Skip to main content

Soomaaliya/News

Xasan Sh ma heli doonaa 2 sawir oo uu rabo kahor safarka New York?

MUQDISHO ( GAYLAN MEDIA)- Xil-heynta madaxweyne Xasan Sheikh waa mudo dhaaf aan heshiis siyaasadeedna jirin, Doorashooyinka waa lagu muransan yahay, isku dayo la xariiray in heshiis la gaarana wali ma noqon meelmar kama dambeys ah, Isku jiid-jiidka beesha Caalamka oo aag dhexe yimina markale ayaa laad xor ah lagu durjiyey, Kalsoonida amniga ayaa burburtay ka dib dhacdadii Doolowna waxay bog cusub u furtay nooca sugida amniga madaxda oo ay mucaaradka ku jiraan, taas oo sii adkeysay rajada laga qabi karro in heshiis kama dambeys ah la gunto, dhinaca kale madaxweynuhu 2 todbaad gudahood wuxuu doonayaa haddii daruufaha u saamaxaan u safarka NEW YORK & hadaljeedinta fadhiga golaha loo dhan yahay ee Jamciyada Qaruumaha ka dhaxaysa, waxaa garab socda xaqiiqooyin ay ka mid tahay arrinta Somaliland oo taabanaysa kala qeybsanaanta Soomaaliya, waxaana sii raaca doodaha dhinacyadii federaalka ku mideysanaa oo kala tagsan, hadda madaxweynuhu wuxuu rabaa helida 2 sawir oo muhiim ah, kuwaas oo sida u hirgali karaan aan la aqoonin.

