Xiisadda Awdal, Sirta ku qarsoon, Loolanka Saylac & Dagaalka Badda

Laga soo bilaabi bilowgii 2023-kii ilaa laga soo gaaray 2024kii, markaas oo ay Itoobiya Is afgarad aan wali dhaqangal noqon, meelna looga laaban la gashay Itoobiya, waxaa hoos ka hulaaqayay dagaal kusar go’an gacan kudhigida magaalada Saylac & Xeebaha Lughaye ee ay dhinacyo badan isku garbinayaan, sidoo kale in beelaha deegaanka la dhexgalo, lana helo wadiiqo dhinacyada is diidan riyadooda ficil ugu rogi karaan ayaa socotay, kooxna ma khasaarin fursad kasta oo ay heshay, ilaa ay jireen isku dayo ay garwadeen kanoqdeen dalalka deriska qaarkood oo kuwajahnaa in la cariyo damiirka dadka deegaanka, lana gaarsiiyo in beelaha dhexdodoa ay dagaalamaan.

Todobaadkii u dambeeyey gacan ka hadalka & Is riixriixa u dhaxeeya dhinacyadan danaha leh ayaa helay fursad muhiim u ahayd oo ah isku dhac dhexmaray ciidanka Somaliland & dadka Boorama, oo ka gadooday diidmadooda kuwajahan in Buugga Xeer Ciise lagu soo bandhigo magaalada Saylac.

Xukuumadda Somaliland ayaa labo codleysay, mar waxay diiday go`aanka soo bandhigida Buuggan, mar kale waa ogolaatay,haddana ugu dambeyn dhimasho & dhaawac Boorama ka dhacay, ka dib madaxweyne Ciro ayaa qaatay go`aan kale oo ku raacay aragtida shacabka & waxgalka Boorama ee diidmada soo bandhigida Xeer Ciise, dad badan ayaa is weydiiyay asalka dhibtu waxay tahay.

Dad badan ayaa aaminsan in Cirro talaabadiisa dambe ay ahayd mid uu kaga hortagay in ay rumowdo aragtida ay riixayeen ama qabaan dhinacyada loolan hoosaadka kala dhaxeeyo, oo yoolkooda uu yahay in SL ay noqoto goob la kala daadiyo.

BEELO OOD-WADAAG AH!

Labada beelood ee hadda isku hanjabaya waa xigaal, xidid, ehel iyo ood-wadaag wax aan Bir iyo biya goynin u dhaxeeyaan, Kumanaan sanno oo ah inta aadanaha jiro waxay ahaayeen inta la yahay ahaana doonaan, majiri karto cid kala kaxeyn karta oo meesha ka saari karta ehelnimadooda ama derisnimadaba, Odayaal dhaqan oo colaaad si buuxda ugu baaqdayna, waxaa lagu fasiray calaamad ka mid ah isbedelada dhalan rog ee kusocda dhaqanka Soomaaliga ah oo kashaqeynta nabaddu kusii yaraanayso.

2010-kii, Caleema-Saarkii ama duubidii Ugaaska beesha Ciise ee Ugaas Mustafe ee aagan, dadka Awdal kama gadoodin, xiisadna kama dhalan, waxaana hadda la aaminsan yahay in kacdoonka cusub uu yahay daneynta dalal kale duwan ay gadaal ka riixayaan in ay keentay is qoonka beelaha ood-wadaagta ah.

YAA LOOLAMAYA!

Cirro & xukunkiisa oo sannad jirsaday, iskuna dayaya in ay dib u galaan loolan siyaasadeed oo ay kusaxayaan khaladaadyo diblumaasi ah oo horey u dhacay ayaa markale dhexda u galay dirir u dhaxaysa dhinacyo kale duwan oo ay koox kasta danteeda gaar u doonayso.

Dalalka loo yaqaano gacanta 3aad ee saameynta ku leh arrimaha gudaha ee Soomaaliya ayaa daraf kasta uu doonayaa in ay tiisu meelmar noqoto, qaar kamid ah quwadaha Is hardinaya ee Shiinaha ilaa Mareykanka ayaa aagan loolan u galaya iyana.

Mareykanka in ka badan 4 jeer ayay iskaga daba-laabteen dhinaca Hargeysa ilaa Berbera doonistooda waa cadahay waana dagida marsadan muhiimka ah & ka samaysashada saldhig milateri, oo ay doonayaan in ay kala socdana dhaqdhaqaaqa gacanka Baabul-Mandab & aag ay ku dheelitiraan joogitaankooda Jabuuti, in Mareykanku halkan dago ma jeclesayanayaan xulufooyinka uu shiinuhu garwadeen u yahay.

Taiwan oo aysan Mareykanka dhib isku qabin ayaa u aragta imaanshaha aaganka ee Washignton fursad dhankeeda u wanaagsan, laakiin taas Shiinuhu uma arkaan dhacdo fiican, weyna ka dagaalameen iyadoo si cad Bejing u sheegtay damaceeda in uu yahay in lala dagaalamo Somaliland, iyadoo maraysa dhinaca DFS.

Masar & Eritrea, waxay doonayaan in deegaanada Soomaalida ee kulaalaya xeebaha Badda Cas, gaar ahaana Saylac ilaa Lughaye ay ahaadaan aag laga dhawro in ay saameyn kuyeelato Itoobiya, 10kii bilood ee u dambeysay waxaa soo baxaya xogaha sheegaya in ay jiraan dhaqdhaqaaqyo xubno kale duwan loogu yeeray Asmara ilaa Qaahira, Afwerki & Abdifitaah Sisi ayaa kulankoodii u dambeeyey isla qiray in aysan marnaba aqbaleyn in Itoobiya joogid ama faragalin kuyeelato Biyaha Soomaaliya.

