Xassan Sh | ma u hirgalaysaa Boqornimo xukunka mise?

MUQDISHO(GAYLAN-MEDIA) – Kala soocida ciidanka, u adeegsiga Siyaasada, Hub aruursiga baaxada leh, la wareegida awooda 3 DG,  Dajinta & maamulida nooc doorasho ooa an heshis siyaasaded haysan, Dal 2 dastuur leh, Katacabka Malaayiin Dollar dhulka danta guud & isku diyaarinta xukun joogid mudo dheer ah ayaa ka muuqda qorshaha madaxweyne HSM, dad badan ayaana is weydiinaya Qorshe Xukun dheereyn mise Isku diyaarinta Boqornimo Siyaasadeed!

Madaxweyne HSM, maalmaha xil-heynta ee sida sharciga ah loogu doortay waa gabagabo, laakiin taas dhankiisa mataalo sannad dheeraad ah ayaana horyaala, sida uu maangal u noqonayo qorshaha Villa Somalia kuma jirto, waxaana la qaaday Talaabooyin muujinaya halka loo socdaa in aysan aheyn joogid kooban.

LA WAREEGID: 3 Dowlad gobaleed.

Madaxtooyadu, waxay sheegaysaa in ay dowlad gobaleedkii 1aad kasoo qaadatay Laftagareen, wana ribix u fiican, saaxiib ay wadaay la tahay ay geynayso, iyadoo lasii marayo qabashada doorashooyin qof iyo cod ah, QoorQoor & Guudlaawena ay bilaawaha siyaasaded ugu jiidayso, qaarkoodna ay hadda gorgor dhaqaale kubilowday si damacooda siyaasadda loo soo gabagabeeyo, waa qorshe dilin siyaasadeed kunoqonaya dhammaan xubnaha mucaaradka ee saami qeybsiga la wadaaga madaxweyne HSM.

Mucaaradkiisa waxay HSM ku eedeynayaan in uu rabo doorasho la og yahay in uu isagu yahay guuleystaha ama Boqornimo shidaal haysata oo aan dhammaad laheyn, Isku darka Xildhibaanada Galmudug & Hirshabeelle ayuuna madaxweynuhu waqti badan galinayaa in ay safkiisa wada galaan, laakiin taas waa diidan yihiin saami qeybsiga mucaaradsan ee katirsan golaha Mustaqbalka, sida ay uga dagaalami karaanse cidna ma garan karto.

HUB KA DHIGISTA: Mucaaradka ilaa gacmo kooban!

Madaxtooyadu, waxay ka wadaa Muqdisho cadaadis milateri oo sii kordhaya, madaxweynuhu wuxuu u xilsaaray saraakiil ka tirsan guutada 77aad in ay noqdaan foolaadka howlaha amniga caasumada, iyadoo la xakameynayo awooda ay heli karaan xubnaha mucaaradka ee la qoondada ah, si gaar ah waxaa diirada loo saarayaa in latirtiro aruurinta maleeshiyaad laga qori karro Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay madaxtooyadu cabsi ka qabi kartoh in laga heli karo awood hubeysan.

Sidoo kale daadaga Madaxtooyada ilaa Dayniile ayaa waqti badan lagalinayaa sidii loo kala furfuri lahaa, waana ag kale oo ay kooxda madaxweyne HSM cabsi ka qabto in damacooda ay kahoryimaadan oo markale la arko Galyac oo taagan Isgoyska Sayidka, taas oo aan la bensan karin.

Bilihii u dambeeyey gaadiid dagaal ayaa laga qaaday musharaxiinta madaxtinimada qaarkood, xildhibaano ilaa saraakiil lala xariiranayo in ay kahor imaan karaan damaca madaxweyne HSM, taas oo aan dood kasoo laaban, aruurintana dowladdu waxay ku fasirtay in ay tahay sugida amniga Muqdisho.

Madaxweyne HSM ayaa amar kubixiyey in aan gaadiid dagaal lagu haysan karin caasumada, ayna tahay in hub ka dhigis lagu sameeyo cid kasta oo isku dayda, madaxweynayaal & RW hore ayaa dhawaan la qorsheynayaa in hub laga qaado, lana xakameeyo dhaqdhaqaaqyadooda ciidan, tan oo ah qorshaha kahortagida in laga horyimaado Boqornimo aan la taaban karin.

