MW HSM- oo maanta qaaday 4 Talaabo oo Israaiil lagu jabinayo.

48 saac oo mashquul daran jiray ayay u ahayd madaxweyne Xassan Sheikh, dhafoorkiisa ayuu ka muuqdaa dihaalka dagaalka diblumaasiga, in uu ku kaliyeystay ayaa banaanyaal ah, mowjado culculus oo lama filaan ah ayay Soomaaliya dhexda u gashay, saacadaha nasashada ayaa soo koomaya, dhammaan balamihii horey u jiray & kuwa aan muhiimka aheyn ayaa hoos la tiriray, baarlamaanka 11-aad ayaa subaxnimadan ku kalahaya fadhigooda Villa Hargeysa, waa markii 2aad oo fadhi aan caadi aheyn ay golahan yeelanayaan HSMna hadal u jeedin doono, Shalay aroornimadii isla sidan ayay HSM u ahayd, laakiin Sabtidii wuxuu bilaabay wicitaano telfoonada dalal kale duwan oo uu kufileyay in ay taageeri karaan madax banaanideeda, kana hor imaan karaan talaabada Isreal ay Somaliland ugu aqoonsatay dal madax banaan.

Telaviv & IPAC iyana uma ah amin fadhi & Tamashle Axadan, loolan ayay kujiraan kudifaacanayaan doonistooda uma arkaan cambaareynta wax weyn, ficiladoodii bahalnimo ee Qasa ilaa dunida Carabta ayay horey u kari weyday waxna ka uga qaadi weyday dhaleeceyntu, waxayna tahay wax caadi ah oo ay laqabsadeen, laakiin Soomaaliya tani waa u hiil weyn in dal cambaareyn diro.

Tabintan, waxaan ku eegaynaa 4 qodob oo Madaxweyne HSM qaaday & Nuxurka hadalka laga filayo maanta ee hoggaamiye Qaran?

MAXAA KASOO BAXAY TELFOONADII LAYS DHAAFSADAY!

Sida ay sheegayaan saraakiisha madaxtooyada madaxweynaha ayaa wicitaanadiisa ka bilaabay in uu helo balamaha madaxda gobalka, madaxtooyada ayaa shaacisay in HSM telfoon ku helay madaxda Geelle, Museveni, Samiya Suluhu & Ruto, isla dawladda Federaalka ayaa sheegtay in ay taageereen mawqifkeeda oo ay kasoo horjeesteen Isreal.

Dalalkan qaarkood waxay xariir la leeyihiin diblumaasyadeed Isreal, mana soo qorin dhankooda in ay aqbaleen mawqifka dawladda Soomaaliya ay ka codsatay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la xariiray hoggaamiyayaasha gobalka qaarkood, kuwaas oo aan faahfaahin badan laga bixin waxyaabaha wada hadal telfoonka, dawladda Faderaalkuna si lamid ah sida dalalkan kale ma aysan shaacin.

Madaxweyne HSM ayaa la hadlay Amiirka dalka Qatar oo dalkiisu bilo kahor, la kulmay weerar toos ah oo ay Isreal kubeegsatay qalbiga magaalada Doha, loogana gudbay Shir maalin & cambaareyn dunida islaamka ay jeediyeen, labada dhinac ayaa markale isla cambaareeyye ficilka Isreal, waxayna Qatar sheegtay in ay garab taagan tahay madax banaanida Soomaaliya.

GEESKU: ma firfircoona!

Geeska Afrika marka laga hadlayo ama dalalka jaarka la ah Soomaaliya, Jabuuti oo kaliya ayaa si shaacsan mawqifkeeda ugu baahisay wasaaradda arrimaha dibada, Soomaaliya ayaa codsatay fadhi deg deg ah oo ay yeeshaan hoggaamiyayaasha Ururka Bulshada Barriga Afrika, Jaamacadda Carabta ilaa Midowga Afrika, hayeshee saacadaha hore ee Isniinta ayaa jawaabcelinta lasugayaa, iyadoo waliba ay soo baxayaan in ay jiraan Saan-gurasho.

Xogo hordhac ah oo laga helayo xarunta diblumaasiyada Midowga Afrika ee Addis Ababa ayaa sheegaya in ay Itoobiya ku amartay diblumaasiyiinteeda dibada & gudahaba in aysan ka hadli karin arrimaha kasoo cusboonaaday deriskeeda, gaar ahaana Aqoonsiga Somaliland ay ka heshay dhinaca Isr|L, kaas oo ay si weyn diideen dalal badan una cambaareeyen.

Jan 2024-kii, Abiy ayaa la saxiixday Somaliland heshiis Is afgarad oo aan ilaa maanta si cad looga laaban, kaliyana xariirka 2da dal lagu soo ceshay Baaqii Ankara oo aan la fulin ilaa amintan.

Qaar kamid ah dalalka Carabta, Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Serbia, Iran & Pakistan ayaa ilaa hadda si cad umuujiyey dareenkooda, wasaaradahooda arrimaha dibadu u sheegee mawqifkooda, laakiin dalalka ay sheegtay dawladdu in ay la qaateen xadgudubka Isreal in uu sharci darro yahay majiro mid si cad dhankiisa u shaaciyay, taas oo wali talabaada ka dhigaysa mid dhanka Soomaaliya ay katimi.

