Villa Somalia oo mucaaradka eedo culus dusha u saartay

MUQDISHO(GAYLAN-MEDIA) – 24 saac ka dib markii ay Mucaaradka golaha Mustaqbalka Soomaaliya ku dhawaaqeen in ay burbureen wada xaajoodyadii doorashada ilaa Dastuurka ee ay kula jireen Villa Somalia in ay burbureen, Xukuumadda Faderaalka ayaa ka jawaabtay.

Dawladda Federaalka oo markii 1-aad ka hadashay shirkii ay wada yeesheen dhankeeda iyo Golaha Mustaqbalka ayaa sheegtay in 3 qodob heshiis lagu ahaa, kuwaas oo ah intii aan tabinay is aragii 1-aadba. Dawladdu waxay inkirtay dooda Dastuurka oo dhan in laga hadlay, taas oo looga durkay sabab laxariirta in DG safkeeda kujiraa.

3. In bisha Abriil 2026 la qabto kulanka labaad ee gogosha si loo sii ambaqaado hanaanka doorashada federaalka ah.
4. ⁠
Isla qoraalka dawladda Federaalka ayaa lagu sheegay in golaha mustaqbalka keenen dood ah in ay door kuyeeshaan hanaanka Doorashada DG ku dhacayso, waxaana muuqata in dawladdu bilowgii ogolaatay in DG doorasho lagasho laakiin nooca laysku diiday.

“Qodobadaas waxaa ka mid ahaa in Golaha Mustagbalku ay talo toos ah ku yeeshaan hannaanka iyo maamulka doorashooyinka Dowlad-goboleedyada kale, taas oo ah arrin si cad uga hor imanaysa mabaadi’da ku xusan Dastuurka Dalka”ayaa lagu yiri warka DFS.

Dawladdu waxay inkirtay dooda Dastuurka oo dhan in laga hadlay, taas oo looga durkay sabab laxariirta in DG safkeeda kujira aan la didin.

Share On:

Explore More

Dawladda Somalia: oo magaca bedelatay dhul boob awgiis.

Xanaanada Xoolaha waxaa laga xaraashay 5 goobood oo ay wasaaraddan lahayd, wasaaradda Isgaarsiinta ayaa lumisay 3 kamid ah xarumaha ay baahida qaarkood hadda u qabtay, iyadoo dulaalada dhulka u qortay warqad ka maaransho ah oo madaxweynaha loo geeyey.