Villa Somalia oo cakiran ku jirta, Ma dhab-baa in xariirka Imaaraatka la tirtiray? Maxaa cusub?

Hoggaanka Soomaaliya ayaa dhexda u taagan duufaano lagu hafanayo oo darbiyada Villada garaacaya, Is heynta Carabta ilaa dhacdooyinka derisku waa babinayaan go’aanada waana xawli, waa kala beyr ama is goys halis ah oo aan fursad badan bixineyn, kuna beegmay xili dhaawaca gaaray Midnimada guud magaca HSM lagu qorayo, dawlad gobaleedyada Faderaalka ku mideysanaa kala tagsan yihiin, mudo xileedkiisu dhamaad yahay, madaxda DG xulufada ah la ah mudo dhaaf yihiin waxna ku biirn karin, mucaaradka Muqdisho la jooga aysan doorasho Heshiis ku aheyn, Karaanka maaliyadeed ilaa kan siyaasadeed ee dawladduna aad hoos ugu socdo, taas oo ay raacdo saaxiibada madaxweynuhu qaateen go`aanka ka xooleysiga xukunka dhammaadka jooga.

Tabintan, waxaan ku eegaynaa Xariirka UAE & DFS 5 qodob oo Falanqeyn ah

  • Maxaa cusub hadda
  • Cadaadis saarida HSM
  • Awooda UAE ee gudaha Somalia
  • Madhab-baa in UAE HSM saarayo!
  • MAXAA CAQABAD AH!

Sida aan hore u dilaanay sannadkii hore labo goor oo kale duwan ayay kooxda madaxweyne Xassan Sheikh & xulufooyinkeeda si weyn u tarmiyaan xogaha sheegaya in ay gudaha Soomaaliya doonayaan in doorka Imaaraatka Carabta meesha laga saaro, taas oo uu soo celiyey Xassan Sh aamintii imaanshihisii xukunka May 2022-kii, waqtigaas oo kusifeeyey walaal muhiim ah oo dawlad dhiska Soomaalida aan looga maarmin.

UAE waxay wali haysataan oo aan laga laaban mid kamid ah heshiisyada amniga qaranka ee aan horey u baahinay Feb 2023-kii, kaas oo ay meelmariyeen golaah xukuumadda faderaalka gudihiisa kuna jiraan qodobo waa weyn oo labada dhinac ku heshiiyaan, awodo dheeraad ahna siinaya Imaaraatka, madaxtooyada Federaalkuna dhaafsatay Malaayiin Dollar & kab wali socda.

SADEX ARIMOOD-ba waa cusub yihiin.

  • Waqtigan xariirka Villa Somalia & UAE ayaa kujira ayaamo kakaanan oo laysku gabanayo, balse aragti ahaan madaxweyne Xassan Sheikh isagu ma diidana xaliifnimadiisa Imaaraatka, walaw u arko in saaxiibadiisa la xulufada ah oo ay kujiraan kuwa aad ugu dhaw iyo Xukuumaddiisa hoggaankeeda ay si weyn u diidan yihiin, una arkaan dawlad u taqaana Argagixiso, maadaama koox diimeedka ay ka tirsan yihiin ay wadamada Carabta u aqoonsadeen Ururo argagixiso oo ay tahay in lala dagaalamo.
  • Qaraarada ay qaateen Jeddah, Washignton & Abu dhabi ee Ikhwaanul Muslimiinka loogu aqoonsaday Urur Argagixiso, waxay caro xoogan kusii beereen qaar kamid ah kooxda isku raranka ah ee madaxweynaha oo horeyba col aysan dabka kala qaadan u arkeen dhinaca Imaaraatka Carabta.
  • Kala calaf-qaadkii galka Yemen ee 2 Max’ed ay ku kala tageen, Isku heynta Sudan oo sareysa, waxaa soo raacday duufaanta la xariirta in Sacuudiga ay quuldareynayaan in ay hadda helaan wadaay siyaasadeed oo gobali ah, dal kastana uu xooga saarayo sidii uu kan kale u koobi lahaa.

JUGa-JUGEYNTA HSM Kusocota!

