Skip to main content

Soomaaliya/News

Xamse Vs Golaha Shacabka || Maxaa ka run ah dhaqdhaqaaqa Muqdisho, Dhabarjab!!

MUQDISHO (GAYLAN-MEDIA) - Waa inagii Talaadadii bilashada September faaleynay, is dhakrida u dhaxaysay guddoonka golaha shacabka & Xukuumadda Faderaalka, wax badan ayaa isbedelay 20-leydii maalin ee lasoo dhaafay, Qaraaro ayaa la gaaray, goluhu waxay tureen oo waxba kama jiraan ka dhigeen go`aano Raysalwasaare Xamse shirar jaraa’id ku faahfaahiyey oo taabanayay Shaqaalaha rayidka ah, 4 mashruuc siyaasadeed oo u muuqda kuwa si xoogan loo riixayo ayaa miisaska hadda dulyaala, midi waa Isweydiinta ka dhalatay dhaqaalaha laga goostay Naafada, Howlgalbka & Agoonta ciidamada Xoogga dalka, taas oo aan la aqoonin sharciga lagu goostay & hanaanka lagu maareeyeyba, dad badan waxay bilaabeen in ay wax iska weydiiyaan maxaa naga qarsoon oo socda, Ma Guddoonka golaha ayaa dhiig cusub siyaasadda ku shubaya mise eedihii socod waaga ayaa cid gaar ah loo xambaarinayaa!

