Wararka
Wararkii u dambeeyey
Daawo Soomaaliya
4 sano ka dib | Birmadaha oo Difaaca Basra ka dagaalamaya “Duulaankii Argagixiso”
Dagaalka Drone-ta Bilowga Madow |Saameynta doorashada, Turkiga iyo Amniga & Falcelinta dalal Deriska
Xamse & Jaamac | Yaa adkaanaya, Talaabooyin la kala qaaday Iyo Is fahamsanaanta
Burburka dhaqaalaha| Maxay dowladdu u dhibsatay hadalka Kheyre?
Laftagareen Vs Xasan Sheikh | Sidee ku dhacday in Koonfur Galbeed lala wareego~Wareysi
Jabkii Raaskambooni Ka dib | XMS oo guluf cusub ku qaadaya JL, Turki Vs US
MW Xasan Sh | Xaggee u socdaa 5 arrimood oo la qorsheeyey.
Isbedelkii Koonfur Galbeed, Xabsigalintii Jen Shub & Xogtii qarsoodiga ahayd?
News · 5 days ago
4 sano ka dib | Xasan Sheikh oo Difaac uga jira 25KM oo Muqdisho ah, Maxaa xaqiiq ah?
MUQDISHO(GAYLAN-MEDIA) - 1,569 maalmood oo u dhiganta 4 sano, 3 bilood iyo 26 maalmood ayuu xukunka Soomaaliya hormuud u yahay Xasan Sheikh Maxamuud mana ah aheyn siyaasi cusub, waaya arag garanaya daruufaha amniga, dhaqaalaha ilaa siyaasadda kala tagsan ee Soomaalidu dhexda uga jirto ayuu isku sifeeyey, imaanshihiisii xukunka ee balanqaadyo waa weyn ayuu sheegay oo ay ku jiraan in 2 sano iyo ka yar looga adkaanayo mushkilada Koonfurta dalka hareysay ee Argagixisada, tirooyinkan ka dib hada wuxuu dhexda uga jiraa mudo xileed lagu muransan yahay sharciyadiisa, Hoggaamiyihii Soomaali Heshiis ah ku galay ole-olaha doorasho maanta meel u jirta 2KM Villa Somalia waxaa kusugan saaxiibadiisii u hiiliyey dharaarihii doorashada oo ay saami qeybsi wadaagan, haddana aysan dabka kala qaadan oo qaarkood ay marayo dhiig leh kala furteen amintii ay ku qabsadeen hoggaamintiisii in ay dhamaatay.
Akhri maqaalka →
News · 10 days ago
Dabin ku dhicidii Horjooge Argagixiso oo Hubka Yemen ka iibin jiray!
SANCA (GAYLAN-MEDIA) - Mareykan ayaa faahfaahin aad u kooban ka bixisey markii u horeysay gantaal nolosha lagu dhaafiyey Yahye Ali Ahmed "Al Zabidi ama Jibril Gacamey" oo lagu eedeeyey in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay xariirka Xuutiga Yemen & kooxaha Argagixiso ee Soomaaliya, 12kii Feb 2026 ayaa lagu dilay Yemen xeebta ku taal meel ka خارج ah Al-Ghaydah. Da'ada 38 jir ayuu ahaa, daaweynta Xoolaha ayuu ka bartay Muqdisho, Hay'ad samafal ayuu maamulay, Dukaan sarifle ah oo lacagaha lagu kala bedelo & shirkad wax soo dajin ayuu sameystay, dhaawacyo hore ayuu qabay taas oo magaciisa Gacamey ay ka timi, Sanca ayay Xuutiga ka siiyeen qasri sareeya, isaga & saaxiibkiisa ay wada direen Argagixisada Ahmed Elmi Samatar oo mar la qabtay Jan 2025kii, haddana Maxaabiis is dhaafsi dhexmaray Xuutiga & dowladda Yemen kusoo baxay.
