Dawladda Somalia: oo magaca bedelatay dhul boob awgiis.

Go’aanada madaxweyne HSM ee dhul boobka & amarka ay qabto Cagafta Idman waa kuwa aan joogsi laheyn, Si kasta oo looga hadlayna madaxda dawladda Faderaalka waa diirin waayeen qeylo dhaanta danyarta la xaaqayo, wax kastana waxay u muuqdaan in ay xargaha goosteen oo la caadiyeyey arrintan, meel la dhaafay oo la xurmeeyey Qabuuraha ilaa rugaha ciidamada, qoysas danyar ah midna ma jirto.

Gaylan Media, waxay heshay tiro koobka xarumaha dawladeed ee la beeciyey 3dii sanno ee lasoo dhaafay, kuwaas oo qaar kamid ah Hay’addaha dawladeed ee sheegay in ay ka maarmeen ay ku jiraan guryo kiro ah oo aysan la aheyn, tan oo muujinaysa in boobka uu wax kasta mudnaanta ka leeyahay.

Naqshadahan waa in ka badan 33 xarumo dawladeed & Dhul dan guud ahaa oo hadda kabaxay gacanta dawladnimada, loona wareejiyey mid shaqsiyadeed oo ay leeyihiin ganacsato & shirkado jeeb weyn oo xaabsaday, in laga soo dhici doono & in kale waa dood furan oo wali aan sal dhigan.

Wasaaradda Gaashaandhigu, waxay qortay 25 warqadood in ka badan, oo ay ku sheegayso in ay ka maarantay dhul ay lahayd oo ay ku jiraan 20 xero oo ciidan tiro dhaafsan, ilaa Miiska saraakiisha in aan loo baahneyn oo labeeciyo ayaa la qoray 36 bilood ee lasoo dhaafay, diwaanada aan helnay waxaa ku dhex suntan in dhulalka la goobeeyey oo la xaraashay tirada ugu badnayd qaarna dulaalka & iibsaduhu ka gorgortamayaan.

Wasaaradda Ganacsigu waxay ka maarantay 14 dhul oo ay kujiraan goobaha 8 warshadood oo kuyaalay Muqdisho, in aan loo baahneyn oo laga maarmay ayaa la sheegay, inta ugu badan waa la gatay, qaarkood ganacsatadii dawladda ka gadatay suuq ayay ku la’ayihiin.

Warfaafinta ayaa afar xarumood laga qaatay, qeybo kamid ah wali suuqa lama soo galin in la beecinayo oo dadka degan laga rarayo, inkasta ay xoguhu sheegayaan in dadka qaarkood ee degan lacag la weydiistay si loogu sharciyeeyo.

Wasaaradda Caafimaadka, waxay ogolaatay in aan loo baahneyn 7 xarumo caafimaad oo ay ku jiraan rugaha hooyada & Dhallaanka, Keydkii Dhiiga, Isbitaalkii Lansaleeti, Kuliyado caafimaad lagu baran jiray & dhulal kale oo muhiim ah, bedelkoodana lama hayo.

Xanaanada Xoolaha waxaa laga xaraashay 5 goobood oo ay wasaaraddan lahayd, wasaaradda Isgaarsiinta ayaa lumisay 3 kamid ah xarumaha ay baahida qaarkood hadda u qabtay, iyadoo dulaalada dhulka u qortay warqad ka maaransho ah oo madaxweynaha loo geeyey.

Soomaaliya, amniga, Nabadsugid & booliseyntu waa meesha ugu baahida badan oo wali u muuqata in ay dhul u baahan tahay & dhexgalka bulshada, laakiin 8 kamid ah xarumihii horey uga tagtay dawladdii dhexe ayaa la beeciyey 3dii sanno ee lasoo dhaafay, kuwaas oo hadda qaarkood loo diyaarinayo in laga dhiso goobo deegaan ah oo ay ganacsato maalgashanayso.

Wasaaraddaha Dekedaha & Waxbarashada ayaa lumiyey 4 xarumood oo ay lahaayeen, qaarkood waxaa kujira dhulkioi Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo Rectorkii hore oo diiday awgiis xilka looga ceyriyey, taas oo ka dhigan in madaxda DFS go`aansadeen in qof kasta oo diida dhulboobka la raacdeeyo.

Wasaaradda Howlaha guud & Guryeynta, waxay kujirtaa Ijaar, haddana xarunteedii in ay ka maarantay ayaa xili hore loo gudbiyey dulaalada dhulka, Iyadoo kusii dartay xaruntii dhulbixinta ee Ifka Xalane, taas oo ka dhigan in aan wasaaraddan loo baahan doonin.