Iran oo dagaal ka dhaxeeya Isreal, markalena cabsi laga qabo in ay fooda is daraan, waxay sheegtay in Muslimiinta looga baahan yahay midow balaaran oo Isreal kala qeybin & kala dhantal ay ka shaqeynayso.

3 dal ayaa awood lasiiyey!

Soomaaliya ayaa xalay siiyay dalalka Sacuudiga, Turkiga & Masar in ay xambaari karaan aragtiodeeda oo ay qeyb kanoqdan loolanka looga hortagayo damaca Isreal ee Somaliland ay ku aqoonsatay, waxayna dalalkan iyagu aar u bilaaben dadaalkooda, 3 aag ayaa la kala qaatay Masar ayaa wajahday Yurub iyo dalalka ay xariirka la leedahay, Sacuudiga ayaa aaday jihada wadamada ay xulufada yihiin ee Aasiya, ilaa haddana sadex kamid ah xulufadiisa ku taageersan arrinta Yemen ayaa qaatay go’aanka cambaareynta.

CIDA HAYSA SHAQADA UGU CULUS!

Dawladda Soomaaliya waxay Turkiga u dirtay ilaa hadda jihada ugu culus oo ah qancinta & war ka keenida Mareykanka, sida ay sheegayaan xubno wargal ah, Ankara ayaa xalayba kusifeysay talaabada Isreal in ay tahay mid khatar amni ah, waxaana talaabada markiiba ku raacay Sacuudiga & Masar oo dareensan halista amni ee ay kuleedahay dalalkooda haddii ay Isreal saldhigato Berbera & Badda Cas aaga kaabiga ku haya.

Halkan in la qanciyo Trump waa aaga ugu xasaasisan, maadaama isku xiranka Syria ilaa Gaza ay Turkiga qeyb ka ahaayeen, saaxiibtinimo shaqsi ahna ka dhaxayso 70 jirada labada dal, Erdogan ilaa Soomaaliya waxay doonayaan in lahelo mawqifka Trump, haddii ay taas dhacdo wax badan ayaa iska dhimaya damaca Isreal & Aqoonsigeeda Somaliland.

4 QODOB: oo madaxweyne Qaran maanta khudbadiisa baarlamaanka laga sugayo.

Madaxweynaha Federaalka ayaa 24kii saac ee lasoo dhaafay & dheeraadka dhacdadan jirto, diblumaasiyada ayuu si weyn xooga u saaray, waana dadaal mirodhal ah, sida ay qabaan dadka arrinta darsaya, hayeeshee maanta khudbaddiisa baarlamaanka 11-aad oo ah mid aan caadi aheyn waxaa la eegi doonaa sida uu afar arrimoodba diiradda u saaro.

– In uu kudhawaaqo Katanaasulka waxyaabaha lagu kale aragti duwan yahay, noqdana hoggaamiye bulshadiisa waqtiga adag isku duma, aruuriye Hayin ah oo ku dhawaaqa in uu xirayo galalka halistan abuuray.

– In talada dalku aysan kaligiis aheyn, una baahan yahay garab istaag, ayna Soomaali isku duuban kahortagaan faragalinta dibada ee Isreal ay sida cad ugu dhaqaaqday.

– In uu xataa sheego in dadka Somaliland aan lawada saari karin talaabo qaadka xukuumiga ah, taageerana uga sameysto bulshadan oo bilihii u dambeeyey la kulantay ficilo aad u fogeynayay.

– Iyo Joojinta dhammaan go’aanada loo arko in ay abuurayaan kala tag horleh oo laga eegay uun xagasha dhaqaale ka sameynta & dawladnimada oo la koobayo, taas oo la aaminsan yahay in ay halsi abuurayso.

NEW YORK: waa lagu dagaalamayaa.

Sida aan 1dii duhurnimo ee maanta Falanqeynteena ku shegnay sheegnay meesha ugu xasaasisan ee lagula dagaalami doonaa cid kastana mawqifkeeda laga ogaan doonaa waa fadhiga aan caadiga aheyn ee golaha Ammaanka QM,Soomaaliya miiska ayay fadhidaa oo iyada ayaa dalbatay kulanka, waxayna ka mid tahay 15ka xubnood, 5 dal oo diidmo qayaxan leh ayaa jira, ISREAL iyana waa fadhidaa Danjiraha u jooga New York ayaa bartiisa X kusheegay in ay xaq u leeyihiin doonistooda oo ay doodooda difaacan doonaan.

Tabin kale ayaan ku eegi doonaa, waxay Soomaaliya u baahan tahay si ay guul u gaarto fadhiga Golaha Ammaanka ee QM, laakiin waxaa isla xiligan socda galangal & loolan lagalayo, isla aminta shirkan waxaa garab soconaya tagida Netanyahu ee Mareykanka iyo la kulanka saaxiibkiisa baariga u ah Donald J Trump.

Share On:

Explore More

Dawladda Somalia: oo magaca bedelatay dhul boob awgiis.

Xanaanada Xoolaha waxaa laga xaraashay 5 goobood oo ay wasaaraddan lahayd, wasaaradda Isgaarsiinta ayaa lumisay 3 kamid ah xarumaha ay baahida qaarkood hadda u qabtay, iyadoo dulaalada dhulka u qortay warqad ka maaransho ah oo madaxweynaha loo geeyey.