Akhri maqaalka →
Breaking · 12 days ago
Burburka dhaqaalaha| Maxay dowladdu u dhibsatay hadalka Kheyre?
MUQDISHO (GAYLAN-MEDOA) - Halkan marka la eego waa madaxda dowladda Faderaalka, ka bilow madaxweyne ilaa wasiir wasaaradeed, waxay isku raacsan yihiin oo in ka badan Sanad ay jeedinayaan hadalo tilmaamay in Soomaaliya Caalamka ka quustay oo ka jeensaday, mararka qaarna weero dalan-baabi ah oo aan waaqaca heshiis la aheyn ayey ku tiraabayeen oo ah in Soomaali isku filnaatay, iyadoo albaabkooda ilaalo ka hayaan ciidan Shisheeye oo mushahaarkooda la baadigoobayo, madaxda Soomaalidu waxqabadka ay kuxarakeeyaan waa kan lagu fuliyo gargaarka dibadaha laga helo.
Akhri maqaalka →
Breaking · 15 days ago
KG oo kusugan xaalad halis, digniino Amni & Cabsida DFS
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cadaadis xooggan ku saartay qaar ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee ka taageera la dagaallanka kooxaha argagixisada, gaar ahaan dowladda Turkiga iyo Howlgalka Midowga Afrika (AUSSOM), in dhammaan ciidamada hubaysan ee ku sugan duleedka magaalada Baydhabo loo aqoonsado kooxo argagixiso ah.
Akhri maqaalka →
Breaking · 15 days ago
Xasan Sh oo qorsheeyey 5 Talaabo oo cusub
MUQDISHO ( Geylan- Media) - Himbirirsiga Mustaqbalka uma qurux badna, sida ay Siyaasiinta u labisan yihiin aminta ay qabanayaan shirarka & xafladaha mucaarad ama Muxaafid-ba, kala tagsanaanta waa sii kordhaysaa, kasii rajo dhigida shacabka ee dowladnimada aan wax kucelina kor ayay u socotaa, shacab badana ayaana bilaabay in ay isbarbardhig kusameeyaan kuwa dilaya & siyaasiinta ku laacdamaya korkooda, ciidamada Shisheeye ee amniga koonfurta haya qaaraan loo baadigoobay waa lagu hungoobay, bixidoodana lama qariibsanayo, xaafiisyadii Siyaasadda ee QM waa la xirayaa kahor December sannadkan, Duulimaadyadii EU ilaa UN-kana waa lajoojiyey, Siyaasiintu mahayaan is afgarad siyaasi ah loomana sugayo si sahlan, Midnimadu waa sii kala dhantaalmaysaa ka sokow dooda Somaliland, hadda Kismaayo & Garoowe ayaa ka qanacaya nidaamka dowladnimo aruursan haddana la dagaalamaysa, dalkaas ay daruufahas dul-hoganayaan madaxweyne mudo dhaaf ah ayaa caynaanka u haya, haddana u dhaqmaya sidii Boqor aan talada ka firirsaneyn cidnana la wadaagin go’aanka dambeysta ah, laakiin qolalka xiran ee Shisheeyaha madaxweynuhu ma diidana in lagu canaanan karro, banaankase waa ka dagaalamayaa, sida laga arkay Fagaarihii Kampala.
Akhri maqaalka →
News · 15 days ago
The fight for Survival, Miracles, sacrifice, and the Final collapse of the Almiskaat Terror network
BOSASO (GAYLAN-MEDIA)- If our previous journey was by land and began right here at this airport, today we will once again depart from here, heading to the distant mountains of Baallade and this forward frontline. We will board this plane, God willing, reporting the latest news on the military operation in Puntland against terrorist groups. This small aircraft brought us to a military base on the outskirts of the natural water well of Arabida, part of the Baalade valley, which was recaptured from the terrorist groups just a week before our visit.