Super Admin·4 hours ago·3 daqiiqo akhrin1000
Xamse Vs Golaha Shacabka || Maxaa ka run ah dhaqdhaqaaqa Muqdisho, Dhabarjab!!
MIDEYNTII GOLAHA SHACABKA! Aaden Madoobe afar sano oo uu shirgudoonka golaha joogay Villa Somalia waxaa lagu eedeeyaa in uu uga dhigay meel ay Ansax uun ka hesho, waa baxay Imaanshihii Cabdulqaadir Jaamac oo noqday guddoon cusub ayaana bilowgii aysan mucaaradka aad u dhaleeceyn, shaki ayaana laga muujiyey wax loo arkayay kabuubiso siyaasadeed, sida aan faaleynay 1dii Septemberna Jaamac ayaa durba ku guuleystay in uu xubno la yaqaan oo mucaaradnimadu biya dhigtay kusoo celiyo Fagaaraha golaha oo ay si cad uga hadlaan jihada dalka, tas maaheyn dhacdo iska timi, heshiisyo qarsoodi ah ayaa jiray kuwaas oo hadda muuqashadooda la arkay. Maalmo uun markii mideynta golaha dhacday, RW Xamse oo safar dibada ah kasoo laabtay ayaa 2dii September gurigiisa ku booqday Gudoomiyaha golaha Shacabka, lama shaacin natiijada rasmiga ah ee is aragan kediska ahaa kasoo baxday, xogaha la helayna waxay ahaayeen in qadiyadii wasiirka arrimaha gudaha ahna saami qeybsiga Xamse oo mooshin kayaalay laga hadlay oo lagu heshiiyey in hoos loo xaliyo tabashada xildhibaanada keenay waana laysku raacay, xataa qodobkan mucaaradka qaarkood ayaa diidanaa in la beegsado Hal wasiir. Is riix-riixa dhinacyada waxaa sii shidaaliyey in xubnaha ay saami qeybsi hoosaadka wadaagan Xamse oo mucaaradka ku jira ay ka mid noqdeen wakiilada mucaaradka ee la kulmay Guddoonka cusub oo ay ka wada hadleen in fadhiyada dib loogu laabto, lagana shaqeeyo siyaasad, taasi shaki malehyn in kaliya aan hal dhinac laga xaabsan xisaabta siyaasadeed ee ay jireen go`aan hoos loo gaaray.
Talaabooyin la kala qaaday Todobaadkii u dambeeyey! Ka soo laabashadii Ra’iisulwasaaraha ee dibada ilaa go’aano la gaaray, waxay sii abuurtay kala shakiga dhinacyada in uu kordhayey, 2da dhinacna waxay bilaabeen in ay si hoose iskugu maagaan fadhiyada xiran oo an cidna kor u sheegi karin bareeraheeda, hayeeshee xogo ay heshay Gaylan Media ayaa sheegaya in guddoonka qaarkood ay muujinayaan dhiiranaan ka badan intii laga filan karay dowlad mudo dhaaf wada ah, Tan oo aan la aqoonin doorka madaxweyne Xasan Sheikh. Labo xubnood oo kamid ah guddoonka golaha ayaa si aan war-wareeg laheyn u tarminaya in murugsanaanta siyaasadda Sancadeedu tahay in la abuuro firaaq ay mucaaradka & dowladda ku wada hadli karaan oo iskugu dhawaan karaan, loona helo cid loo arki karro dhexdhexaadin geedi socod u muuqaal e’eg in madaxweyne Xasan Sheikh loo sawirayo raandhiis mudo sii joogid kursiga uu kuheli karro in uu kuraasta lala durjiyo.
QARAARKII AWOOD TIJAABINTA ee XAMSE! 17kii bishan, RW Xamse oo ay hareer joogaan qeybo kamid ah wasiiradiisa ayaa shirkan qabtay,loogana dhawaaqay in si aan dib-u-dhac lahayn loo hirgeliyo hannaanka shaqaalaysiinta iyo magacaabista ku salaysan kartida iyo mudnaanta, tani ma aheyn oo kaliya war kooban, balse dad badan ayaa rumeysan in ay tahay foolkaane dhinacyadii is tuhunsanaa sii kala fogeeyey. Qorshaha cusub ee lashaaciyey, oo ah mid laga soo minguureeyey aragtidii AK-Part Turkiga asalkuna yahay in xubno firfircoon oo kamid ah taageerayaasha madaxda DFS lagu kala dhex firdhiyo Hay’addaha dowladda, loona abuuro boosas ay ku shaqeeyaan, iyadoo diwaanka laga tirayo shaqaale rayid oo horey u joogay, kuwaas oo loo beegsanayo siyaasad ilaa qoondada qabaa`ilka, waxaana lagu eedeeyey in fikirka asalkiisa ay lahaayeen 2 kamid ah wasiirada sheegta in ay yihiin dunta ama xarig isku haya daganaansho siyaasadeedka Madaxweynaha & Ra’iisulwasaaraha. 19kiina warqadan ayaa kasoo baxday Guddiga Shaqaalaha rayidka ah, waxayna sheegeen in ay fulinayaan amarka wasiirka 1aad, 20kiina wasiirka Caafimaadka ayaa amray in wasaaradiisa lagu bilaabayo, Laakiin wax kastaba wey isbedeleen, go`aankii Xamsena wuxuu la kulmay dharbaaxo aan gabasho laheyn oo uga timi dhinaca guddoonka golaha Shacabka.
