MUQDISHO(GAYLAN-MEDIA) – 18 Daqiiqo & 29 Ilbiriqsi Hadaljeedin ka duwan khudbadihii horey u jeedin jiray Madaxweynaha Dowladda PL uu xalay kula hadlay waxgalka Muqdisho ee saami qeybsiga la wadaaga madaxweyne HSM, Deni ma jeedin hadal iska furan, wuxuu ahaa xujo ku oogid ilaa markhaati galin cad, 9 qodob ayuu diirada saaray oo iskugu jiray, Digniino, weerarada socda, Xogaha qarsoon, Kala taga qarka loo saaran yahay, Damacyada waalida ah, Cagafta Dhul-boobka ee Madaxweyne Xassan Sheik, Faragalinta Shisheeye & waaqaca aan lays boodsiin karin ee Soomaaliya dhexda u taagan tahay ayuu abqaalay oo si dhameystiran u furay.
1- DOORASHO LA”AAN WAA BURBUR!
Galmudug, Hirshabeelle & Koonfur Galbeed ayuu waxgaradkii uu la hadlayay kudhiirgaliyey in ay runta u dhawadaan oo doorashooyin ay u madax banaan yihiin galaan, si ugu yaraan dalka looga badbaadiyo marxalada firaaq dastuuri ah & halis si fudud loogu dul-taagan yahay aanse dareen badan laha qabin.
Jubbaland & Puntland ayuu sheegay in ay kudhisan yihiin awoodo dastuuri ah, doorashooyin dhaca & martabad xilalka sare oo aan qofna iska joogi karin, ayna tahay waajibaad in sidaas oo kale ay DGyada saaxiibadiis galaan doorasho oo ay miiska yimaadaan.
2- DHUL-BOOBKA & LACAGTII oo BAXAYSA!
Siciid Deni ma qarin aafada caasumada ay ku hayso Cagafta madaxweyne HSM ee DHul-Boobka haddana lacagaha laga qaado ganacsatada dibada loo waarido,tan oo sheegay in ay halis ku tahay dhaqaalaha dalka, dadka oo dhana ay lacag la’aan la daaldhacayaan, Madaxda xukunka joogta ayuu isku sifeeyey in uu uga lexjeclo badan yahay Muqdisho.
3- SIYAASAD FASAADSAN & HALIS ARGAGIXISO!
Daqiiqadii 1aadba, Siciid Deni ayaa isku xariiriyey siyasadda loo kala safan yaahy & damaca Argagixisada Shisheeye, wuxuuna markii 1aad dhufsane xariiriye ah u dhigay in damaca argagixisada ay ka durugsan tahay inta loo arko, oo uu hayo xog ka qarsoon bulshada oo aminteeda la bandhigi doono.
Daqiiqadii 3aadna, MW siciid ayaa tilmaamay in maanta uu dalku wajahayo marxalad aad u adag si lamid ah Sannadkii 1991 dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya, Ka sokow in Burbur Qaran dhacay, kaas oo laga dhaxlay dowlad la’aan, kala daadsanaan ciidan, qabyaalad hubeysan, iyo faragelin shisheeye, hadana Maanta, inkasta oo dowlad jirto, haddana wuxuu ka digay muuqashada calaamado halis ah oo dib u xusuusinaya marxaladdii burburka aheeyd.
4- DASTUUR LA BEDELO: Waa ALBAABKII BURBURKA!
Dastuurka KMG ah ee 2012kii la ebyay, una codeeyeen dad Soomaaliyeed, ayuu sheegay in taabashadiisa ay ka dhigan tahay dibu dhac & halis lagu ciyaarayo, oo waxa ka dhalan doonaa ay Midnimada dalka halis ku yihiin, Deni ma qarin mawqifka PL ee ah in Dastuurka noocaas ah aan lagu dhaqeynin deegaanadaas, Waxgalkana looga baahan yahay in ay gacmaha qabtaan madaxweyne HSM & Aaden Madoobe.
Daqiiqadii 4aad, Burburinta Nidaamka Faderaalka ee lagu wajahay Puntland & Jubbaland oo mudo xileedka 2aad ee MW HSM ayuu sheegay in uu dhalanteed yahay, wuxuu kusifeeyey mid aan la aqbali karin haddana duulaan kasta oo la sameeyey ay niyad wanaag ka joogaan, ayna doonayaan in Soomaalidu dhab u hadasho oo laga heshiiyo galalka xasaasiga ah, waqtigan oo dunidu is rogayso, Soomaaliya dhexda u taagan is diidooyin banaanka saameyn abadi ah ay ku leeyihiin.
Laga bilaabo Raskambooni, Gedo Ilaa Puntland isku day kasta oo la sameeyey ma uusan qarin in uu fashilmay oo laga adkaaday damacyadii burburinta Nidaamka Faderaaliga ah, tan waxay ka dhigan tahay in uu si cad ugu sheego MW HSM in gudaha caasumada la joogo lagana soo gudbay aagagii dagaalka.
5- FARAGALINTA SHISHEEYAHA & HALISTA KASOO WAJAHAN!
Juquraafi ahaan goobta ay ku taalo Soomaaliya ayuu sheegay in ay u soo jiiday Halis badan oo ka imaanayso Shisheeyaha oo danahooda siyaasadeed ka dhex wada dalka Soomaaliya, taas oo qaribaysa horusocod kasta ayna taasi ay ka dhalanayso ficilo saameyn Taban oo militari, mid dhaqaale, iyo mid siyaasadeed, Hoggaamiyayaasha Soomaalida ayuuna xasuusiyey in dharaaraha dhalaalka aysan dhab aheyn.
6- DHAB U HADAL in la aado!
12kii sanno ee lasoo dhaafay Puntland waxay dalbanaysa dhab u hadal in ay Soomaalidu aado, markale Siciid Deni ayaa xalay kuceshay in ay door siinayaan wali in miiska layimaado oo xaqiiq & run loo hadlo, ka duruga dhabta ayuu sheegay in ay halis weyn keenaysa.
7- DOORASHO WAA XAL!
Madaxweynaha Puntland ayaa soo qadimay oo u sheegay waxgalkii uu la kulmay in Soomaaliya khataraha waa weyn ee taagan asalkooda ay yihiib muran doorasho & wax ka bedelid dastuur aan heshiis haysan, taas Soomaaliya oo jilicsan dib ugu celinkarta marxaladihii burburkii dowladnimo. In ay Muqdisho u joogaan ayuu sheegay oo kaliya in doorasho lagasho Xukunka MW HSM oo aan laga gorgortameynin.
8- Qatarta argagxisada.
DAQIIQADA 11-aad Madaxweynaha PUNTLAND ayaa ka digay 2 qatarood oo aad ugu soo socda soomaaliya in la kala irdhoobo iyo in dad aan la aqoon ay dalkaan ku soo duullaanoo qabsadaan. Madaxweynaha oo dareenkiisa isbadallay marka uu jeedinayay kalmad qatarta ah isagoo hoga tusaaleynaya wixii lagu soo arkay calmiskaad oo PL ay ku noqotay fajac iyo amakaag.
Deni wuxuu sheegay in ay arkeen waxyaabo yaab leh, oo ka fog maskaxda hoggaamiyayaasha Soomaalida iyo dadka rayidka isku qaman lagu maqan yahay, ayuuna ku sal-gooyay dagaalka Argagixisada ee halista badan hayeeshee la dhayalsanayo.
9- SICIID DENI: Xujo ku oogid HSM!
Dhammaan kulamada Puntland ee Muqdisho, waxaa lagu sifeeyey xujo ku oogid madaxweyne HSM in bulshada loo eego.



