Skip to main content
Documentaries7:42Transcript

21 sano & 6 bilood ka hor, Aaden Max’ed Nuur & Shariif Xasan Sheikh Aaden, haddii isku hardiyeen guddoon baarlamaan oo S

21 sano & 6 bilood ka hor, Aaden Max’ed Nuur & Shariif Xasan Sheikh Aaden, haddii isku hardiyeen guddoon baarlamaan oo Shariifna guushuna ku raacday xiligaas guddoonkii Baarlamaanka dowladnimada maanta joogta ee Kenya lagu dhisay, markale hadda waxay isku wajahayaan Hoggaaminta u…

Jun 27, 2026 · 6 plays

0 0 6

Transcript

Auto-generated from the recording. Not yet edited.

21 sano & 6 bilood ka hor, Aaden Max’ed Nuur & Shariif Xasan Sheikh Aaden, haddii isku hardiyeen guddoon baarlamaan oo Shariifna guushuna ku raacday xiligaas guddoonkii Baarlamaanka dowladnimada maanta joogta ee Kenya lagu dhisay, markale hadda waxay isku wajahayaan Hoggaaminta ugu sareysa ee Koonfur Galbeed oo ka dhalatay nidaamka Faderaalka, waana soo laabashada Taariikhda oo diwaanka kale reebaysa, Shariif Xasan oo haystay awooda hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho wuxuu Aaden Madoobe kaga adkaadya 161 cod codbixintii Nairobi, 7,829 maalmood kadibse caawa ayay is hayaan labada siyaasi ee kasoo wada jeeda deegaankan.

BAYDHABO, Caawa waa Siraadan tahay doorasho geedi socodkeeda ay Villa Soomaaliya agaasintay ayaa loo diyaargaroobayaa u kala bixidiisa maalin ka dib, xubno badan oo ka mid ah saaxiibada MW HSM ayaa tagay oo loolan siyaasadeed ugu jira in musharaxooda adkaado, waana hanaan doorasho oo markii u horeysay guddi ka madax banaan baarlamaanka ay agaasimeen maamulayaana, taas oo ah dhacdo ku cusub siyaasadda dalka, waana jihada cusub ee doorashada Villa Somalia falkisay, Aaden Madoobe wali waa gudoomiyaha golaha shacabka ee waqtigiisa dhamaaday, waana musharax madaxweyne oo ay dowladdu riixayso, Shariif Sheikh Aden wuxuu qeyb kanoqonayaa loolan doorasho badankiis ay Villa Somalia musharaaxeeda aad ugu hiilisay isla geedi socodka dhexdiisa, wuuse laacdamayaa umana muuqda in uu is dhiibayo.

MAXAA SOCDA!

Aaden Madoobe cabsida haysa wey sareysaa oo shaki maleh, xataa haddii JSP ay soo kala shaandheysay mudanayaasha codeynaya oo ay xubno kalsooni lagu qabo soo reebtay, haddana codka waa qarsoodi ilaa waqtigan sida la og yahay, waana halka cabsida ugu badan ka haysato, sababtoo ah musharaxa la loolamaya ee Shariif Xasan Sheikh Aaden ayaa la aaminsan yahay in uusan dabyar shidi karin, taas oo kordhinaysa xataa doodaha miisaska yaala.

In Aaden Madoobe cabsi hayso, waxaa si cad u muujinaya in uu wali kudhegan yahay kursiga guddoonka golaha shacabka oo waqtigisii dhamaaday, uuna doonayo in 2da dhinacba isku haysto, taas oo cadeyn u ah in aan kalsooni weyn jiirn, is dhakrid dhinacyada ah ahna cabsi laga qabi karro laftirkeeda, halkaas oo ay Kooxda Aaden sheegayaan in aysan xataa xaliifkooda HSM aaminsaneyn.

Kooxda Villa Somalia ee joogta Baydhabo waxay sheegayaan in ay haystaan 48 mudane oo ay codkooda isku hubaan kuna guuleysan karaan, haddana dhaqaale bixin ayaa durba la xaqiijinayaa in ay gaartay in mudanayaasha lagu bilaabo 20k oo dollar in codadka la gaarsiiyo, taas oo ay dowladda Faderaalka doonayso in ay 2 ujeedo u bixiso.

Waxaan shaki laheyn in loo baahan yahay in Musharaxa Villadu helo 69 cod, waase adag tahay in uu helo wareega 1aad haddii aysan dhicin isbedelo siyaasaded oo ay ka mid noqon karto in musharaxa 3aad tartanka ka haro, taas oo aan u fiicneyn dhinaca Isbedelka baadigoobaya.

In doorashada ay u muujiso mid xor ah oo lagu tartamay & in xildhibaanada ugu badan ay dhankeeda hesho, oo ay 2da faa`iido siyaasaded u aragto, laakiin dhaawaca ka muuqda hanaanka bilowgiisa & isku raacsanaan la’aantiisa ayaa ah meesha ugu badan ee la durayo, inkasta oo waaqaca ay hadda dad badan sheegayaan in lagu qasban yahay aqbalkiisa.

