MUQDISHO(GAYLANMEDIA) – Gudoomiyaha golaha shacabka ee waqtigiisu dhamaaday Aaden Max’ed Nuur ayaa dhexda uga jira hubanti la`aan siyaasi ah, ka dib isbedelkii ka dhacay Koonfur Galbeed oo uu quuldareynayay in uu noqonayo dookha 1aad ee Villa Somalia, laakiin wali gacanta kuma kalsoonida Xassan Sheikh.
- Is casil! Ka dibna Nasiibkaaga Tijaabi.
Habeeno kahor, wada hadal ka dhacay Villa Somalia, dhexmarayna Xassan Sheikh & Aaden Madoobe ayaa kusoo dhamaaday, in madaxweynuhu si cad ugu sheegay gudoomiyaha in haddii uu rabo madaxtinimada KG uu keeno Iscasilaad kahor 13 maalin gudahood, inta aan la gaarin dharaarta doorashada Koonfur Galbeed oo la qabanayo dhammaadka bishan, taas oo xanuun siyaasi siyaasi ah ku riday Madoobe.
2-Labo Dhinacba Seeg!
Gudoomiyaha ayaa qaar kamid ah siyaasiinta Koonfur Galbeed kasoo jeeda oo ay ku jiraan xubno dhawaangal u noqday golaha, ka helaya talooyin ah in uu iska casilo guddoonka golaha, si u noqdo madaxweynaha Koonfur Galbeed, hayeeshee ilo wareedyo ayaa sheegaya in ajendaha xubnahan ay yihiin in Aaden 2 dhinac seeg ay kudhacdo.
3- JSP oo uusan xubin ka aheyn rajo ka eegid.
Aaden ayaa sheegay in uu u baahan yahay in uu marka hore helo kalsoonida JSP-da Xassan Sheikh dhexdeeda, taas oo aan sahal aheyn maadaama 13ka xubnood ee loo yaqaano mus-danbeedka JSP, 10 kamid ah ay kasoo horjeedaan damaciisa, laakiin quus dhameystiran wali ma gaarin, isagoo doonaya in Tartanka laga reebo Xuseen Sheikh Maxamuud oo kamid ah kooxda Xassan Sheikh.
4- GOLLE LAGA DHACAY: Xassan Sheikh oo ka walaacsan.
Sida ay ogaatay Gaylan Media ayaa wada hadalkii u dambeeyey gudoomiyaha la wadaagay walaaca isbedel xiligan ka dhaca guddoonka golaha in uu xanuun ku yahay doonistiisa iska joogida kursiga Villa Somalia.
Haddii uu Sheikh Aaden go`aansado talaabada la xariirta is casilad ay ka dhigan tahay in uu ku baxay is dhoohin siyaasaded, Villa Somaliayana ay la kulmi doonto dharbaaxooyin guddoonka golaha looga qabsanayo, laguna qasbayo ajendayaal kakan oo aysan rabin, sidoo kale ku tartanka Aaden Madoobe golaha wakiilada KGS oo uusan xulan, ayaa uga dhigan geeri kale oo uu cabsi ka qabo.



