Nidaamkii aduunka ee caalamiga ahaa ayaa u sawiran in uu burbur kusocdo, laga soo bilaabo subaxnimadii Khamiistii 24 Feb 2022-kii, markii uu Putin Baaruuda ku asqeeyey Kiyeef, waxaa bilowday in dalalku kagudbaan xeerarkii la ixtiraami jiray & diblumaasiyadii la xeerin jiray, wixii ka dhacay Gaza, Tehran, Beyrut & Doha, Isku daygii Abiy ee 2024-kii, waxay muujiyeen sida loo dunidu isku dhalan rogtay, xeydaabkana loo dhaafay.
Soomaalidu, waa bulsho kala daadsan, kuna nool habdhaqankii reer guuraaga, umana muuqato kuwa isku qasban, habka go`aanada loo gaaro, cadiifada sareysa, wixii lagu heshiiyey oo aan dhab loo fulinba, xagal kasta oo dhaqaale laga eegay, waxay ka dhigtay Baylah maanta marinadeeda lagu gorgortamayo waana lagu dagaalamayaa sida cad.
Xaalad halis ah oo is hardi ayaa kasoo wajahan marinada muhiimka ah ee Badda Cas, dhawaaqii Somaliland ay kuheshay Aqoonsiga Isreal looma qaadan karro calaamad gabagabeynaysa doonista SL, balse waxaa ku lamaan loolan saameyn abidi ah kuyeelanaya daganaanshaha caro edeg Soomaali oo dhan, in dalalka gobalka gaar ahaana kuwa gacanka kuyaala qaarkood si deg deg ah ula saftaan dhinaca dawladda Faderaalka, waxaa lagu fasiray ogaanshahooda halka dhabta ah ee arrintan ay taabanayso.
DHIMASHADA MASAR & SACUUDIGA!
Sacuudi Carebiya, Masar, Turkiga & Jabuuti ayaa noqday ologii 1-aad ee si cad u qaata go`aan ah in ay taageersan yihiin madax banaanida dad iyo dhuleed ee JF Soomaaliya, iyagoo si cad uga horyimi dhawaaqa Telaviv ay ku sheegtay in ay ku aqoonsatay Somaliland, looma fasirin ayay dad badan qabaan in dalalkan ay Soomaaliya jecel u hayaan, hayeeshee calaqadka & saameyntooda gobalka ayay tani ku tahay dharbaaxo halis badan oo kudhacday.
Isreal waa awooda balaaran oo degan mandiqada barriga dhexe, wadamada ay dhexda ugu jirto ma jecla, Mareykanka ayey u tahay Saaxiibka ugu weyn ee dunida uu kuleeyahay xoogga & Xeeladda Aqalka Cad ayayna kujoogtaa, dagaalo waarid ah ayaa uga furan laga bilaabo Qasa ilaa Buuraleyda Golan Highy ee ay doonayso in ay xooga ku qaadato, Netanyahu & kooxdiisu waxay qaadaan weeraro aysan diblumaasiyad & madax banaani mid celin, laakiin looga jawaabo uun cambaareyn, kii u dambeeyey ayaa ahaa weerarkii qalbiga Doha ay ku beegsadeen madaxda Xamaas, kaas oo ay dunida Islaamka uga gudubtay Cambaareyn Shir maalin ah & Qatarna kusamirtay in ay Trump la saxiixatay heshiis amni qaran oo difaac ah.
Falanqeeyayaasha ayaa isku raacsan in Sacuudiga & Masar ay hadda wajahayaan halis mustaqbali ah, waana sababta ay u doonayaan in si deg deg ah looga adkaado damaca Isreal, waana in ay diidan yihiin in saldhigyo milateri ay Isreal kuyeelato Badda Cas, gaar ahaana aminta laga hadlayoh agagaarka Berbera, tan waxay u arkaan dhimashadooda juquraafiyadeed, waana tan kaliftay in dagaalkooda ay kordhiyaan.
BADDA CAS: maxay Isreal muhiim ugu aragtaa!
October 2023kii, subaxnimadii uu bilowday duulaankii Qasa, Xuutiga ayaa dhankooda qaaday howlgal dhameystiran oo ay Maraakiibta Isreal ee marinka Baabun Mandab ku gooshaya si cad ugu dhawaaqeen in ay joojiyeen oo xireen, cunqabateyn 2 sano & kalkoos qaadatay ayaa kusoo gabagabowday Hindisii Nabada ee Trump oo madaafiicda & dhawaaqa Baaruuda looga joojiyay Gaza, isku xiran yaala Falastiin ilaa Badda Cas ayaa ah kuwa xariirsan.
