BAYDHABO(GAYLANMEDIA) – Cida ku fariisanaysa Kursiga Villa Baydhabo, waa Hal-xiraale furidiisa aysan sahal aheyn, Xassan Sheikh jahawareer ayuu dhexda uga jiraa, Shuraakadii u saatay burburinta maamulka deegaankan ayaa dhabarka loo jeediyey, Waana kasoo hayaamay Baydhabo, laakiin dookh la`aan maaha, Aaden Maxamed Nuur “Aaden Madoobe” wax u muuqda Malakamaweydkiisii siyaasadeed ayaa 72saac ee lasoo dhaafay soo if-baxaya, dagaal kasta oo Villa Somalia u adeegsatayna mid cidlo looga tagayo ayuu u socod e’eg yahay, Shaki badan ayaa hareeyey, rajo badan mahaysto, habeeno kahor wada hadal uu la yeeshay HSM looguma lisin sidii uu filayay, In aan xataa Madaxweynihii uu Dastuurka ilaa heshiisyada waa weyn u meelmariyey golihiisana u xirayna in uusan kalsooni ku qabin ayaa xogogaalkiisa warinayaan, kasokow qaraabka dhaqaale, waxaa u dheer mawqif la’aantiisa ilaa xariirada badan ee soo gala oo aan sahal aheyn in uu aaminaad helo dhinaca madaxtooyada, Baydhabo hadda maahan oo kaliya aag ay DFS xoog ku qabsatay oo kuduushay waa goob laga eegayo sida Tareenka oo hadda helay naruuro himbiriirsi ah u dhaqaaqi karro.
Ku loolanka KOONFUR GALBEED!
Madaxyo weyntii duulaanka u gashay sidii isbedel ugu sameyn lahaayeen deegaanadan, una badnaa wasiirada XFS, waxay dhexda uga jiraan xisaab xidid saarid ah oo xalinteeda aysan gacantooda ku jirin, inta badan oo han lahaa waxay la kulmeen diidmada madaxweyne HSM oo isku arka in uu aagan isagu leeyahay taladeeda u dambeysa.
Sadex kamid ah xubnaha golaha wasiiradda Faderaalka oo bilowgii Baydhabo sheegayay in ay han siyaasadeed leyihiin wey shiiqeen, waxayna warinayaan in ay ka war sugayaan cida madaxweyne HSM amro in la doorto, qaarkood oo lahaa dood ad adag ayaa shiiqay, mana haystaan jid ay uga lug bixi karaan falkinta xisaab siyaasadeed musiibo ku ah oo ay riixeen, Ma jirto hubanti ay xataa qaarkood u haystaan kuraasta xildhibanadooda in dib loogu soo celinato kalka dhaw.
HANAANKA DOORASHADA: waa la shaaciyey, umana wanaagsan Xulufadii Isbedelkan!
Nooca doorashada Baydhabo ka dhacaysa ee lagu dooranayo xildhibaanada golaha wakiilada ilaa deegaanka waa qof iyo cod, lagu qabanayo wax kayar 2 todobaad, xisbiyada tartamaya waa isla intii Muqdisho ee loo miisay codad aysan helin, shaki maleh in geedi socodkan uu isla kaas mari doono, taas oo yabaal siyaasadeed xataa galisay xubnaha la og yahay ee diidanaa qorshaha HSM, balse deegaan doorashadooda ay Koonfur Galbeed tahay, kuwaas oo hadda la kulmay dhibaato siyaasadeed, kuna qasbaanaan doona in ay safka Laftagareen daruuftu ku riixdo.
28kii bishan ayaa noqonaya aminta la dhameystirayo doorasho isku sidkan oo 2da heerba lagu dooranayo, Loolan xoogan ayaa gudaha Xisbiga JSP ka socda, hadda giraantu waa dhammaad, Aaden Madoobe ayaa horey iskugu diyaariyey in HSM abaalmarin uga helo in lagu fariisiyo Kursigii uu duulaanka deegaankiisa ugu hogaamiyey, ayaa hadda kujira maalmo kakan oo dabeyluhu ay marnaba gidaar ku riixayaan, kalsooni la’aan ba`an ayaana jirta.