Talaabadii ay dawladda UAE ku marisay Muqdisho, xubintii ugu sareysay golaha Hoggaaminta Koonfurta Yemen ee Cadaruus Al Cubeydi waxay kicisay hurgumooyin huursanaa, iyadoo shidaalisay doonista saaxiibada madaxweyne Xassan Sheikh ee ah in UAE laga saaro gudaha dalka, xariirka loo jaro lana qaato siyaasad ah in lala coleytamo, taas oo ay kooxda madaxweynuhu kusheegayaan in ay taageero uga helayaan dhinacyo ay Imaaraatka is hayaan oo lagu daray in ay xataa bulshada qeyb kamid ah kasban karaan, laakiin sida go`aankan HSM looga dhaadhicin karro wali ma sahlana ayay qabaan dad badan oo falanqeynaya galkan.

UAE: joogid dhaafsan Muqdisho oo xoogan!

Markii ay kacday duufaanta diblumaasiyadeed ee ka dhalatay go’aankii ay Isreal Somaliland ugu aqoonsatay dalka madax banaan, Max’ed Bin Zaa’id kama mid noqon Maalqabeenada & hoggaanka wadamada Carabta ee ay Telfoon kuwada hadleen madaxweyne HSM, si lamid ah sida dhinacyada ay isku hayaan gudaha Soomaaliya ee Turkiga ama Qatar, waxaana taas lagu fasiray in ay ahayd dhacdo muujinaysa kala aamin-bax saaxiibadii aad iskugu dhawaa afarleydii ka dambeysay Khilaafkii Khaliijka.

UAE, waxay wali gacanta ku haysaa sahayda miltaeri ilaa mushahaaraadka qeyb kamid ah ciidamada amniga ee magaalada Muqdisho haya, waxayna isla magaaladaas ku leedahay saldhig joogitaan oo loogu magacdaray Maxamed Al Mansuuri oo ahaa madaxii howlgalka UAE ee Soomaaliya oo lagu dilay dhismaha masjid kudhexyaala xeradaas bilowgii Feb 2024-kii, taas oo ahayd dhacdadii ugu weynayd ee Imaaraatka dhib kaga soo gaarto gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale Puntland, Jubbaland & Somaliland ayay ku leeyihiin joogitaan rasmi ah, waxayna qeyb xoog leh ka qaataan gacan ku heynta ciidamada amniga, si gaar ah PL & JL ayay ka taageeraan dhanka amniga, iyadoo howlgalkii Calmiskaat ee buuraleyda Barri ay UAE qeyb lixaad leh ka qaadatay sidii kooxdaas looga adkaan lahaa.

Heshiisyo Malaayin Dollar ku kacaya oo mudadu 30 sano tahay ayay UAE ku hyasataa dekedaha & Garoomada Berbera ilaa Boosaaso, taas oo ogolaanshaheeda ay bixisay dawladda Faderaalka, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyada aadka ula socda galkan.

Madhab-baa in UAE HSM saarayo!

SADEX ARIMOODBA waa xaqiiq.

  • In koox masuuliyiin ah oo ay foolaad u yihiin Ra’iisulwasaaraha, saraakiil amni Ilaa wasiirada ee loo yaqaano Saaxiibada Idman ay doonayaan in meesha laga saaro joogitaanka Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya, lana qaato aragti la mid ah tii xukunkii Farmaajo oo lasafatay dhanka Qatar, hoosna u dhigtay cilaaqaadka ABU DHABI, uma muujisay bulshada cadaawad 2da dhinac ka dhaxaysa, ilaa ay gaartay in fagaarayasha diblumaasiyada layska weeraro, kooxdani waxay ku dhegan tahay go`aankaas.
  • Waa markii 3aad oo arrintan loo geeyey madaxweyne HSM, 2 goor oo hore waa diiday markii ay saaxiibadiis keeni waayeen badiilka ah cida lacagaha hadda ay UAE bixiyaan dawladda ka kabaysa, oo lagu kabay in go`aanka fulintiisa loo baahan yahay cida damaanad-qaadi karta, isla caqabadaha wali waa jiraan, gaar ahaana qodobka dambe, Miisaaniyada dawlada ee 2026-ka oo la kulmaysa Turkiga oo kabkiisa kusoo koobay 15Malyan halka ay ka ahayd 30 Malyan, waxaa raacda in UAE 12M iyana bixinayso.
  • Talaabadii Isreal ay ku aqoonsatay SL, waxay xoojisay tuhunka ah in ay UAE qeyb lixaad leh ku lahayd, maadaama dalkeeda laga fududeeyey safaradii Ciro kutagay Isreal, kulana kulmay hoggaamiyayaasha ugu sareeyey nidaamkaas, taas oo aysan Villa Somalia ogaanin, UAEna u sheegin waxaa lagu fasiray qodobka ugu adag ee hadda shidaalinaya kooxda madaxweynaha.

