharaaro adag oo siyaasadeed, una baahan ku dhac & go’aan qaadasho ayaa hortuban madaxda DFS, fursad ka faa’iideysiga in la noqdo Hoggaamiye la majiirto ayaa taariikhdan casriga ah lagu qori karaa.
Arbacadii 15-kii Juun 2022 Xamse cabdi barre ayaa noqday RW JFS, amintaas ilaa waqtiga wuxuu haystaa Horyaalka ah RW ugu mudada dheeraa dawlad dhiskan casriga ah ee Soomaaliya, 1,347 maalmood, aan sanadeyno waa 3 sano, 8 bilood, iyo 6 maalmood ayuu xaafiiska jooga.
Ra’iisulwasaaruhu wuxuu bilowgiisii siyaasadda sii sheegay in uu Janada kugalayo, laakiin wuxuu hadda kujiraa marxalad aad u kakan, Madaxweynaha uu daacad u ahaa muddo xileedkiisa waa gabaabsi, Hay’adaha sharciga ah kaabiga ayay u saaran yihiin mudo dhaaf, Doorasho la isla ogolyahay ma jirto, 83 maalin uun ayaa madaxweynaha u hartay, Muran & Isjiid jiidku waa mid salka ku haya doorasho loo dhanyahay.
Dib ayaan ugu Laabanee Dowladii Farmaajo iyo xaaladda oo kale, Hogaankii Badbaadiyay jiritaanka dowladnimada, ka soo horjeedsaday muddo kororsi & Doorasho qof iyo cod ah oo aan heshiis siyaasadeed haysan, waxaa sababay oo Taariikhda ku galay xilkiisana ku waayay RW Xassan Cali Kheyre Geedi, Suaasha lays weydiinaya amintan oo fagaaraha taalaa waa Xamse oo jabiyey horyaalkii mudada xil-heynta ee Kheyre ee ma raaci doonaa Jidkii doorasho galinta dalka ee Kheyre.
Dhul-gariirkii siyaasadeed Sabtidii 27kii June 2020-kii, RW Kheyre ayaa golihiisa wasiiradda shirayey, wuxuuna si toos ah uga sheegay mawqif oo uusan madaxweynihiisii la ogeyn, kaas oo ahaa in dalka loo baahan yahay doorasho heshiis lagu yahay oo ay tahay in laga shaqeeyo, meeshana laga saaro nooc kasta oo isku day mudo kororsi ah, wuxuu si toos ah u tilmaamay in kala tag Midnimada dalka ilaa mid siyaasadeed oo abidi ah laga dhaxli doono ka shaqeynta mudo dhaaf doorasho.
25kii Luulyo isla sannadkaas, Golle baarlamaan oo u darbanaa rabitaankii MW Farmaajo iyo Gudoomiyihii hore Maxamed Mursal, ayaa amintii Dhuusa-Mareeb lagu soo kala tagay arrinta doorashada awgeed si lamid ah arrinta hadda ka taagan Muqdisho u codeeyey go`aanka Ridida xukuumadii Kheyre, sabab la xariirta in uu miiska keenay dood doorasho oo heshiis lagu yahay in lahelo, dalkana laga badbaadiyo kala tag midnimo & Firaaq dasyuuri ah, lana soo xiro jidka mudo kororsiga, haddana Kheyre ayaa saatay Taariikh ah in uu noqday siyaasi xukun ku tamashleyn karey oo ka doortay in dalka doorasho loo dareeriyo, taas oo aysan jecleyn dawladdii xukunka joogtay, xataa haddii uu xilkiisa waayayo.
Hadda Shan sano oo wareeg siyaasadeed ah, Xamse Cabdi barre ayaa taagan isgooys halis ah, Hadii maalmaha barwaaqada la isla joogay hadda waa maalmo sakaraad siyaasadeed iyo kurbada doodo isdiidan. Xamse waxaa farqa loo galiyay dagaallo dhiig badan ku daatay, ciidan xadka dhaafay tan iyo taariikhda abid, weeraro siyaasadeed oo maamulada deegaankiisa, Madallo laga sheego burburka maamulada jira sida PL. Intaasiba wuxuu garwadeen u ahaa fulintya siyaasadda dawladda uu hoggaankeeda ka mid yahay, Laakiin amintii ilaalinta qiyamka miyaa la gaaray?
MW Xasan ayaa cagta saaray wax walba oo xukunkii Farmaajo ku eedeynayay wuuna falay oo waxba ma hambeyn sida ay mucaaradkiisa ku eedeyaan, Majirto garaad siyaasadeed oo kordhay, 3 sanno & dheeraad waxaa la-taaganyahay Midnimo dhaawacan, kala tag siyaasadeed, xitaa balamaha ayaa ah kuwa ku dhinta miiska lagu gaaray, ilaa la gaaray in koox walba qadadeeda horey u soo qaadato, waana kala aamin bixii ugu weynaa ee abid.
RW Xamse ma diidi doonaa intii Kheyre MAYA yiri!
U Jeelanaanta muddo kororsiga Xassan sheekh labo dariiq ayuu siinayaa xamse cabdi barre in uu noqdo RW daacad u sii ahaada macalinkiisa siyaasadda ilaa waxbarashada haddana aakhiru saaca madaxiisa madaxweynuhu ku gorgortamo, taas oo reebaysa Taariikh xumo aan hareyn oo diwaanada siyaasadda gasha Iyo in uu raaco dhabihii Xassan Cali Kheyre oo uu diido inta Farmaajo u diidanaa oo ah mudo kororsi & Doorasho aan heshiis siyaasaded haysan.
Kulan siyaasadeedkii u dambeeyey Xamse, Axmed madoobe iyo Dani wuxuu ahaa kulan ka duwan sawir, waxaa goobta ka dhacay is dhaahin kooban iyo in Xamse aan loo qaban wixii dhacay 3 sanno ee u dambeeysya balse hadda la joogo amintii dhabta la wajihi lahaa, MW HSM uma arko dookh wanaagsan dhaqdhaqaaqyadan, is xamashada dhinacyada Villa Somalia ku mideysana waa sareysaa oo shaki la’aan ma jirto.
Go’aankii Khayre wuxuu dhalay Badbaado dalka & In Soomaali mideysan doorashadii May 2022kii ay gasho oo madaxweyne-nimada HSM ilaa RW-nimada Xamse ay kasoo baxday, sida ay mucaarad & muxaafidba isku raacsan yihiin.
LAAKIIN IS WEYDIINTA XOOGANI HADA WAXAY TAHAY: Xamse Ma laga filankaraa dharaaraha iyo Maalmaha dhow Dhalan rog siyaasadeed, oo magaciisa martabad sare uu kugalin karro, DALKANA kaga badbaadi karo Midnimada oo burburta iyadoo ka jilicsan hadda intii Kheyre uga Turay?