Mucaaradka kursiga ku haysta Xasan Sheikh & doorashooyinka maamulada ayaan door laheyn halkan, waxayna daawanayaan hoggaamiyaha ay is hayaan oo soo dhisanaya saaxiibo siyaasadeed dharaarta xataa doorasho Dad-ban ka caawinaya in uu kuraas badan u soo saaro, Inkasta oo Aaden Madoobe wali lagu tuhmayo nin is rogrogi kara han Federaal aan laheyn, haddana xisaabta aan xooreynin.

SHARIIF XASAN: Makusoo laaban karaa markale kuraasta sare!

In la arko mucjisooyin siyaasadeed lama qariibsan karro, dhinac kalena dadka falanqeynaya is aragan xiisaha leh ayaa sheegaya in haddii dhanka Shariif Xasan ay dhaqaale helaan ay ka dhignaan karto in ay xaqiijiyaan guul la yaab leh, iyadoo xildhibaano badan iyo dadka deegaanku aysan xataa isaga ka qabin xasaasiyad siyaasadeed, laakiin fasixida in doorashada loo ogolaado ka qeybgalkiisa waxaa loo arkaa mid Villa Somalia ay uga gol leedahay in ay ku xaqiijiso habraacyada ay ka sameynayso sadexda dowlad gobaleed ee safkeeda kujira.

Shariifka oo mar loo arkayay mid kamid ah xubnaha galangal siyaasadeedka ku caanka ah ayaa farsamadiisa dhexda uga jira caawa, laakiin garbihiisa ma joogaan ganacsato ilaa saaxiibo siyaasadeed sida Aaden Madoobe ula darban dhaqaale xoogan, geedi socodkana bilowgiisana laguma dhiseynyn, laakiin qodob weyn oo Shariif haysto kana maqan garabka Aaden waa in Shariif Xasan dadka deegaanka ay u arkaan hoggaamiye badbaado u noqon kara waqtigan adag.

FURSADAHA & CAQABADAHA 2da DHINAC!

Aaden & Shariif kuma cusba siyaasadda 2da heerba, horey ayaa losoo tijaabiyey waxay ku tartameen guddoon baarlamaan oo ay kala qaateen, haddana Madaxtinimada heer deegaan ayay isku hayaan, hayeeshee dhiganayaasha u yaala ayaa kala duwan.

Shariif Xasan waa hogaamiyihii maamulkan dhidbay ee lagu bilaabay, waayo joog diiday in uu ogolaado in lagu duldagaalamo deegaanka oo waqtigisii si fudud xukunka iskaga casilay markii ay Villa Somalia weerartay, waa jilaa siyaasadeed oo rugcadaa ah, inaksta oo uu sannadihii u dambeeyye saaxada saameyn ku laheyn, waana xubin firfircoon oo Farsameynta siyaasadda ku haysta sooyaal sareeya, ku tartanka hanaan uusan waxba ku laheyn waxaa loo arkaa dhib iyo dheef is barkan, waana Tijaabinta nasiibkiisa oo haddii uu adkaado ka dhigaysa mucjiso siyaasadeed.

Laakiin dhinaca deegaanka uma xuma in la doorto waqtigan, oo ay yaalaan galal wa weyn oo xasaasi ah, Midnimada beelaha deegaanka ayaa kala dhantaalan, maamulkii ka dambeeyey ayaana ku baxay si aan filasho hore laga qabin, dad badan ayaa ka gadoodsan hab xukunka hadda socda, Aaden Madooneba aad looma jecla marka ay joogto gudaha deegaanka, tan oo fursad siinaysa dhinaca Shariif Xasan.

Dadka la socda arrimaha KG ayaa sheegaya in kaliya dhinacyada banaanka dagaalamaya ilaa xubnaha siyaasadda Villada ee KG diidan ay ku midoobi karaan in Shariif Xasan halkan hoggaaminteeda qaato, laakiin mid xaqiiq ah waa in ay jiraan caqabado ku horgudban, hayeshee dhinaca Aaden waa looga wanaagsan yahay Midnimada & isku wadka degaanka, sida ay qabaan dadka lsocda arrimahan.

Xildhibaanada qaarkood waxay durba bilaaben in ay caawa dood galiyaan maamulid ilaa hoggaaminta KG oo Aaden Madoobe caynaanka u hayo sida ay u ekenaayso, xasaasiyada qabaa`ilka ayaana sareysa, waana halka cabsida ugu xoogan ay ka dhici karto oo xataa xubnaha JSPda qaarkood ayaa duraya hab hoggaaminta Aaden oo ay kusifeynayaan hoggaamiye lasoo xambaaray amintan.

UGU DAMBEYN: Aaden Madoobe ayaa sheegaya in codadkiisa ay banaanka u yaalaan, dhaartu u dhiman tahay, geedi socodka in loogu soo hiiliyey loona abuuray waa xaqiiqm dhinaca JSPna hadda wey la dhacsan yihiin, balse Hanaanka Is doorashada haddi laga mamnuuco lagalida Telfoonada iyo u sinaanta galaangalka ayaa ka dhiganaanaysa in wax badan isbedeli karaan?>

Faallooyinka (0)

Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.