Diidmo kadib | Maxaa hadda ka socda Villa Soomaaliya Iyo 4 Qodob

9 maalin iyo saacado dheeraad ah ayay qaadatay in halkan lasoo gaaro oo lagu shiro Villa Somalia, kasii horeysii in Jubbaland iyo PL yimaadaan Muqdiajo caqabado dheer ayay kasoo mareen oo ay tirooyin xanibaado iyo dib u dhac ah kujireen. Waa soo adkeysteen.

Halka lagu shirayo darbiga kuxiga, Aaden Madoobe iyo Koox mudanayaal baarlamaan oo u darban madaxweynaha ayaa kasii wada ka doodida wax kabedelka Dastuurka oo aan haysan heshiis siyaasadeed, laakiin looma baahna kooram ee rabitaanka madaxweynaha ayaa asali ah.

Geedi socod kakan, is diid iyo Tanaasul aakhuru saaca imaaday ayaa halkan lagu yimi, waana lawada fariistay, miisaska waxaa fadhiya hoggaamiyayaal aan isku aragti aheyn, isku mustawe siyaasadeed aan aheyn, dagaalo nooc walba leh ilaa isku dacweynta dalal shisheeyana soo tijaabiyey, laakiin xal aan aheyn miis ku hadlid waa la waayay.

Doorasho ayaa Ajendaha koowaad ah, Madaxweyne HSM wuu sii tabar beelayaa, gabaabsi weeye mudadiisa joogida office ee sharciga ah, nooca baarlamaanka dhimanaya lagu bedelayo lama yaqaan.

Madaxweyne HSM qof iyo cod buu u arkaa dookha u wanaagsan, waana habdhaqanka hoggaamiye kasta oo kursiga yimaadaa ku hadro,
Hayeeshee lama diyaarin habraac ilaa sharciyo iyo jawigii ku haboonaa, weedhaha qurxoon halkii lagu maaxin lahaa lama asaasin mana loo socdo.

Shirkan wuxuu ku beegmayaa, xili ay xaalad abaareed oo halis ah ka taagan tahay Soomaaliya, 4.7 Malyan oo qof ayaan haysan biyo iyo oomati kufilan waana Ramadaan, Allaa jooga mooyee kama filayaan gurmad iyo garabistaag madaxda shirsan.

Ajendaha kuma xoogana kahadalkooda miiska waase la afgobaadsan doonaa dhammaadka in la xuso, Caalamkana gurmad loo weydiiyo, Hayeeshee magacooda in dunida lagu baarto lagama sariigan doono.

In si fudud xataa looga heshiiyo nooc doorasho fursadu aad uma xoogana, haddana in lakala tagaa iyadoon la gaarin go’aan cad ficilaa ka dhalanaya.

Madaxdii mudo dhaafka ahayd ee sadexda Dawlad gobaleed, adiga ayay daawade kula mid yihiin oo go’aanadan door kuma leh hadda, MW iyo mucaaradka oo lafadhiyaa ee golaha Mustaqbalka hal qodob oo ay isku raacsan yihiin maanta waa in aan kooxda JSP isku tuurtay aan fursad la siinin waqtiga iyo ajendahan muhiimka ah.

Bulshada dihaalka dawlad la’aanta u daruufeysan ee Tabaalaha waqtiguna halakeeyey, xil sugayaasha Federaal ilaa wakiilada caalamiga ah ee Soomaalida kala celintooda u darban waxay hoggaamiyayaashan kasugayaan go’aan gaarid doorasho.

Beesha Caalamka waxay sheeda ka eegaysaa geedi socodka, haddii is afgaran waayan shaki li’i door aysan dhinacyadu jecleyn ayay ciyaari doonaan, taas oo ah faragalin dhexdhexaad aan wada noqon doonin oo caasumadaha laga soo eegi doono.

TANAASUL DEG DEG AH, lama filan karro, mucjisooyin siyaasadeed in ay dhacaan qaamuuska hadda kuma jirto, cida ugu badan ee xujeydan waa madaxweyne HSM oo haddii shirka aan natiijo heshiis ah laga gaarin sumcada hoggaamintiisa ayay ka go’an tahay Tanaasulada ay GMS sameeyeena waxay kunoqonaysaa boog siyaasadeed.

UGU DAMBEUN, Soomaalidu wey eegaysaa horweynta u shirsan mustaqbalkooda, Rajase mid kama qabaan in ay go’aanka wax kuyeeshaan, haddana waxa kasii mudan waa in jiho loo dhaqaaaqo, LAAKIIN HOGGAAMIYAYAASHU MA HESHIIN DOONAAN?

Share On:

Explore More

Dawladda Somalia: oo magaca bedelatay dhul boob awgiis.

Xanaanada Xoolaha waxaa laga xaraashay 5 goobood oo ay wasaaraddan lahayd, wasaaradda Isgaarsiinta ayaa lumisay 3 kamid ah xarumaha ay baahida qaarkood hadda u qabtay, iyadoo dulaalada dhulka u qortay warqad ka maaransho ah oo madaxweynaha loo geeyey.

How much of Gaza is left standing?

aniella Pierson turned 30 on Monday—a milestone acknowledged by a bevy of successful friends, from Spanx founder Sara Blakely to the singer Jewel to designer Diane von Furstenberg.