Dagaalkii fagaaraha diblumaasiyada xalay, Handaadada Mareykanka & hal go’aan oo Soomaali loo dhiibay

Xalay, NEW YORK Waa la dooday oo lays isku hurgufay weedho kakan ama adag. Dad badan oo Soomaaliyeed oo 2 aragti kala qaba waxay u ahayd habeen soo jeed, kala barka habeenka ayaana lagu gaaray eegida Shaashadaha, si loola socdo dhageysiga hadaljeedinta galabnimadii ay yeesheen xubnaha golaha Ammaanka ee QM, dhinac kastana wuxuu doonayay in uu maqlo war dhankiisa u roon, waana lakala qeybsanaa, wixii ka dambeeyey markii ay xukuumada Netanyahu qaadatay go`aan ay kusheegtay in ay dal madax banaan ugu aqoonsatay Somaliland, kaas oo kiciyey xiisad diblumaasiyadeed oo aan si fudud ku dagi doonin.

Tabintan, waxaan kusoo koobaynaa wixii dhacay Diblumaasiyeynta la arkay, Mawqifka 5ta leh diidmada qayaxan & Is hardigii Danjirayaasha Soomaaliya & Isreal!

SOOMAALIYA: waxay jeedisay dood adag!

Ergayga gaarka ah ee Soomaaliya u fadhiya NEW YORK, ayaa si toos ah usheegay in talaabada Netanyahu & xukunkiisa ay mudan tahay in la cambaareyo, lana qaato go’aan aan kala har-laheyn oo looga hor imaanaya oo kusifeeyey mid abuuraysa xasilooni darro, burburinaysa amniga Geeska ilaa barriga dhexe, dhiirigalinaysa in ay awood yeeshaan kooxaha Argagixiso.

Soomaaliya waxay sheegtay in duulaanka Isreal ee madax banaanideeda uusan noqoneyn mid kaligeed ku e’eg haddii layska indho tiray, waxayna dalbatay in dal kasta oo dunida ah looga baahan yahay u jawaabida si aan dhexdhexaad aheyn, balse ah masuuliyad wadareed wada saaran, taas oo loo arkay in ay ahayd hadal diblumaasiyadeed si cad loogu sheegay in Soomaaliya aysan kala go’o sina ku aqbaleynin.

Dawladda Faderaalka ayaa sheegtay in dhulkii loo yaqaanay British Somaliland, uusan maanta aheyn mid gacanta SL kuwada jira, 45% ay tahay mid ay maamusho DFS oo maamul laga dhigay, Awdalna aysan kujirin, inta soo hartay oo ah 2 gobal uu hal qabaa’il degan yahay.

Jawaabtii ISREAL!

Danjiraha Isreal oo kajawaabayay dooda Soomaaliya wuxuu si buuxda u adkeystay talaabadii Netanyahu ku aqoonsaday Sl, isagoo sheegay in ay xaq u leeyihiin oo aysan cidna cabsi ka qabin, in aysan cid loo hanjabi karro ayuu si duulxul ah madasha uga sheegay, Somaliland in ay nabad tahay 1960-kii kahorna ay dal ahayd ayuu sheegay, intii uu dooda waday Danjiraha Isreal wuxuu madasha ka taagay warqad uu kuxoojinaya hadalkiisa.

Xasuuq in dawladnimada Soomaaliya loogu geystay ayuu sheegay dadka deegaanadaas,isagoo marag gashaday QM oo uu tilmaamay in ay hayso, in aysan ka laaban doonin mawqifkooda ayuu u muuqda kuna gabagabeeyey doodiisa,

Raacashadii Safiirka Soomaaliya oo ka jawaabayay dhacdada xasuuqa ayaa wax lala yaabo oo amakaag leh kusifeeyey in Isreal & Netanyahu ay ka hadlayaan xasuuq, iyadoo ay wali muuqdaan diihaalka uu katagay gaboodfaladii ay diyaaradahooda ka geysteen Gaza ilaa dhulka Falastiin.

MOWQIFYADII 5ta dal ee diidmada Qayaxan leh!

Inta ugu badan ee kulanka laga sugayay waa hadal jeedinta 5 dal oo ay 3 kamid ah yihiin reer galbeedka aadka xulufada ula ah Isreal, waxaana micno uyeelayay hadaladooda in kulan kasta oo dambe uu noqon karro mid lo baahdo cambaareyn dhameystiran, iyadoo hadda kulankii xalay lagu soo koobay in wadajir loo muujiyo mowqifka.

Shiinaha warkiisa waa cadaa, wuxuuna si buuxda u istaagay Midnimada Soomaaliya, isagoo sheegay in halis weyn ka dhalan karto isku day kasta oo kala dhantaalaya midnimada, isagoo sheegay in uu Somaliland u aqoonsan yahay qeyb kamid ah Soomaaliya.

Ruushka, inkasta oo u janjeeray dhanka dooda Soomaaliya qirayna in uu aaminsan yahay midnimada & wadajirka, haddana kama fogaan diblumaasiyad weedho kudhex jiraan.

