Todobaadka ee nagu soo wajahan Kismaayo ayaa martigalinaysa inta badan hoggaamiyayaasha Soomaalida ee diidan hanaanka dawladnimada dalka xiligan uu madaxweyne HSM ku caraabinayo, waxay bilihii u dmabeeyey lahaayeen wada hadalo siyaasi ah oo ay diirada ku saarayaan sidii ay Toobiye layskugu raacsan yahay ugu soo celin lahaayeen tareenka dawladda Faderaalka, oo hadda sheegaysa in ay qabanayso doorashooyin mideysan Toos ah, codkana dadweynuhu leeyihiin, hayeeshee aan haysan heshiis siyaasi ah & sharuuc laysku raacsan yahay.
4tii sanaba mar waa dhacdo taxane noqotay in siyaasiga xukunka Villa Somalia jooga mooyee inta kale ay mucaaradnimada jilaan, taas oo aan aheyn mid leh hal-beeg la yaqaano, Siyaasiintana ay u joogto in qofka Kursiga villadda fadhiya laga kiciyo, taas oo marar badan muujisa in horweynta siyaasaddu aysan heynin aragti kursiga dhaafsan.
Soomaaliya, waxaa yaala qadiyada waa weyn oo ka durugsan maalin mucaarad iyo ka sheekeynta cuntooyinka, kuwaas oo ay qasab tahay in loo bareero ka hadalkooda & in lala yimaado Mowqifyo wax ka bedeli kara, sida ay qabaan falanqeeyayaasha siyaasaddu waa adag tahay in xiligan ay siyaasiinta xukunka rabtaa u bareeraan ka hadalka galalka runta abaaraya oo badankood aamuska ayay laasimayaan, iyagoo jecleysanaya oo ay maankooda ku burqanayso aragtiyaha ah xukun askareysan,Xatooyo,Haykal hal qof amarkiisa leeyahay oo dhammaantood horey loogu fashilmay.
Hadda Kismaayo, dad badan ayaa durba sheegaya in aysan waxba ka duwanaan karin Halbeegyadii horey loo soo maray, ayna wali kooxo badan oo ka qeybgalayaas ah u joogto in la bedelo HSM oo ay isku hayaan xukunka, laakiin Haykalka & habdhaqankaba aradan ee hadda socda ay ku wada qanacsan yihiin, taas oo ay indheer-garad badan aaminsan yihiin in aysan Soomaalida kala quusanaysa rabitaankeeda iyo daruufteeda midna ka jawaabeyn.
KISMAAYO: 5 Ajende oo ka weyn diidmada HSM ayaa laga sugaya!
1- RAJO DHIS & RUN SHEEGID!
70% Tiro koobyada la hayo ee shacabka Soomaaliya waa dhalinyaro Tahriibka ayayna doorbideen markii ay waayeen dal ay leeyihiin oo dunida wax kusoo kordhiya, hadda macno weyn iyo rajo mustaqbal midna ugu fadhido nooc doorasho oo laga heshiiyey, kama filayaan in ay daruufahooda ka jawaabayso doorasho Dad-ban ama Toos ah mid la qaataba, kamana sugayaan rajo ah in dawladnimo daruufahooda ka jawaabta.
Dalku waa sii kala tagayaa, haddii ay waqti sareysay kufaanka cunsurka soomaaliga ah, maanta dad badan oo ay horboodayaan siyaasiin caan ah ayaa ku qancaya in Soomaaliya u baahan tahay in dib loo baandheeyo, runta la wajaho, lana aqbalo halka la joogaa in aysan aheyn meel lagu socon karro, inta badan doodahan ayaa ka imaanaya Puntland & Somaliland oo deegaanadooda nabad ka dhigay, dawladnimo wax ka dhiman yihiin ka hirgaliyey, laakiin jawaab u qalanta doodooda ma taalo lagamana hayo koonfurta kale.
Siyaasinta isku tagaya oo badankood haysta dhalashada dalal kale, ayaa tusaale u ah xaalka Soomaaliya, Is araga Kismaayo, waxaa laga sugayaa in rajada dhimanaysa badbaado loo helo, xaqiiqada la wajaho oo aan kor laga xaadin, Shacabku in run lagu dhaqana loo dhawaado,haddii Haykalkan uusan ka imaanin Golaha Mustaqbalka, waxaa la aaminsan yahay in uusan waxba ka duwanaan karin Bad-baado Qarantii Xassanka 2aad dhashay, taas oo miraha laga dhaxlay fadhigan uu ka turjumayo.