HUB lagaliyo AWDAL!

2024-kii, dawladda Faderaalka ayaa kuguuldareysatay abaabulka & dhismaha jabhad hubeysan oo laga hirgaliyo Lughaye ilaa Boorama, inkasta oo xubno kale duwan la casumay oo lageeyey Muqdisho ilaa Jabuuti, haddana mashruucan ayaa hana-qaad noqon waayay markii ay dhinacyada riixayay shaki kala muujiyeen, hayeeshee waxaa xubnihii kashaqeynayay qaarkood xaqiijiyeen in ay jireen dad la xulay oo latababaray & hub la balan-qaaday si looga hortago damaca Itoobiya.

Turkiga oo xariir wanaagsan la leh Muqdisho, waxay gaar u quuldareynayaan helitaanka Saylac & Lughaye, iyagoo doonaya in ay qeyb kanoqdaan dalalka joogitaanka ku leh marinka Baabul-Mandab ee sida xoogan layskugu baacsanayo oo ah markin ay maraan 16% Badeecadaha dunida, si ay meelmar uga dhigaan heshiiskii ay lagaleen DFS ayayna jid kasta u qaadayaan, laakiin waraaqaha saxiixan & waaqaca ayaa is diidaya.

Itoobiya & Imaaraatka oo isku olog ah, ma doonayaan in Xeebaha Berbera, Lughaye ilaa Saylac ay timaado cid kale kasoo horjeeda danahooda, wey ka dagaalamayaan, waxayna awood kasta galinayaan sidii ay toodu meelmar u noqon lahayd, sida ku cad heshiiskii DPWORLD kula wareegtay Berbera waa adag tahay in cid kale agagaarkan joogid kuyeelato kana fakarto deked kale.

Abiy & xukunkiisa oo Bad-raadis ah Lughaye waxay u arkaan marin dhaw oo muhiim ah, ayna ka fulin karaan riyadooda, iyagoo sabab ka dhiganaya in beelaha deegaankan ay dhinaca kalena Itoobiya degan yihiin oo aysan kala marmin, waana sababta mudooyinkii lasoo dhaafay isku xiranka Dirirdhaba ilaa Lughaye sare loogu qaadayey in deegaanka Soomaalida laga hoos-saaro layskuna dayayo in Kilalka Oromiya lagu dhaweeyo xeebaha Awdal, taas oo si xawli leh kusocota.

Jabuuti, inkasta oo ay ugu awood yar tahay dhinacyada loolamaya, haddana sinaba uma aqbali karto in Lughaye ama Saylac ay noqdaan marino dekedeed ama saldhigyo milateri oo la qeybsada saameynta ay haysato kuna tiirsan yahay dhaqaalaha dalkan, MW Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaana sheegay dhawaan in uu si weyn uga argagaxay Is afgaradkii Muuse Biixi & Abiy Axmed, kaas oo kusheegay mid gobalka halis galiyey.

Inkasta oo bilowgii Jabuuti door kuyeelatay in ciidan lageeyo Saylac ama Lughaye si looga hortago damaca Abiy Axmed, haddana wada hadalo dhinacyada dhexmaray ayaa Xukuumadda Jabuuti liifada u gaabisay qorshe ay Muqdisho wada agaasimeen, kaas oo dhicis noqday markaas ka dib.

SAYLAC: Yey muhiim u tahay!

Dhacdo kasta oo la xariirta xiisadda Bad-raadiska & Awdal mar kasta ma’ahan mid kaligeed ay duulinayaan ama riixayan beelaha wada daga Saylac, in ka badan 10 dal ayaa hardamaya oo uu mid kasta doonayo in uu xaqiijiyo hadafkiisa, kusoo biiritaanka dalal kale oo Khaliijka fog ah ayaa la quuldareynayaa in ay yimaadaan, oo baasiin kusii shubaan doodaha hadda taagan.

Dadka galkan falanqeynaya ayaa isku raacsan in si kasta oo dusha looga dedo, ay qasab tahay in gacan ka hadalku uu sareyn karro mar kasta, iyagoo sabab laga dhigayo in hoos ka shaqeyntu ay sareyso, cida ugu itaalka yarna ay tahay dawladda Faderaalka oo uun iska jecleysanaysa kala tagida Soomaalida, halkii ay ka qaadan lahayd door nabdeedka.

UGU DAMBEYN: 10kii sanno ee u dambeeyey dagaalka marinada muhiimka ah ayaa sii kordhayay, Soomaalida ayaana gacantooda laysku dayayaa in laga saaro dhammaan marinada xasaasiga ah, maadaama loo arko dad reer guuraa ah oo aan Istaraajiyadaha, balamaha xulufooyinka ku wanaagsaneyn, iyadoo diiradda la saarayo ahaanshiyaha kama dambeysta ah.

Share On:

Explore More

Dawladda Somalia: oo magaca bedelatay dhul boob awgiis.

Xanaanada Xoolaha waxaa laga xaraashay 5 goobood oo ay wasaaraddan lahayd, wasaaradda Isgaarsiinta ayaa lumisay 3 kamid ah xarumaha ay baahida qaarkood hadda u qabtay, iyadoo dulaalada dhulka u qortay warqad ka maaransho ah oo madaxweynaha loo geeyey.