Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa kudhawaaqay in uu dalkiisu qaatay jiho cusub oo saameynaysa siyaasadda gudaha & Dibada, taas oo ku saleysan nabad, dib-u-heshiisiin iyo dib u habayn maamul.
Go’aanka ayaa loo codeeyey, wuxuuna muujinaya in Itoobiya qaadaneyso siyaasad dibadeed oo ku dhisan Nabad, deris-wanaag-Danwadaag iyo iskaashi goboleed, iyadoo xoogga la saarayo xasilloonida gudaha iyo doorka nabadeed ee Geeska Afrika.
SADEXDA TIIR ee ay ku taagan tahay Siyaasadda cusub ee Itoobiya ayaa kala ah.
1. Dib-u-habayn siyaasadeed iyo maamul
Dowladdu waxay billowday dib-u-habayn ballaaran oo lagu sameynayo hay’adaha dawladda, si loo xoojiyo.
• caddaaladda,
• isla-xisaabtanka,
• iyo ka-qaybgalka shacabka.
Dhammaan hay’adaha dawliga ah waxaa laga rabaa inay la jaanqaadaan isbeddelladan cusub.
2. Nabad, dib-u-heshiisiin, iyo wada-jir qaran
Waxaa mudnaan la siinayaa.
• Nabadda gudaha,
• Dib-u-heshiisiinta bulshada,
• Xoojinta wada-noolaanshaha qoomiyadaha iyo diimaha kala duwan.
Hay’adaha ay khusayso waxaa la farayaa inay qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah oo arrintan lagu hirgelinayo.
3. Siyaasadda dibadda iyo xiriirka deriska
Itoobiya waxay qaadanaysaa siyaasad dibadeed oo ku dhisan iskaashi, nabad, iyo deris-wanaag.
Dowladdu waxay ka go’an.
• inay ka shaqeyso nabadda gobolka,
• inay dhiirrigeliso iskaashi ku saleysan dan wadaag,
• isla markaana ay ka fogaato colaado iyo xiisado aan dan u ahayn shucuubta gobolka.
Golaha ayaa u codeeyey Siyaasada cusub oo loogu magac daray “Jihada cusub ee siyaasadda iyo nabadda Itoobiya”


