Golaha Shacabka oo fadhi deg deg ah ugu yeeray wasiirka Difaaca
Muqdisho (GAYLAN-MEDIA)- Sida ku cad warqada ay qoreen Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka oo ay heshay Gaylan Media, waxaa loo yeeray Wasiirka Gaashaandhigga XFS Axmed Macalin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, in ay hortagaan guddiga si ay uga jawaabaan cabasho ku saabsan 6,000 oo askari hawlgab, naafo iyo qoysaskii askartii dhimatay oo la sheegay in laga jaray xuquuqdoodii.
Xubnaha waxaa loo qabtay in ay hortagaan Guddiga Difaaca 4-ta Oktoobar 2026, saacadda 11:00AM, guddigu wuxuu sheegay in jarista lacagaha lagu sameeyay iyadoo aan la marin habraac cad, iyadoo qaar ka mid ah dadka ay cabashadu khusayso lagu sheegay in laga dhimay 50% xuquuqdoodii.
Faallooyinka (0)
Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.