Super Admin·yesterday·3 daqiiqo akhrin2000
Xasan Sh ma heli doonaa 2 sawir oo uu rabo kahor safarka New York?
MUCAARADKIISA oo uu dhexda u fadhiya, Sawir muhiim u ah! Todobaadyo kahor, madaxweyne Xasan Sheikh ayaa taageerayaashiisu ay bilaabaan in ay sheegaan in ay ogol yihiin wada hadal siyaasadeed & heshiis ay ka galaan tubta doorashooyinka mudo dhaafka ah, iyagoo qodobada qaarkood oo ah in la wada hadlo oo horeyba lays kugu raacsanaa uga dhigay dhacdo cusub & tanaasul ay sameeyeen, hayeeshee fahamsanaanta darafyada qaarkood ayaa sareysa ee kasoo horjeeda, sharuudaha miiska wada xaajoodyada lagu tagayo waqtigan ayaa noqda kuwa sareeya oo ay adag tahay in laysku aamino. Wakiilada caalamiga ah oo dhex ku jirka lahaa ayaa gudbiyey qodobo ay u arkayeen in ay fure u noqonayaan Isku imaatinka looga hadlo Doorashooyin loo dhan yahay, deg degna ku dhaca, taas oo ay dowladda Faderaalka aad u baadigoobeyso in ka hor 20ka bishan la soo saaro warsaxaafadeed, Madaxweynuhu wax weyn ayuu u tarayaa la kulanka mucaaradkiisa ay is hayaan, si gaar ah wuxuu u rabaa in ay madasha yimaadaan Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland, tan oo ka dhigan in 2 faa’iidaba uu ka helayo. In safarka New York uu u muuqdo Hoggaamiye intii federaalka isku raacsanayd isku haya oo kala aragti duwanaanshaha doorashada in miiska lagu xaliyo diyaar u yahay, lana kulmaya mucaaradkiisa, tan ma’aha markii 1aad ee madaxweynaha isticmaalayo, Meertada 80aad ee 2025kii ayaa sawirkan helay 25kii August sannadkaas, maalmo uu wada hadalo la lahaa mucaaradkiisa madasha Samatabixinta, wuxuuna xiligaas ku guuleystay in qaar kamid ah madashaas uu safkiisa galiyo, waana Taswiirtii Xasan Sheikh la aaday New York, inkasta oo aysan dhalin faa’iido raandhiis leh haddana waxay ahayd dhiig joojin, markale 7kii u dambeeyey si weyn ayaa loo baadigoobay in la helo sawir cusub mase dhicin ilaa hadda quusna ma jirto. Uma badna in si fudud ay mucaaradka dabinkan ugu dhici karaan,walaw 3 kamid ah garabyada Madasha Samatabixinta ay sheegayaan in ay dow tahay Xasan Sheikh hadda lala kulmo, iyagoo aaminsan in warka dowladdu run yahay, hayeeshee uma muuqdaan in aan horey wax looga baran tagtadii hore, balse Puntland & Jubbaland ayey xubnaha kudhow dhankoodu sheegayaan in ay fahamsan yihiin damaca Villadda oo aysan si fudud u aqbali karin xataa sharuudaha la keenay oo ay sheegayaan in aysan waaqaca heshiis la aheyn, soona korortay hadda galka amniga oo xasaasi, waxayna sheegayaan in dowladdu wali kujirto waqti beeldareyn. Tan 2aad ee ay Villa Somalia u doonayso la kulmida dhinacyadan waa in ay ka dhuumato cadaadis sii kordha ee dhanka caalamiga ah, iyadoo doonaysa in waqti dheeraysi la galiyo magacaabida guddiyada Farsamo ilaa isku imaatino tiro beel ah oo go`aanka cida u dambeysa leh tahay madaxweynaha, iyadoo guddiyada laga dhigo aag farsamo oo aan dan laga lahey, maadaama Villa Somalia ay rabto in bilowga sannadka soo socda la gaaro heshiis doorasho, si ay amintaas ka dib u sii hesho sannad iyo dheeraad mudo kororsi farsamo ah, tan oo ah xeelada weyn ee kulamada soo socda ku dhex jiraysa. SAWIRKII TUUTAHA wali lama hayo! Soomaaliya dagaal ayaa ka furan, laakiin wax badan ayaa isbedelaya hadda, go`aano waa weyn oo qarsoodi wali ka ah bulshada ayaana lagu gaaray meelo ka durugsan miisaska iyo magaalooyinka bilicda leh, Shisheeyuhu kaalmadii dibada waa la baabiyey si buuxda, December sannadkan ayaana u dambeysa taageerada Mareykanka, madaxweynuhu Taswiir 2aad oo uu baadigoobayo waa in markale uu gashado Tuutaha aan duugoobin, lana furo aag dagaal oo ay kamid yihiin goobo ka fog caasumada, waxaa qorsheysan in howlgalka loo bixiyey dagaalka aamusan & kan Isku xirka Jubba isku mar la dhexqaado, loona sameeyo ole-ole warbaahineed oo looga gol leeyahay in la muujiyo sida ay dowladdu ugu jirto dirir dagaal, laakiin dhinaca kale waxaa waji gabax ku ah in Basra oo caasumada u jirta 20KM wax kayar ay rasaastu ka dhacayso, ayna garab socdaan warbixinaha amniga oo walaac galinaya daganaanshaha Koonfurta dalka. Dowladdu waxay rabtaa in ay hesho dhaqaale u buuxin kara halkii Mareykanka u baneeyey & in kulanka soo socda ee UNSC ka yeelanayaan amniga iyo mustaqbalka howlgalka AU ee dalka uu noqdo mid miraha kasoo baxaa dhankeea u wanaagsan, laakiin dooda Washington taala ayaa ah mid aan u wanaagsan Muqdisho, waxayna US doonayaan in xataa codka diidmada qayaxan u adeegsadaan haddii cid kale booska ay baneeyeen isku daydo in ay buuxiso, tan oo dilan kale ah, lama yaqaano Falanqeeyayaasha siyaasadda & amniga ayaa sheegaya in madaxweynaha ku adag tahay in uu kaarkan Tuutaha wax badan taro, iyagoo sabab ka dhigaya in afar sano iyo dheeraad la sheegay magacyo badan, guulo la tabiyey aysan maanta waaqaca ka muuqan, ayna soo korortay khatar hor leh oo la xariirta in kaalmada dibada ee dhinaca amniga hoos u dhacday, lana waayi doono bilo kadib, taas oo soo waariday in xataa Turkida oo ahaa cida kalsoonida galinaysa madaxweynaha ay hadda yabaal amni muujinayso. UGU DAMBEYN, Haddii 2da Taswiirba madaxweynuhu waayo amintan , ayna Mareykanka uga sii horeyso dooda Somaliland oo waaqaca abuuran ah hadda, waxay ka dhigan tahay in safarkan ka bedel doono kii 2025kii , iyadoo ay waliba jiraan in xubno kamid ah kooxda madaxweynuhu ku adkeysanayaan in haddii aan la helin Sawiradan ay meteladaa meertadan 81aad ee isku imaatinka guud u wareejiyaan xubnaha ay dowladdu u dirtay hadda NEW YORK iyo Washignton, kuwaas oo ay isbaacsanayaan wafdiga Cabdiraxmaan Cirro ee ay halkaas u wada joogaan is dacweyntooda.
Wadaag: Twitter Facebook LinkedIn

Faallooyinka (0)

Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.