Sida dalkan u eekanayo, waxa lagu hogaaminayo & qalfoofka dawladnimadaba waa lagu kala tagay, Nidaamka Federaalka oo 2004tii la qaatay, hoggaamiye kasta oo xukunka Villa Somalia waa xero-taraaray, siyaasiinta isku tagaysaa aragti mideysan maleh, qaarkoodna maskaxdooda waxaa ka guuxaya habdhaqankii horey loogu kala irdhoobay, xooga & askarta ku jiq-siida ah ayayna u arkaan masraxiyad aysan ka dhabeyn karin, laakiin madashan haddii aan jiheyn mustaqbal laga helin waa fashil kale oo kubiiraya quusta siyaasiinta & Shacabku isku sida u wada gaartay.
2- HOOS KA DHIG KOR U DHIS!
Tobanaan sano ayaa warqadaha lagu qorayaa Ajendaha dibu dhis qaran, laakiin waa mashruuc aan dhammaad & xisaabcelin laheyn oo laga dhex sameeyey faa’iido aan maangal aheyn, waaqacana aan waxba ka bedelin, Hoggaamiyayaashu Soomaalidu waa kufashilmeen 30-kii sanno ee lasoo dhaafay in ay ka dhabeeyaan wax aan aheyn muuqaalkoodu sida u e’eg yahay, dhabtuna waa in Kismaayo laga sugi karo oo kaliya HOOS KA DHIS KOR U DHIS, taas oo ay baraare ugu yaraan nabad & xukunka oo lagu tartamo ah ka dhaxleen Puntland & Somaliland.
Inkasta oo siyaasiinta isku tagayaa badankood ay ugu badiso hal aragti cayilinteed oo aysan dhab u sheegan karin oo ah in awooda oo dhan hal goob lagu koobo, haddana xaqiiqo aan ka dhuuman karin ayaa hortaala, dhammaantood xukun horey ayay u soo qabteen, markale u oradkana wax uga duwan yihiin HSM oo galalka waa weyn cidna banaanka lama imaanin.
3- MIDNIMO: YAA SOOMAALIYA AH!
Siyaasiintan dhammaantood waxay doonayaan in ay u tartamaan xukunka Soomaaliya, laakiin Yaa Soomaali ah lama yaqaano oo waa lagu mursan yahay 65 sano oo ay Soomaaliya u dabaal-dagto in ay xor tahay, Midnimadu labo marxaladood ayay soo martay mar xooga askartu adkeynayay & hadda oo aysan jirin, siyaasiinta isku tagaya waxaa horyaala in magaca Midnimada la dul-istaago dib loogu fakaro, lana helo aragti ka guda-balaaran qeexida ay kuqanacsan yihiin oo aan xaqiiqo ka turjumeyn.
4- GALKA AMNIGA!
Jubbaland oo martigalinaysa shirkan waxay leedahay taariikh ah in ciidamada xoogga dalka ee lagu maalgaliyo magaca Soomaaliya ay 4 goorba duulaan laga soo abaabulay Villa Somalia kusoo qaadeen, 2013 ilaa 2025-ka JL ayaa dhibane u ah diidmadeeda ah in xukunkeeda cida noqonaysa laga jaangooyo Muqdisho.
Siyaasiinta isku tagaya oo qaarkood madax banaanida dawlad gobaleedyada xoog kufaragliyey, isku dayayna in ay taladooda kuqasbaan, meshan aka saaran nidaamka Faderaalka, waxay marti u noqonayaan dawlad gobaleedka JL oo wali dhexda uga jira falkintoodii.
Waxaa qasab ah in laga heshiiyo Yaa ciidan qaran ah, Xoreynta dalka & galka amniga oo ay kudhex jiraan halkii ay Soomaalida ku kala tagtay.
5- MAXAA LA WADA LEEYAHAY!
Waa adag tahay in su`aashan jawaab rasmi ah ay ka bixiyaan dhammaan tartamayaasha u ordaya xukun & Madaxweynaha xukunka jooga, laakiin isku raacsanaan dhameystiran waa in kursiga Villada la wada jecelyahay si looga sameeyo dhaqaale & awood macnawi ah oo an cidna taaban karin, inkasta oo lagu qanacsan yahay ciidamadu gaardis sameeyaa, dalalka qaarkood roogga gaduudan la dhigo, haddana Soomaaliya waxa la wada leeyahay lama yaqaano, doodo sii xoogeysanaya ayaana jira oo arrintan si Taban u taabanaya, taas oo galka Midnimada ka mid yahay.
UGU DAMBEYN: Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee Kismaayo iskugu tagaya, waxaa laga sugayaa abaar ama hiraal cusub abuurid, rajo quusashada u bedeli kara Nayaayiro & in laga heshiiyo galalka waa weyn kahor inta aan HSM kursi ka ridashadiisa la eegin.