Inkasta oo Isreal aagan u aragto marino xasaasi ah oo ay tahay in ay gacanta ku dhigto, waxaa garab socda hardan kale oo ay Sacuudiga, Masar ilaa Turkiga u arkaan mid lagu gabagabeynayo laguna gaabinayo saameyntooda gobaliga ah, 16% ganacsiga dunida ayaa mara marinka laysku haysto, Somaliland ayaa kaabiga ku haysa.
Berbera ayaa ah furaha loolanka, cid kasta oo dhulka gacanta ku haysa ayaa leh furaha kama dambeysta ah, taas oo lagu fasiray in sababteeda ay Somaliland kuheshay Aqoonsiga ay dhinaca Isreal ka heshay, qiimaha ay Telaviv u martay tana waa la xaqiijiyey.
Mareykanka ayaa halkan Berbera ku leh saldhig milateri oo todobaadyadii u dambeeyey ay ksocdeen dhaqdhaqaqyo milateri oo yoolkooda uu yahay sidii loogala socon lahaa marinka Baabul Mandab, madaxweyne HSM ayaa horey Trump ugu hadiyeey garoomada & Dekedaha kulaalaya Badda Cas ee Boosaaso & Berbera, laakiin dhanka Somaliland ayaa diiday waxayna kudooday in iyadu dhulkeeda u madax banaan tahay.
ISREAL: war siyaasadeed looma qaadan karro!
In Isreal aqoonsatay Somaliland looma qaadan karro war siyaasadeed iska caadi ah. Arrintu waxay ku saabsan tahay tallaabooyin Istaraajiga ah, dano abidi ah & kuwa jiritaanka taabanaya, waxna ka bedelaya xaqiiqada juqraafi, waana isbedel aan naxariis laheyn.
Somaliland waxay kudherersan tahay xeeb dheer oo si toos ah sheeda uga eegaysa Gacanka Cadmeed, waxayna si dhab ah u maamushaa dhinaca Afrika ee ka soo horjeeda dalka Yemen, Waxay dhacdaa mid ka mid ah marin-biyoodyada ugu khatarta badan ee caalamka Bab-al-Mandab oo ah marin uu ka gudbo qayb muhiim ah oo ka mid ah ganacsiga adduunka. Waa marin isku xira Badweynta Hindiya, Badda Cas, kadibna Badda Mediterranean iyada oo loo sii marayo Kanaalka Suweys.
Isbeddel kasta oo ku yimaadda deegaanada marinkan fooda kuhaya ama dhaca ee gobolkaas wuxuu si toos ah u micneynayaa isbeddel lagu sameynayo qawaaniinta xakamaynta & maritaanka ee Badda Cas. Taasi waxay albaab u furaysaa joogitaan ciidan iyo sirdoon joogto ah oo ka imanaya quwadaha shisheeye, kuwaas oo si toos ah ugu dhow marinada tamarta adduunka. Sidoo kale waxay ka dhigan tahay in labaari karro cadaadisna la saari karro maraakiibta ka timaadda Aasiya kuna sii jeeda Yurub, lana kordhiyo kharashaadka caymiska iyo gaadiidka badda, taas oo saameyn toos ah ku yeelan doonta dhaqaalaha dalalka waa weyn laga bilaabo Bariga Aasiya ilaa Midowga Yurub.
KHATAR AAN CAADI AHEYN!
Amintii Somaliland & Isreal kudhawaaqeen in aqoonsi is dhaafsadeen, Turkiga, Masar & Jabuuti ayaa durba isku raacay in ay kudhawaaqan in arrintan aan loo arki karin heshiis kooban ee ay tahay khatar amni, waana dhab oo arrinta ugu khatarta badan ayaa ah in baddaha istaraatiijiga ahi ay si toos ah ugu beegan tahay xeebaha Yemen, gaar ahaan magaalada Cadan oo ah deegaan horeyba ugu jiray isdiidooyin iyo dagaallo furan. Taasi waxay Bab-al-Mandab ka dhigi kartaa inuu ka gudbo inuu noqdo marin ganacsi oo keliya, iskuna beddelmo aag colaadeed & warqad cadaadis istaraatiiji ah oo gacanta u gasha cidda maamusha labada dhinac ama xitaa hal dhinac oo keliya.
UGU DAMBEYN, Dhacdo kasta oo laga hadlay kaliya kuma koobna mana ah aqoonsi loo sameeyay dal cusub oo ku yaalla gees ka mid ah khariidadda; ee waa dib-u-habayn aamusnaan ah dagaal furan oo ku socda amniga Badda Cas, khatar dadban oo ku wajahan Kanaalka Suweys, iyo fariin cad oo muujinaysa in khilaafka socda uusan noqon doonin mid dhul-ku-eg oo keliya, balse uu taaban doono mid badeed, dhaqaale iyo xitaa jiritaan, waana tan dalalka waa weyn u hardamayaan durba.



