Doorashada Muqdisho: 3 faa’iido ay dhalayso & 3 caqabad oo ay keeni karto

56 sano ka dib, dadka Muqdisho inta qaadatay kaarka codbixinta waxay maanta u ahayd amin ay codkooda Sanduuqa ku hubsadeen, 523 goobood oo codbixin ayaa la furay, waana markii ugu horeysay ee degaan ka mid ah Koonfurta Soomaaliya dadku safaf galaan, codna dhiibtaan, inkasta oo kale duwanaan siyaasi ah uu jiro, haddana rayidka waxay u tahay talaabo weyn oo horumar leh, tan oo ka dhigaysa in soo bixida xubnaha golaha deegaanka ay tahay mid meesha ka saaraysa awood hubeysan oo xukunka xoog ku raadisa.

Safafka codbixinta ayaa degmooyinka lagu jiraa, dawladdu waxay doonaysaa oo u dagaalamaysaa, in dadka soo baxay ay jilaan dimuquraadiyad iyo in ay codkooda dhiiban karaan, amniga ayaa si xoogan loo adkeeyey, 10 kun oo askari ayaa Muqdisho maanta ka howlgalaya si ay u xaqiijiyaan nabadgalyada.

1,600 Musharax ayaa doorashadan ka qeybgalaya oo kasocda 20 urur siyaasaded oo ugu caansan yahay kan madaxweyne HSM hoggaamiyaha ka yahay, xubnahan waxay u sharaxan yihiin 390 kursi golle deegaan oo degmooyinka Muqdisho ah, sadex nooc ayaa loo kala qeybiyey darajooyinka degmooyinka waana darajada 1aad ilaa 3aad, taas oo macno ahaan ka dhigan in degmooyinka heerka 1aad ugu sareysa ay yeelanayso 27 xildhibaan golle deegaan.

4 QODOB: oo faa’iido ah ayaa kujirta codeyntan amintan!

Falanqeyayaasha siyaasadda ee kala aragtida duwan ayaa isku raacsan in Sanduuqa saaka banaanka la dhigay ee Muqdisho, uu katagayo sadex fariimood oo saameyn kuyeelanay doona mustaqbalka hanaan laysku raacsan yahay.

Doorashadan waxay ka tagaysaa raadraac laga sii dabagali karro hanaan doorasho, xataa marka ay dhinacyadu ku heshiiyaan dib loogu qaban karro codeynta degmooyinka, taas oo ka dhigan asaas laga dhaqaqi karro in la helay.

Qalabka lagu shaqeynayo oo ay dawladdu soo iibisay waa keyd ummaddeed oo Koonfurta wax badan u tari doona, degmooyinka inta la awoodana looga qaban karro doorashada, marka la helo 3 heshiis oo asaas u ah Doorasho loo dhan yahay, kuwaas oo hadda mucaaradka sheegayaan in ay maqan yihiin.

Marka horweynta siyaasaddu wada hadlaan, waa adag tahay in xildhibaan golle deegaan oo la doortay dib loo celiyo, taas oo ka dhignaanaysa in xubnaha maanta soo baxayaa ay noqonayaan xildhibaano haysta sharciyad ilaa amintooda ay dhamaato.

Doorashadani, ma sababin dhibaato & isku dhac hubeysantoona, taas oo laftrikeeda loo arko faa’iido ay ka tagayso, oo ma jirin mucaarad uga horyimi si hubeysan, taas oo siyaasiinta Muqdisho ee ka aragtida duwan HSM ka dhigtay kuwa si salmi ah kudiiday doonistan.

In siyaasiinta madaxweynaha ka aragtida duwan lagu dulqabto doorasho aysan raali ka aheyn iyagoo jooga deegaan doorashadooda, waxaa loo arkaa biseyl ay Koonfurtu gaartay & dhigaal ay uga duwan yihiin xubnahan madaxweyne HSM oo isagu 2021-kii Mirinaayo u galay si ula dagaalamo dawladdii xiligaas jirtay.

3 QODOB oo ay ka tagayso oo siyaasadda haleyn karta!

Heshiis siyaasi ah doorashada laguma galin, taas oo haddii lagu socdo jidkan ka dhigi karta natiijo kasta oo la helo mid aan dhab aheyn, laakiin dad badan ayaa aaminsan in xataa xubnaha gudiga ay fahamsan yihiin tan.

JSP, ururka magac bedelka 3aad maraya ee madaxweynaha ayaa awood badan leh oo dhaqdhaqaqiisu sareeyey, lana arkayay in ole-ole kujiray maalmihii lasoo dhaafay, tan waxay hoos u dhigi kartaa sumcada doorasho kasta oo la qabtay, haddii natiijo la mid noqoto tii ole-oleynta waxay ka dhignaanaysaa in ay katagayso fariin aan mustaqbalka wanaagsaneyn, Habdhaqanka Afrika ee Xisbi xukuumigu guuleystana haddii ay dhacdo waa aafo kale.

Haddii labada qodob ee hore aan xal loo helin, doorasho kasta oo la qabtay in ay isbedel keenayso uma badna, iyadoo wali ay jirto in xubnaha golaha la dooranayaa uu xukumayo Gudoomiye gobal oo lamagacaabay kuna jooga rabitaanka Villa Somalia, xataa HSM ka dib.

2 LABO qolo: waxay u tahay bandhig muhiim ah!

Gudoomiyaha guddigan Doorashada Cabdikariin Axmed Xasan & kooxdiisa oo u quuldareynayay in ay taariikh dhigaan si kasta oo loo akhriyo, sanduuqana banaanka keenan, waxay u tahay maalin ay sameeyeen bandhig siyaasadeed, ayna haystaan wadiiqo ay joogsi kusameyn karaan, Sidoo kale shirkada qalabka doorashadan keentay, diwaangalintana qeyb ka ahyd ee NOVA oo dhawaan baaris madax banaan ay shirkado Ajnabi ah kusameeyeen, waxay u tahay maanta in ay soo gaartay heer qalabkii ay keentay & diwaangalintii ay ka shaqeysay lagu codeeyey.

HSM: Hal magac wuu xaqiijiyey

UGU DAMBEYN: Madaxweyne Xassan Sheikh saacado ka hor inta aan codeynta la aadin wuxuu dadka ugu yeeray in ay soo baxaan oo codeynta qeyb kanoqdaan, talaabadan ayuu kusifeeyey horumar iyo hiigsi uu xaqiijiyey, isago isku sawiray hoggaamiye dadka Muqdisho u keenay hanaan doorasho, xataa haddii aan laysku raacsaneyn, walaw uu mucaaradkiisa weeraray, haddana HSM ayaa haysta horyaalka ah in Sanduuqa banaanka la dhigay, xataa iyadoo ay jiraan is diidooyin waa weyn oo doorashada la xariira, saaxiibadiisa siyaasada ee ay saamiga qeybsiga wadaagan ayuu madaxweynuhu isku muujiyey in uu magac ka dhex baaranayo, uuna doonayo in uu noqdo qofkii u horeeyey oo Muqdisho ka qabtao doorasho golle deegaan.

Share On:

Explore More

Dawladda Somalia: oo magaca bedelatay dhul boob awgiis.

Xanaanada Xoolaha waxaa laga xaraashay 5 goobood oo ay wasaaraddan lahayd, wasaaradda Isgaarsiinta ayaa lumisay 3 kamid ah xarumaha ay baahida qaarkood hadda u qabtay, iyadoo dulaalada dhulka u qortay warqad ka maaransho ah oo madaxweynaha loo geeyey.