Qoraal kasoo baxay gobalka Banaadir oo aan soo marin wasaarad ilaa meelna, balse haysta ogolaansho afka ah oo madaxweyne waxaa lagu baxshay 3dii sanno ee lasoo dhaafay in ka badan 8 goobood oo ay ku jiraan 4 suuq oo ay bulsho Soomaaliyeed ku ganacsaneysay, taas oo badankood la barakiciyey, qaarna hadda lagu foogan yahay.

Qeybo kamid ah dhulkan waa lagu deyn-baxay, madaxda sare qaarkood ayaana si gaar ah loogu xaraashay, sida ku cad documentyo aan helnay waxay muujinayaan in lacagta si toos ah loogu shubay xisaabaad ay leeyihiin shaqsiyaad aad ugu dhaw madaxweynaha, taas oo lagu fasiray lacag dhaqid aan qarsoodi badan laheyn.

33-dan Xarumood meesha ugu yar waxaa kuyaala 150 Boos oo la goobayay, Lacagta laga baxshay booska ugu yar waa 20kun oo dollar ka badan taas oo celcelis ka dhigaysa 60M in laga sameeyey, laakiin Miisaaniyadda Qaranka kama muuqato, sida ay dhawaan mudanayaal baarlamaan ku doodeen jawaabcelintooda waxay noqotay in aysan xaq u laheyn ka hadalkeeda.

HALKANA EEG

Ganacsatadii xaraashkan qeyb ka noqotay ayaa hadda la dhibtoonaya in ay waayeen cid ay dib uga iibshaan dhulalkan, qiimaha ayaana gaaray meeeshi u hooseysay, qaarkood ayay isku dhegan yihiin qaar kamid bangiyada dalka oo ay lacago horumaris ah ka qaateen, tani waxay abuurtay in wareega lacaguhu aad hoos ugu dhaco.

BAARLAMAAN: Laaluush dhul u qaatay!

Laga soo bilaabo dastuur ansixintii, ilaa xiligan In ka badan 62 mudane baarlamaan ayaa laaluush ahaan loosiiyey boosas kale duwan oo kuyaala goobahan la xaraashay, waxay kubedesheen codkooda & in aysan madaxweynaha aragtidiisa ka hor imaanin, qaarkoodna guryo dad rayid ah oo magac lahaa ayay sugayaan in loo boobo, Tan waxay ina siinaysaa in aysan jirin la xisaabtan baarlamaan.

Qaar kamid ah madaxda guddoonka golaha baarlamaanka 11aad, waxaa taariikhda ay gashanayaan in ay ka mid noqden madaxda magacyada ilmahooda & xaasaskooda ku diwaangashaday dhul danguud ah, si ay uga dhuuntaan indhaha bulshada.

SARAAKIISHA CIIDANKU: halkan fursad mar la arag ah ayay kaheleen!

Dabcan waad la yaabataa saraakiisha aan arxanka badan & habdhaqan dawladnimo ka muuqan marka aad aragto cagaf soo socota horsocda, Haka raadin fursad dhaqaale sameyn ayaa halkan ku dhex jirta, ka sokow baneynta dhulalka oo lacag lagu baxsho, haddana haddii aad ogolaato in aad la macaamisho ama waqti dheeraad ah u baahato lacag kuus ah ayay doorbidayaan.

Saraakiisha qaarkood waxay gorgorada ka bilaabayaan 30k in ay qofkii ay ogyihiin ig laga gardaran yaahy ku ceebiyaan, guryaha sharciga ah ee rayidku leeyihiin ayaana wada hadalkaas ka furan yahay, tani waxay muujinaysaa dawladnimo bahalowga iyo arxandarro isku darsatay.

SOOMAALIYA: Dal dhaqaalihisii burburay & Dawladduna magacii bedelatay!

UGU DAMBEYN: Laga soo bilaabo bishii June 2023-kii ilaa amintan, Soomaaliya waxaa ka baxay lacag ka badan 200Malyan oo Dollar, taas oo gashay Suuqyada Afrika, waana dhaqaalo burbur iyo wareegii lacagaha oo kudhaw in uu meeshaba ka baxo, laakiin dawladdu magacii wey bedelatay waxayna u muuqataa in ay si buuxda u qaadatay “Dawladdii Dhul-Boobka caadiyeysey”.

Share On:

Explore More