IS MUUJINTII GUDDOONKA BFS! 20kii bisha go`aan aan u wanaagsaneyn mashruuca uu RW Xamse kudhawaaqay ayaa kasoo baxay guddiga Horumarinta Adeegga ee golaha Shacabka, waxaana si rasmi ah loogu sheegay in lahakiyey doonista xukuumadda ee wax ka bedelada shaqaalaha rayidka & aadida jihadaas, waxaana lagu sheegay go`aanka guddiga in uusan Ra’iisulwasaaraha, wasiiraddiisa & Hay’addaha Shaqaaluhuba fulin karin go`aan sees sharci haysan oo aan la aqbali karin, waxay ahayd dharbaaxadii koowaad ee kudhacday dhabanka xukuumadda. Guddiga golaha ayaa ku dooday in uusanba jirin xeerka Guddiga Shaqaalaha rayidka ah dibu habeyna aan la gali karin, iyadoo aysan dhisneyn tiirarkii laga duuli lahaa, waana halka laga arkay bilowga is wajihida dhinacyada & go’aano loo qaatay qaab xeelad lagu dhexgalayo shaqaalaha dowladda. Dadaalo ayay bilaabeen dhinacyo kale duwan oo ay ku jiraan kooxda la baxday wasiiradda Idman & xataa wasiiro ay saami qeybsi wadaagaan Ra’iisulwasaare Xamse, iyadoo lala hadlay dhinaca gudoomiyaha golaha Shacabka Cabdulqaadir Jaamac, nuxurkoodana ahaa in aan la burin go`aanka Raysalwasaaraha oo aan laga hor imaanin, wax kastase waa lagu heshiin waayey.
DHARBAAXADII ku dhacday XUKUUMADDA! Maalin uun markii uu Xamse Barre u sheegay warbaahinta DAWAN in uu yahay mulkiile oo uu madaxweynaha dowladda la wadaago oo uusan la mid aheyn xubnihii kursiga uga horeeyey, uuna sugayey in la fuliyo go`aankiisii shirka jaraa’id ku sheegay, meelmarna ka dhigo ajendaha la xariira Shaqaaleynsiin cusub iyo jagooyin la geysto xubno dowladda taageersan,taasi waxay noqotay dhalanteed ay kasii dhalatay bilowga furin dagaal oo cusub, aana la aqoonin sida loo maareynayo, 22kii bishan guddiga Adeega Horumarnta ee BFS ayaa u yeeray wasiirka Shaqada & Gudoomiyaha Shaqaalaha rayidka ah, waxayna amreen in aan sinaba loo fulin karin go`aanka xukuumadda, aana wax ka bedel lagu dhici karin, iyagoo guddiga xubnahan handaday, 2 maalin ka dibna codeyn ayaa la galay si loogu quus-gooyo go`aanka Xamse, kala jiidasho ayaa laysku dayay in la sameeyo xubno ayaa fadhiga ka baaqday, hayeeshee 136 mudane baarlamaan ayaa diiday in la dhaqangaliyo go`aanka Ra’iisulwasaaraha, waxayna sheegeen in aanu sharci aheyn Door-soocashada ka timi XFS. 24 saacadood oo kale oo loolan ah ayaa la aaday lana xariirtay in aan go`aan qaraar ah lagu daabicin Faafinta rasmiga ah ee golaha shacabka, kaliyana uu intas lagu ekeaayo is aragyada dhinacyada, Xubno wasiiro ilaa xildhibaano ah oo la qoondo ah RW Xamse Cabdi Barre ayaa u tagay guddoonka golaha shacabka, balse waa lagu guuldareystay in laga baaqsado shaacinta qaraarkii golaha waana lasii daayey, saacado ka dibna Xaafiiska Hanti Dhawrka guud ayaa digniin adag siiyey guddiga Shaqaalaha rayidka, iyadoo la faray dhaqangalinta go`aanada sharciga ah uun.
Maxaa socda hadda! Fadeexad ka dhalatay nooca loo go’aamiyey ka jarida 6,000 oo qof xaquuqda ay helayaan Agoonta, Naafada & askarta Howlgabka ah ee ciidamada xoogga dalka ayaa taagan, guddiga Difaaca ee golaha Shacabka ayaa u yeeray wasiirka gaashaandhiga & Taliyaha Xoogga 4ta bisha October, kahor Isniinta oo berri ah cabsi ayaa laga qabaa in golaha ay hareyso qadiyadan oo ay xildhibaanada badankood isku raacsan yihiin, waana halka akhrin doono nooca jihada siyaasadda ee guddoonka golaah u socoto. Haddii la fasaxo doodaha qodobkan la xariira oo guddoonka Ogolaado waxay ka dhignaanaysaa in Xukuumadda lagu maqan yahay, dagaalka laysku bareeray, food-saarkana laga soo hoos baxay taas oo ay koox kasta dhinaceeda kuqasbanaanayso in ay is difaacdo, waana halka looga baahan doono mawqifka Xasan Sheikh oo si deg deg ah uga soo laabtay New York, isagoo aadi lahaa Washington. ISKU AWOOD SHEGASHO! Hadda go`aankii RW Xamse ayaa waxba kama jiraan laga soo qaaday, iyadoo talaabada uu shidaaliyey guddoomiyaha golaha Shacabka Cabdulqaadir Max’ed Jaamac oo koox hoosaadkiisu ay si cad u shegaan in la joogo waqtigii saaxada siyaasadda la furi lahaa, ayna tahay in xukuumadda bedel lagu sameeyo, hadda Sheeda ayaa laga eegayaa laacdanka 2da dhinac halka u uku dambeynayo. Hayeshee, tan la hubo waa in is qaadasho dambe oo niyadsami ah aan laga filan karin 2da darafba! MADAXWEYNE, Xaggee jiraa Talaabooyinkee qaaday, maxaase laga filan karaa!
Wadaag: Twitter Facebook LinkedIn

Faallooyinka (0)

Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.