Ilo wareedyo diblumaasiyadeed & kuwa wardoonba waxay isku raacsan yihiin in aysan wali jirin go`aan diblumaasiyadeed dhameystiran oo kayimi madaxweyne HSM kaas oo ah in uu meesha ka saaro joogida UAE ee Soomaaliya, taas oo haddii uu kudhaqaaqo noqonaysa mudo xileedka 2aad ee uu dal xariirka u jaro si dhameystiran, tan sida ay kudhacayso waa laysku diidan yahay.

Labo kamid ah saaxiibada madaxweynaha oo ay kujiraan wasiiro xukuumadeed oo ay la hadashay GaylanMedia waxay sheegayaan in madaxweynuhu labo goor ay ka dareemeen todobaadkii u dambeeyey kuqanacsanaan la’aanta ka haysa xariirka UAE, iyagoo qeybtood lahaa talada qaar kamid ah qoyska HSM looga raray Imaaraatka laguna dajiyey Masar, laakiin sida dooda jirta ayaa ah sida go`aan loo qaadan karro.

MAXAA CAQABAD AH!

  • In aan la haynin wali dal si buuxda u kafaala qaadi kara dhaqaalaha ay UAE baxshaan, 4 jeer oo madaxweynaha & saaxiibadiisa qaarkood iskaga daba laabteen DOHA waa lagu guuldareystay in lagu qanciyo bixitanka miisaaniyad joogta ah oo dhaafsan Sooryo sharafeedka ilaa amintan, tan waa caqabad aan loogu deg degi karin UAE, waxaana kusoo biirtay in US ay joojisay kabkii DANAB, wey adag tahay in dawladdu halmar wada hesho cid buuxisa 2dan goobood oo dano istaraaji ah leh, hal dhinac ayaana awoodaas dhaqaale laleh, taas oo aan aad u xiiseneyn si buuxda xaalka gudaha ee Soomaalida.
  • In aan loo bareeri karin dagaalka UAE, madaxweynaha ayaa qodobkan aad u qaba, isagoo sabab ka dhigaya in Imaaraatka haddii dagaalkooda la go`aansado aana la heynin bedel awood & diblumaasiyad leh ay ka dhignaanayso in gudaha Muqdisho ay kula dagaalamaan, taageeraan mucaaradkiisa, ayna wax kastaba isbedeli karaan.
  • Iyo In haddii uu go’aan cusub qaato uu la mid noqdo ama ka daraba kii QARAARKII DHOWRIDA GOBONIMADA SOOMAALIYA ee ay qaateen baarlamaankii 10aad ilaa xukunkii Farmaajo ee 2018kii oo ay amrayay in ay baxdo DPWORLD, laakiin dhalay milatereyeynta maanta UAE ku leeyahay Kismaayo, Berbera & Bosaaso, dagaalkeeduna ka dhashay imaanshihii HSM ee xukunka 2022-kii.

Share On:

Explore More

Dawladda Somalia: oo magaca bedelatay dhul boob awgiis.

Xanaanada Xoolaha waxaa laga xaraashay 5 goobood oo ay wasaaraddan lahayd, wasaaradda Isgaarsiinta ayaa lumisay 3 kamid ah xarumaha ay baahida qaarkood hadda u qabtay, iyadoo dulaalada dhulka u qortay warqad ka maaransho ah oo madaxweynaha loo geeyey.