MUQDISHO(GAYLAN-MEDIA) – Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa u gudbisay dalal kale duwan dalab la xariira in ay dhexgal u noqdaan sidii ay wada hadalo u yeelan lahaayeen dhinacyada Isreal & dawladda Faderaalka, ka dib markii ay Hargeysa aqoonsi ka heshay dhinaca Isreal, iyadoo talaabada ay qeyb katahay dadaal ay DFS ku doonayso in ay uga hortagto in dalkeeda loo kala jaro dalal kale duwan.
Sida ay u xaqiijinayaan Gaylan Media ilo wareedyo gobalka ah Dawladda Federaalka ayaa labo dal oo midi Carabta Afrika yahay u martay sidii loo bilaabi lahaa xariiro toos u dhexmara dhinacyada DFS iyo Israa’iil.
Isku dayada ayaa wali helin abaar toosan, balse dadaalada ayaa sii kordhaya, iyadoo dalalka qaarkood Talaabadan kulataliyeen madaxweyne Xassan Sheikh.
Xariiro burburay June 2024-kii dhexmarayna Muqdisho iyo xubno katirsanaa Sirdoonka Israa’iil ayaa dib layskugu dayay in la kiciyo, balse ilaa hadda laguma guuleysan walaw ay dawladda Federaalka doonayso in ay kahortagto talaabada Tel Aviv ee Aqoonsiga Somaliland.
Bilowgii xiisadan madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay dhici karto xariiro ay layeeshaan maamulka Netanyahu, laakiin aysan hadda lalaheyn.