ARUURSIGA DHAQAALAHA: Lacagta ayaa hadasha!

Malaayiin Dollar ayuu madaxweyne HSM ka tabcay xaraashak dhulalka danta guud, inkasta oo madaxda DF ay sheegayaan in ay lacagtan galiyeen doorashooyinkii Banaadir, Laftagareen-na sheegay in lacagtaas aysan iyaga soo gaarin, haddana mid aan shaki laheyn waa in madaxtooyadu xoog u isticmaalayso dhaqaalahan si meelmar uga dhigto fulinta hadafkeeda siyaasaded, taas oo dhabarjab ku noqonaysa helitaanka mucaaradka Muqdisho ee dad u darban ama ku raaca jadiinka.

Qaar kamid ah saaxiibada madaxweynaha ayaa sheegaya in ay lacag haystaan, cid kale oo farxisada firdhisana ay heli karto taageerada dadka caasumada, taas oo ah halka ay dowladdu aad ugu firfircoon tahay in ay uga dkaanayso saaxiibadeeda ay isku xisaabta tihiin.

DIFAACYADA: 2da Shabeele Dhismaha Qalcad xukun!

Sida ay ku dheehan Istaraajiyada Amniga Qaranka ee ay aragtay Gaylan-Media, difaacyo xoogan ayaa laga dhigay 2da gobal ee Shabeelooyinka, kuwaas oo ay qeyb ka yihiin joogidooda hubka Turkiga, ciidankooda ilaa diyaaradaha dagaalka, waa in laga adkeeyo amniga caasumada, yoolku kaliya maaha kooxaha Argaixisol waa in xataa laga hortagi karro soo galitaanka ciidan dawladeed oo u hiil u noqon kara xubnaha mucaaradka ee ay is hayaan madaxweyne HSM.

Qorshaha abuurida qalcad ka caagan hubka & aag lama galaan ah ayay tan ka dhigaysaa caasumada, madaxweynaha ayaana dhawaan si cad u sheegay in talaabo kasta oo amniga laga sugayo gobalo ka baxsan magaalada Muqdisho.

BANDHIGII BAYDHABO: Boqornimo ma dhali karaa!

MW HSM ayaa ku tamashleeyey fagaaraha Baydhabo, halkan saaxiibada JSP katirsan waxay sheegayaan in ay ka heleen garoon siyasadeed ay si dhibyar u maamusheen natiijada doorashadiisana ay muhiim dhankooda u tahay, in hadda halkan laga heli karro dheef siyaasadeed Soomaaliya wax ka goyn karta lama filayo, inkasta oo tirada xildhibaanada yaala ay xoogan yihiin, haddana sida loogu kalsoonaan karro in ay Boqornimo dhalaan shaki badan ayaa ka taagan.

LA KULANKA GANACSATO: Xasiloonida anigaa haya!

Madaxweyne HSM ayaa habeeno ka hor u sheegay qaar kamid ah ganacsatada beeshiisa ee dhaqaalaha haysata in uu isagu wanaagsan yhaay oo ay isla helayaan jiibta & jaanta ayna tahay in ay garab kusiiyaan sii joogida xukunka ilaa mudo xileed 3aad, isagoo sheegay in taabo galinta qorshaha Boqornimada ay dhankooda qeyb ka qaatan, si ay u helaan ribix la mid ah kan hadda laga faa`iiday xaraashka dhulka danta guud oo ay Maalqabeeno badan ku abuurmeen.

XULUFO: Dibadeed haysiga!

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayay sheegayaan kooxdiisa in ay ku tiirsan yihiin taageerada xulufo dibadeed, sida Turkiga iyo Masar, ayna kala shaqeynayaan damaciisa siyaasaded, laakiin dhab ahaanteeda wali calaamad su`aal ayaa saaran.

Dad badan ayay wali hortaala, Madaxweyne HSM BOQORNIMO waarid xukunka Soomaaliya ah ma hirgali doontaa?

Share On:

Explore More

Dawladda Somalia: oo magaca bedelatay dhul boob awgiis.

Xanaanada Xoolaha waxaa laga xaraashay 5 goobood oo ay wasaaraddan lahayd, wasaaradda Isgaarsiinta ayaa lumisay 3 kamid ah xarumaha ay baahida qaarkood hadda u qabtay, iyadoo dulaalada dhulka u qortay warqad ka maaransho ah oo madaxweynaha loo geeyey.