Maxaa la gudboon Madaxda DF, “5 Maxaa” oo aan la sheegin!
Jimcihii shalay wuxuu la dheelmaday Geeska Afrika oo aykusoo korortay aqoonsiga Somaliland ay kaheshay Isreal, waa xiisad diblumasiyadeed, mid amni & saameyn abidi ah oo ay uga tagayso Soomaaliya, kudhawaaqida wixii ka dambeeyey isbedelo waa weyn ayaa dhacay, telfoonada ayaa is dhaafay, go’aanada diidmada ah ayaa kordhay, Is weydiimo ayaa soo xaadiray, kuwas oo dhammaantood ilaa hadda jawaabo waafi aan cidna u haynin, Tabintan waxaan ku eegaynaa.
1- Maxaa la gudboon madaxda dawladda Faderaalka?
2- Horey ma loo ogaa dhaqdhaqaaqan?
3- Maxaa la qabtay ilaa hadda?
4- Maxaase qorsheysan?
5- Maxaa ka dhalanaya?
DFS: maxay ka ogeyd dhacdadan kahor kudhawaaqideeda!
Warar is burinaya ayaa kasoo baxaya, kuwaas oo labo gooraaleba fadeexad ku ah nidaamka shaqeynaya ee dawladda Faderaalka, saraakiil sare oo katirsan Villa Somalia waxay sheegayaan in madaxweynaha lagu wargaliyey 2 todobaad kahor in ay jiraan dalal isku dayaya in ay Somaliland dal madax banaan u aqoonsadaan oo himilo ay baadigoobaysay Hargeysa 34 sano ka dib ficil u rogi kara, laakiin talaabo la qaaday oo waxtar noqotay lama warin.
Haddii ay tani dhab tahay, sababta madaxweynuhu uga sii shaqeynayay ficilo kala geynaya bulshada, khudbadisii 24kii bishana ugu tiraabay hadalo kala dhantaal ah, waa lagu jahawareersan yahay, mase aheyn markii 1aad oo iyadii dhacdo weyn oo midnimada halis ku ah ay dhacday madaxweyne HSM ka shaqeynaayey kala fogeynta bulshadiisa, xili ay baahida ugu weyn dawladnimadu u qabto isku dumid & midowga ka balaaran wax kasta.
Xog kale ayaa sheegaysa in saacadihii ugu dambeeyey ay dawladda Soomaaliya ku shooktay talaabadan oo joogta aaga kama dambeysta ah labada dhinacna iskuba afgarteen sidii ay go`aanka meelmar uga dhigi lahaayeen, iyana talaabooyinka la qaaday kuma filneyn in laga hortago mawqifka Isreal.



