Xassan Sheikh oo telfoonada ay ka qaban waayeen Siyaasiin uu wacay & Ujeedka.

MUQDISHO(GAYLAN-MEDIA) Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa intii uu joogay Laascaanood wacay qaar kamid ah siyaasiinta madasha Samatabixinta qaarkood oo uu sheegay in uu iclaaminayo shir wadatashi.

Kismaayo ayaa horey loogu go`aamiyay in 30 maalin gudahood ay tahay Madaxweyne Xassan Sheikh in uu kuqabto madal wada hadal oo loo dhan yahay, loogana hadlayo doorashooyinka, inkasta oo uu af ahaan aqbalay dhinaca madaxweynaha, haddana sida ay meelmar ku noqonayso ayaa dood xoogan ka jiraan.

Qaar kamid ah xubnaha siyaasiinta ay saamiga qeybsiga wadaagan ayuu habeeno kahor u sheegay in uu shirka iclaaminayo, laakiin nooca loo dhigayo, ka qeybgalayaasha & Ajendaha ayaa ah waxyaabaha ugu muhiimsam ee dooduhu ka jiraan.

Xalay madaxweynaha ayaa wacay hoggaamiyayaasha mucaaradka qaarkood, inkasta oo uu labo xubnood la hadlay, haddana xubnaha badankood ayaan ka jawaabin telfoonkiisa, taas oo lagu fasiray in ay dhinayadan diidanayeen in ay la hadlaan iyadoo aan la gaarin go`aanka kudhawaaqida, loona arko in uu kaar siyaasadeed dhexmarsanayo.

Madaxweyne hore Shariif Shekh Axmed ayay wararku sheegayaan in ay maalin kahor wada hadleen Xassan Sheekh, uuna kuwargaliyey in uu gogosha iclaaminayo, balse ilaa amintan taas ma dhicin, iyadoo ay dhinacyadu sheegayaan in ay Villa Somalia wali ka fakarayso dhawr dookh oo ay haysato kuna wajahan arrintan madashan.,

Golaha Mustaqbalka ayaa sugaya Iclaaminta shir wadatashi oo dhexmaraya madaxweyne Xassan Sh & dhankooda, kaas oo ajendihiisa cad yahay oo doorasho yahay iyo kaqeybgalka oo ah 2da dhinac ee “GMS & DFS” oo kaliya.

Share On:

Explore More

Dawladda Somalia: oo magaca bedelatay dhul boob awgiis.

Xanaanada Xoolaha waxaa laga xaraashay 5 goobood oo ay wasaaraddan lahayd, wasaaradda Isgaarsiinta ayaa lumisay 3 kamid ah xarumaha ay baahida qaarkood hadda u qabtay, iyadoo dulaalada dhulka u qortay warqad ka maaransho ah oo madaxweynaha loo geeyey.