Laga soo abqaalo UPD-dii hore ilaa JSP Aaden Madoobe kuma jirin, in ay si dhexgalaan Xassan Sheikh dhacdooyin ayaa isku geeyey, horey in uu uga yimi HIMILO QARAN oo dhanka Shariif ah, waxaa u wehlisa shakiga ay saaxiibada madaxweynuhu sheegayaan oo ah in ay dalal iyo shuraakooyin dulaalo dhaqaale baxsha ay ku lamaan yihiin, oo aan la aamini karin.
Habeeno kahor, madaxweyne Xassan Sheikh ayaa qaar kamid ah ologiisa siyaasadeed u sheegay in uu ka baaran-dagayo cida uu kudhisanayo madaxtininada Koonfur Galbeed, balse uu doonayo in ay soo baxaan xubnaha golaha Wakiilada ee deegaankan, taas oo uu sheegay in uu ka dib go`aanka gaari doono.
Xogo hordhac ah ayaa xaqiijinaya in Aaden Madoobe aysan tan u wanaagsaneyn, gudoomoyaha ayaa bilaabay sheegitaanka warar la xariira in uu qaadanayo go`aan ka dhan ah madaxweynaha haddii aan lagu dhisin hoggaanka deegaankan, umana badna in goodi kasta oo kayimaada Aaden Madoobe uu wax ka bedelo xisaabta & doonista siyaasadeed ee MW Xassan Sheikh Maxamuud oo ay saaxiibadiis sheegayaan in uu rumeysan yahay in halkan uu ka hirgalayo damaciisa oo kaliya.
AXMED MADOOBE: Dookh maaha!
Qaar kamid ah saaxiibada Villa Somalia ayaa bilaabay sheegida ah in Aaden Madoobe uusan dhinacooda xambaari karin aragtidooda, iyagoo sheegaya in damaciisa oo dhan uu banaanka u soo baxay amintii uu tagey Baydhabo, waxay sheegayaan in dhammaan beelaha Koonfur Galbeed ay diidmo xoogan kala horyimaadeen hankiisa, gaar ahaana saami qeybsi hoosaadkiisa oo sheegay in uusan aheyn hoggaamiye isku wad leh, dhib kale oo Aaden Madoobe kudhacaya waa qaraabka siyaasadeed, HSM oo inta badan bedelad kusameeyey dabeecado siyaasadedkii lagu yaqaanay ayaa la rumeysan yahay in uusan dookh waarid mustaqbal ah hadda u noqon karin gudoomiyaha golaha shacabka.
XUJADA ADAG!
Ugu dambeyn, Gudoomiyaha golaha Shacabka ayaa ku jira marxalad walaahow ah, Baarlamaankiisu mahayo oo waqtigii waa ka dhacay, mucaaradka ma aadi karro, oo niyadsami uma hayaan, waa laga tirsaday doonista kasta oo looga baahnaa dhinaciisa, ilaa lasoo gaaray dhacdada Baydhabo, haddana door lagama siinin maareynta marxaladda kala guurka ah ee deegaan doorashadiisa, qof iyo cod uusan figta sare kaga jirin ayaana la qorsheeyey, isagoo waliba ku fadhiya mid kamid 2da kursi ee dalka Soomaaliya aminta u sareeya, wuxuu la kulmayaa lahan uusan si fudud uga dhuuman karin, dad badan oo siyaasadda Falanqeeya ayaa sheegaya in Aaden uusan dadka deegaanka Baydhabo xataa ka gadmi karin, marka lala akhriyo dhiganayaal hore oo lagu kabay Taaganta oo ay qasab tahay in dhinacyada banaanka jira & kuwa gudahaba ay mustaqbalkooda ka dhex arki karaan.