Faransiiska & UK, oo ahaa labo si xiiso leh loo sugayay ayaa qaaday dhabo yacyacood ah, ka sokow in ay si cad u qireen in Madax banaanida Soomaaliya ay ayidsan yihiin, haddana waxay wajaheen dood dheer oo aan goobta oolin, Faransiiska oo ka hadal gaabnaa UK ayaa afkiisa ka dhawray SL & ISRL, taas oo muujinaysa in dood kale oo hari karta ay noqon karaan aag u xirnaan kara dhinaca Reer Galbeedka.

Danjiraha Ingiriiska oo ugu hadal dheeraa reer galbeedka, deegaanada laga doodayayna horey xornimada uga qaateen wuxuu isticmaalay sadex qaab oo kala ah.

1- Taageero shardi kuxiran yahay
2- Abaal-sheegasho aan meesha laga fileynin
3- Fariin ah wada hadal la’aan xal majiro!

Midnimada in uu taageersan yahay waa qiray, isla jidka faransiiska ma qaadan dhufsanaha cusub ee xiisadda abuuray. laakiin-ta uu raaciyay ayaa ahayd in wada hadal loo baahan yahay ah in aan la taagnan karin 30 sano hal aag, manasheegasho tiro dhaaf oo Malaayiin Dollar oo ah lacagta UK lagu baxshay amniga Soomaaliya hadda, doorashooyinka & horumarka ayuu xisaabsaday, tan oo lagu fasiray fariin ah masii wadayno deeqahan haddii aan xal lahelin.

MAREYKANKA: Diblumaasiyad wajigeda xanaaq ka muuqdo!

Ku xigeenka safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, Taami Baruus oo kamid ah siyaasiinta u janjeera aragtida Isreal ayaa cod-fogaayaha kufuratay, iyadoo wajigeeda bedelan yahay, caro ka muuqato, hadalkeedana durba waxay ku bilowday handadad ay golaha kala dul-dhacday, mana aysan lagaban in ay dhagaha ugu rido ISREAL in ay xaq u leedahay cidii ay aqoonsanayso ama diidayso, waxay isku xirtay doonista Falastiin ee dawlad madax banaan & Aqoonsiga SL ee laga hadlayay, taas oo lagu fasiray in Mareykanka halkan kumuujinayo sida uu talaabo kasta garab ugu yahay Isreal.

Daqiiqad & 20 seconds oo ay hadashay, waxay ku gabagabaysay in siyaasadda Mareykanka ee Somalia aan waxba iska bedelin ilaa hadda, waana tan in Soomaaliya ay tahay hal dal oo ay maamusho dawladda Faderaalka.

Falanqeynta ilaa hadda lagu sameeyey aragtida Mareykanka waa in ay sidii lagu yaqaanay u garab istaageen Isreal, balse gabagabadana loogu daray hadalka sabab la xariirta danaha Mareykanka awgeed, hayeeshe ay ku dhex jirto Handaaad toos ah oo Soomaalida kusocota.

DALALKA IL-QABATAYGA: oo Soomaaliya taageeray!

Turkiga, Masar, Pakistan, Kuwait, Koonfur Afrika ilaa Guyana ayaa si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, waxayna sheegeen in loo baahan yahay ixtiraamada madaxbanaanida, Turkiga & Masar ayaa sheegay in amnigooda ay halis ku tahay talaabada ISREAL loona baahan yahay in la cambaareeyo oo goluhu ay go`aankaas qaataan.

HAL NUXUR oo Hoggaanka Soomaalida kusocota oo madasha camimtay!

Dhammaan cid kasta oo hadashay marka laga reebo is dacweeyayaasha, waxay si weyn u adkeeyeen oo ay dalbadeen ama dhiirigaliyeen wada-hadal dhex mara DF & Somaliland & in la joogo waqtigii la heli lahaa xal waara oo dhexdooda ah in ay kaaneen, taas ayaana lagu sheegay in ay tahay waddada asalka ama saxda ah ee lagu gaari karo xal dhab ah oo waqti dheer jira.

UGU DAMBEYN: Dawladda Soomaaliya wey heshay doonisteedii ahayd in ay kala ogaato dhinacyada laga jaro, Midnimada in la sheego, SOMALILAND-na waxay sheegaysaa in ay guul u tahay in doonisteeda, magaceeda iyo dooda ay qabtaba ISREAL fagaaraha geysay, una sii harsan tahay fagaarayaal laysku dhibi doono.

Share On:

Explore More

Dawladda Somalia: oo magaca bedelatay dhul boob awgiis.

Xanaanada Xoolaha waxaa laga xaraashay 5 goobood oo ay wasaaraddan lahayd, wasaaradda Isgaarsiinta ayaa lumisay 3 kamid ah xarumaha ay baahida qaarkood hadda u qabtay, iyadoo dulaalada dhulka u qortay warqad ka maaransho ah oo madaxweynaha loo geeyey.