Trump & Isbahaysigiisii: Calaamadaha kala burburka iyo saamaynta doorashada 2026

WASHINGTON(GAYLAN-MEDIA) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wajahaya cadaadis siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, iyadoo warbixino cusub ay muujinayaan in isbahaysigii ballaarnaa ee dib ugu soo celiyay Aqalka Cad hadda ay bilaabatay inuu kala daato, kadib go’aanno muran dhaliyay oo la xiriira dagaalka Iiraan iyo hadallo si weyn uga careysiiyay taageerayaashiisa oo uu Trump si xad ka baxsan u isticmaalay.

Trump ayaa dib ugu guuleystay doorashada 2024-kii, isagoo dhisay isbahaysi aan hore loo arag, oo isugu jira taageerayaasha adag ee MAGA, dadka xiiseeya Suuqyada crypto, dhalinyaro cusub oo siyaasadda dhawaangal ah iyo kooxo diimeed oo Masiixi ah, laakiin hadda falanqeeyayaal ayaa hadda sheegaya in midnimadaas ay halis ku jirto.

KHILAAFAADKA UGU WEYN

Xiisadda ayaa si gaar ah u soo shaac baxday toddobaadyadii u dambeeyay.

  • Madaxweyne Trump ayaa hanjabay inuu weerari doono kaabayaasha muhiimka ah ee Iran, isagoo isticmaalay hadallo adag oo si weyn loo dhaliilay
  • Wuxuu sidoo kale weerar afka ah ku qaaday Pope-ka cusub Pope Leo XIV, isagoo ku tilmaamay mid “daciif ah”
  • Sawir AI ah oo muujinaya Trump isagoo u eg nabi Ciise ayaa dhaliyay eedeymo culus oo ku saabsan gef diimeed

Dhacdooyinkan ayaa si gaar ah uga careysiiyay qayb ka mid ah taageerayaasha Masiixiyiinta, kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaaray guushiisa doorashada.

SAAMEYNTA KU YEELATAY ISBAHAYSIGA

Falanqaynta gudaha Mareykanka ayaa muujineysa in kala qaybsanaantu aysan ku koobnayn hal koox, oo ah MAGGA, qaar ka mid ah codadka ugu awoodda badan sida Tucker Carlson iyo Candace Owens ayaa si fagaare ah u dhaliilay go’aamada Trump, taas oo keentay kala safasho cusub oo dhex martay taageerayaasha.

Kooxo cusub oo dhalinyaro ah oo Trump soo jiitay 2024 ayaa muujinaya niyad jab, gaar ahaan arrimaha, dagaalka Iiraan & fadeexadaha la xiriira dhaqaalaha iyo crypto

Taageerayaasha Crypto

Trump oo isu soo bandhigay “madaxweyne crypto” ayaa wajahaya su’aalo adag kadib, hoos u dhac suuqyada & Eedo waa weyn oo ku saabsan in Suuqa Crypto loo adeegsaday Ole-ole siyaasadeed, kusoo deynta Coin’s ama lacago Danabeysan oo dhammaantood ahaa kuwa qoyska Trumo ay suuqyada ku dhacayeen.

Ganacsatada Beeraleyda ayaa wajahaya cadaadisyo waa weyn oo ay kamid yihiin Canshuuraha Tiro beelka ah, Qiimaha Shidaalka oo sii kordhaya & Shaqaale yari baahsan oo ka dhalatay go`aanka Tarxiilka soo galootiga ee Trump.

Codbixiyeyaasha aan cadaanka ahayn

Taageeradii uu ka helay Latino iyo Black voters ayaa si degdeg ah hoos ugu dhacday, iyadoo sahanno muujinayaan kalsoonida oo si weyn u luntay, Sahan ay sameeyeen CBS News/YouGov ayaa muujinaya in taageerada Trump ee codbixiyeyaasha caddaanka ah ee aan jaamacad dhameysan ay hoos uga dhacday 36 ilaa -4, hoos u dhac gaaraya 40 dhibcood.

Dhanka Aqalka Cad, saraakiil ayaa ku dooday in taageerada saldhigga MAGA aysan weli si weyn u daciifin, inkasta oo khilaafaadka muuqda ay jiraan, Is hardiga sii xoogeysanaya ee gudaha taageerayaasha Trump ayaa muujinaya in isbahaysiga uu wajahayo tijaabo adag.

Su’aasha ugu weyn ee hadda taagan ma ahan oo kaliya cidda uu lumiyay, balse waa
yaa weli la jooga?

Jawaabtaas ayaa go’aamin doonta mustaqbalka siyaasadda Mareykanka iyo xitaa jihada dunida.

Share On:

Explore More