Akhri maqaalka →
News · 18 days ago
Dhul-boobka & Xasan Sh | Sidee loo kala reebayaa
Dadka Muqdisho ee u badan maatada aan haysan awood, cod & cid ay u ciirsadaan oo ka difaacda cagafta idman ee dhulalkoodii ay daganayeen fariinka ku goosatay, waxay markale la kulmayaan aafooyin barakicin ah oo uga imaanaysa dowladnimadii ay u mashraxadeen kana sugayeen in ay siiso wax kasta oo ay xaq u lahaayeen oo ay kow u tahay Hoy, amni ilaa waxbarasho, laakiin bedelkeeda waxay helayaan ficil kasta oo arxan darro, kana aradan habdhaqan dowladnimo ilaa kii hoggaamiye kooxeedyadii hubeysanaa, Dhallaanka aan qaangaarka aheyn & wayeelka tabar dhigay ayaa saqdii dhexe ee labadii habeen lasoo dhaafay Muqdisho ay u ahayd dharaaro ka duwan kuwii ay horey u soo maareen, Diyaarado dagaal oo ay Turkidu leeyihiin oo cabsigalin ah, Drone wax basaasa & ciidan dowladeed oo adeegsanaya nooc kasta oo ah hubkii Argagixisada loogu talogalay ayaa lagu fasaxay oo aan looga turin, Sida ay laamaha caafimaadka xaqiijiyeen in ka badan 7 qof oo rayid ah ayaa guryahooda lagu dilay, waayeel ayaa darxumadii iyo naxdintii u naf-baxay qaarna nolol silic ah ayay dariiqyada la jiifaan ilaa maantadan, Sawirkan waa xaqiiqo ka muuqata Muqdisho oo hoggaamiyihii ay u mashraxaday uu abuuray.
Akhri maqaalka →
News · 27 days ago
Mareykanka maxay u doorteen Puntland & Jubbaland!
Siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa gashay waji cusub oo si ba'an u bedelay shaxda awoodda ee Geeska Afrika. In ka badan labatan sanno oo maalgelin bilyano doollar ah, taakulo sirdoon, iyo saadka ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya lasiinayay Washington waxay qaadatay go`aan u muuqda in lagu daalay Muqdisho & taageerada aan dheefta soo celineyn, Malaayiin Dollar oo la bixin jiray ayaana la go`aamiyey in kama dambeys loo joojiyey December 2026-ka, oo aan la sug doonin.
Akhri maqaalka →
News · 27 days ago
Xasan Sheikh | Madaxweyne Jab u joog, Guuldaradiisii PL ilaa JL!
Madaxweynuhu dagaalada hooda kuma leh ama sancana, Dhameystirka galalkana looga firfricoon sida ay saaxiibadiis ku doodaan, waase hadalyaqaan heli og weeraha, marka laga reebo buurashadii Baydhabo oo ay mar u hirgashay, sabab la xariirta in siyaasiinta deegaankaas ay xoog u dhaqaajiyeen damaciisa, haddana maanta qaarkood ayaa caloolyow ka jooga, aan u laabane Puntland & Jubbaland labaduba dharbaaxo isku mid ah ayay kusoo dhufteen doonidisii, lagamana adkaan kaliyee dhammaan hub kasta oo uu bixiyey waa laga qaatay, ciidamo mushahaar loo qorayna in ay dagaal galaan xaqiiqo ahaan waa loo waayay, Xasan Sheikh waa hoggaamiye is rogroga oo galinba cayna sida uu dhawaan ku tiraabay, lamana qariibsado la kulanka dhinacyada jabiya umana arko in tagtadii laga xisaabtamo oo laga hadlo, bilo uun markii looga adkaaday furintii Raskambooni October ee sanadkii tagay hore 2025 ayuu hoyday Axmed Madoobe & magaalada Kismaayo oo halkii jabka u jirta 285KM, xusuusta dagaalkaas ayuu mid yihiin Taswiirahan, taariikhdana ciidanka dowladda ayaa markii ugu horeeysay xuduudaha ka tallaabay una gudbay Kenya, iyagoo magangalyo doon ah waana soo laabashada sawir laga soo kabtay, Madaxweynaha dalal Shisheeye ayuu ka codsaday in ay dhexgalkaas ka shaqeeyaan oo isaga & Axmed Madoobihii jabiyey isku geeyaan, laakiin sidii uu rabay waxba ma noqon. Haddana lagama Tanaasulin xooggii oo Balad xaawo isku qaadkeedii dheef kale ma keenin, Saanad ciidan waa looga furtay HSM labadaas aagba. Hoos u soo dag, Puntland waxaa ka dhacay toddobaadyo ka hore soo afjaridii ciidan uu sheegay in gudaha PL uu ka qortay 1dii July madaxweynuhu, waana laga adkaaday qaarkood ayaa xaduudaha ka talaabay oo wali saldhiganla’a, qaarna Tiiraanyadii ayay walaahow ku jiraan, laakiin kooxda madaxweyne HSM waxay ka shaqeynayaan dib u amaamid la mid ah sidii Baladxaawo loogu yaacay amintii Raskambooni.
