Skip to main content

Soomaaliya/News

Dabin ku dhicidii Horjooge Argagixiso oo Hubka Yemen ka iibin jiray!

SANCA (GAYLAN-MEDIA) - Mareykan ayaa faahfaahin aad u kooban ka bixisey markii u horeysay gantaal nolosha lagu dhaafiyey Yahye Ali Ahmed "Al Zabidi ama Jibril Gacamey" oo lagu eedeeyey in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay xariirka Xuutiga Yemen & kooxaha Argagixiso ee Soomaaliya, 12kii Feb 2026 ayaa lagu dilay Yemen xeebta ku taal meel ka خارج ah Al-Ghaydah. Da'ada 38 jir ayuu ahaa, daaweynta Xoolaha ayuu ka bartay Muqdisho, Hay'ad samafal ayuu maamulay, Dukaan sarifle ah oo lacagaha lagu kala bedelo & shirkad wax soo dajin ayuu sameystay, dhaawacyo hore ayuu qabay taas oo magaciisa Gacamey ay ka timi, Sanca ayay Xuutiga ka siiyeen qasri sareeya, isaga & saaxiibkiisa ay wada direen Argagixisada Ahmed Elmi Samatar oo mar la qabtay Jan 2025kii, haddana Maxaabiis is dhaafsi dhexmaray Xuutiga & dowladda Yemen kusoo baxay.

Super Admin·10 days ago·3 daqiiqo akhrin7000
Dabin ku dhicidii Horjooge Argagixiso oo Hubka Yemen ka iibin jiray!
Samatar wuxuu shaqada isku xirka 2da dhinac ku wareejiyey Jibril, isagoo noqday dulaale dhaqaale badan sameeya & saaxiib kooxaha Argagixiso hubka casriga ah uga iibiya Xuutiga oo iyana dhankooda baadigoobayey helitaanka gabaad cusub, sida lagu xusay warbixin Mareykanka la wadaagen Wargeyska WSJ. Jibril wuxuu sameystay Baasaboor Yemeni ah oo been abuur ah, 3 jeer ayuu ka badbaaday gacanta Hay'addaha amniga Soomaaliya, si farshaxan leh ayuu dabagalo lagu sameeyey uga dhuuntay, sawirkiisa oo aan si baraxla'a loo haynin ayaana keentay in uu 2 goor isticmaalo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo xataa tagay mid kamid ah dalalka xulufada ah la ah Soomaaliya ee horumarsan lamana qaban. DABIN Ku dhicidii nolosha dhaafisay! Si kastoo isku ilaaliyey ninkan la baadigoobayay, sheekada xiisaha leh waa in bishii October 2025-kii nin ay hubka ay wada iibin jireen, saaxiibna noqdeen ama aaminay uu u keenay, isna baray Haweenay magaceeda lagu sheegay Budoor Murshid oo dhalatay Yemen, Gacamay ayaana guursaday xili lagu sheegay 4 bil ka hor dhimashadiisa, galabnimadii 12kii Feb Jibriil & afadiisa cusub ee Budoor ayaa baabuur noociisu yahay Toyota Corolla ah ka qaatay hoy ay si KMG ah u deganayeen ka dibna u tamashle tagay xeebta Al-Ghaydah, iyagoo ku jira maalmaha farxadooda. Hayeeshee telfoonka Haweenayda Budoor ayaa si deg deg ah usoo dhacay, Iyana gaariga ayay ka dagtay si ay uga jawaabto telfoonka, daqiiqado ka dibna gantaalka ayaa ku dhacay Jibriil & baabuurkiisii, halkaas oo ay noloshii horjoogahan muhiimka ah kusoo dhamaatay. Haweenaydan Budoor weerarka wey ka badbaaday, waxaana goobta isla markiiba ka kaxeeyey saaxiibkeedii baray Jibriil Gacamey, taas oo ah sheekada xiisaha leh. Wargeyska The Wall Street Journal ayaa sheegay in ay USA baadigoobayso haweeneydan.
Wadaag: Twitter Facebook LinkedIn

Faallooyinka (0)

Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.