Akhri maqaalka →
News · last month
Puntland oo jabisay qorshihii Villa Somalia & 3 dal? Deni oo go'aan cusub qaatay!
Sida aan tabinay bishii June, dowladda Faderaalka waxay lahayd hadafyo cad oo kuwajahan isbedel lagu sameeyo qaab dhismeedka dowladnimada dalka, laga soo bilaabo wax ka bedelkii dastuurka, aragtiyaha madaxweynaha ee la xariira amniga & Siyaasadda ayaa ahaa kuwa kakan oo dhiig-cusub kushubayey in dib u eegis lagu wajaho dhismaha dowlad gobaleedyada dalka, qaar waa lagu duulo, kuwa hoggaanka ayaa laga bedelay si baraxla’a oo siyaasadeed, qeyb ayaa hadd u madlan, Jubbaland & Puntland-se banaanka ayay dhigeen damacyada Villa Somalia waabeeniyeen.
Akhri maqaalka →
3 daqiiqo akhrinAnalysis · last month
3 qodob oo JL & PL aysan hadda Hadda ugala heshiin karin Doorashooyin!
MUQDISHO (GAYLANMEDIA)- Dadaal kasta ayaa socday, xogo hordhac ah oo xasaasi ah ayaa kasoo baxay si aragyada dhinacyada wax badan socda.
Akhri maqaalka →
News · last month
Golle KMG ah | cabsida Villa Somalia, riixista R.Galbeedka & doorka mucaaradka
MUQDISHO(GAYLAN-MEDIA)- Waa laga heshiin waayay hanaanka doorashooyinka dalka, dowladdu waa mudo dhaaf, madaxweynuhu uma joojinayo saaxiibadiisii uu kasoo dhexbaxay maalinkii uu hiilka u baahnaa, oo waa la dagaalamayaa, wasiiradiisa Idman ayaa si cad uga sheegaya warbaahinta tooska ah in ay xooga iyo xabad uga adkaanayaan siyaasiinta ku haysta giraanta doorashada ee ay saami qeybsiga wadaagan ee kula sugan fagaaraha Muqdisho, 2 kulan oo ay dhexdhexaadiyayaal ahaayeen dalalka Shisheeyena kama soo bixin natiijada laga filayey, Hadda dood saameyn aan laga dhuuman karin leh ayaa kudulfuran miisaska siyaasadda, waa in la aado aag lays kugu aamini karro, awoodaha lakala leeyahay & Guddi dhexdhexaad KMG ah oo talada doorasho ilaa siyaasadeed lagu aamini karro, sida Fiinta ayay Villa Somalia uga dhawaaqday go`aankan oo markii 1aad si toos ah golaha Mustaqbalku ay u cadeeyeen oo banaanka ula yimaadeen, iyagoo u diray hoggaamiyayaasha dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo dhammaadka bishan iskugu tagaya Kampala.
Akhri maqaalka →