Burburka dhaqaalaha| Maxay dowladdu u dhibsatay hadalka Kheyre?
MUQDISHO (GAYLAN-MEDOA) - Halkan marka la eego waa madaxda dowladda Faderaalka, ka bilow madaxweyne ilaa wasiir wasaaradeed, waxay isku raacsan yihiin oo in ka badan Sanad ay jeedinayaan hadalo tilmaamay in Soomaaliya Caalamka ka quustay oo ka jeensaday, mararka qaarna weero dalan-baabi ah oo aan waaqaca heshiis la aheyn ayey ku tiraabayeen oo ah in Soomaali isku filnaatay, iyadoo albaabkooda ilaalo ka hayaan ciidan Shisheeye oo mushahaarkooda la baadigoobayo, madaxda Soomaalidu waxqabadka ay kuxarakeeyaan waa kan lagu fuliyo gargaarka dibadaha laga helo.
halkan ila dhugo’o Dunidu wey isbedelaysaa dhaqaale kastana waa la joojiyey, Tani waa Mareykanka oo ahaa deeq bixiyaha weyn, haddase meesha ayuu ka saary kaalmadii Hay’addaha amniga ee DFS ilaa Tan ciidanka Shisheeye lagu biilayay lama cafin oo waa la joojinayaa wixii ka dambeeya December sannadkan, Kuwani waa ciidanka DANAB oo US dhistay tababar, oo Mushahaar, Shidaal ilaa Sahay milateri oo ay ka heli jirtay meesha laga saaray sabab la xariira Lunsasho & musuqmaasuq baahsan oo la dhexgaliyey gasiinka ilaa shidaalka baabuurka oo la leexsaday.
Hadda Villa Soomaaliya waxay iskaga daba dirtay dalalka Carabta wakiilo ilaa madaxda u sareysa fulinta si ay qaaraan dhaqaale loogu baadigoobo in ka badan 4,500 askari oo katirsan ciidamada Shisheeye, gaar ahaana Uganda, kuwaas oo loogu talogalay haynta amniga garoonka Muqdisho oo ah isha ugu weyn ee dowladnimada Faderaalka.
Lama hayo wali lacagta cid balan-qaada, laakiin dhaqaale kooban oo aysan Uganda aqbaleyn ayaa la ishaaray, Tan waxay xaqiiqo ka dhigaysaa halka dhaqaalaha dalka & karaanka dowladnimaduba ay taagan tahay, oo haddii October 2023kii madaxweynuhu balanqaaday in Askariga u dambeeya Shisheeye baxayo Dec 2024-ka, haddana 2 sano oo dheeraad ah ayuu isla madaxweyne Xasan Sheikh dalbanayaa.
Aan ka dagno halkan.
2 todobaad iyo dheeraad ka hor, Xasan Cali Kheyre oo horey u soo noqday Ra’iisulwasaare, si dhawna ula socda jaantusyada isbedelada dhaqaalaha iyo siyaasadda dalka ayaa tilmaamay fashilka dhinaca maareynta dhaqaalaha ee dunida laga helo ilaa sida Soomaalida looga jeensanayo, 13 daqiiqo oo taabanaya qalfoofka ama karaanka Soomaaliya ee ka faa’iideysiga kaalmada Shisheeye oo uu jeediyey Kheyre uma aheyn oo kaliya weero,Madaxweyne Xasna Sheikh wuu ka carooday, wuxuuna kuqasbay Hay’addaha dowladda in ay jawaab-bixiyaan, iyadoo xitaa la aaday in la abuuro Bangiga Aduunka fariin laga helo.
Maxaa run ah ka sokow Is eedeynta!
DOWLADU SAGXADA!
Soomaaliya, waxay waayi doontaa dhaqaale xoogan oo ay heli lahayd, sidoo kale karaanka ay u leedahay meelmarinta mashaariicaha ayaa hooseyn doonta, Sida uu kal hore qiray wasiirka maaliyada XFS $600M ilaa 450M oo dollar ayaan la heli doonin, inkasta oo Madaxda sare dhibsatay oo dhab tahay, haddana waa xaqiiqo aan wax ka qabasho malehyn.
Waa xaqiiq ma doonto Soomaaliya waxay waayi doonaan Malaayiin Dollar oo kaalmo Shisheeye ahayd, deeq bixiyaasha oo rer galbeedka aha ayaana ka jeesanaya, duniduna wey isbedelaysaa, tan waa dhab ay xataa qirsan yihiin madaxda sare, laakiin bedelka lama hayo qorsheyn Qaran & karaan Soomaalidu uga badbaadayso halista ka dhalanaysa.
BANGIGA ADUUNKA & SOOMAALIYA!
Halkan ila dhugo’o tani 48 bog, waana warbixintii u dambeysay ee Bangiga Aduunka kasoo saaro dhaqaalaha Soomaaliya, waxaa ka muuqda xaalado is huwan oo tilmaamaya gabi dhacleynta, karaan la`aanta iyo halista mustaqbalka ee Soomaaliya, iyadoo waliba aan lagu darin dowlad mudo dhaaf iyo habdhaqanada lagu yaqaano.
Warbixintii xaaladda dhaqaalaha Soomaaliya ee Bangiga Adduunka, ee la daabacay May 2026, ayaa sidoo kale tilmaamaysa hoos u dhac ku yimid kobaca dhaqaalaha dalka.
Sida ku cad Jaantusyada, kobaca GDP-ga Soomaaliya wuxuu 2024-kii ahaa 4.1 boqolkiiba, halka uu 2025-kii hoos ugu dhacay 3.0 boqolkiiba, iyado lafilayo 2026-kana kasii hoos, waana hubanti la’aan lagu sii kabay marxaladda siyaasadda oo aan daganaansho haysan, sida lagu xusay bogagga 2-aad iyo 16-aad ee warbixinta Bangiga Adduunka.
Hoos u dhaca weyn ayaa ku yimi awoodda wax-iibsiga shacabka (2024kii wuxuu gaaray $8.8% laakiin 2025kii wuxuu hoobtay ilaa $3.0%, tani waa aafo weyn oo dhaqaale) wuxuu si burburinayaa oo dhimayaa dakhliga soogala ganacsiga yar yar, iyadoo qiimaha Nolosha ama sicir bararka uu kor u kacayo, sidaas waxaa shaaciyey Bangiga Aduunka.
BANGIYADA IYO MAALGASHIGA
Warbixinta Bangiga Adduunka waxay sidoo kale soo bandhigtay isbeddello ka jira nidaamka bangiyada Soomaaliya, Lacagta caddaanka ah ee bangiyadu hayaan ayaa hoos uga dhacday heerkii ay joogtay 2024-kii, iyadoo warbixintu tilmaamayso in saamigeedu uu ka soo dhacay 40% boqolkiiba 2024-kii ilaa 35 boqolkiiba 2025-kii, dhul-boobka lacagaha la saarayo qiimo la’aanta aaga ugu muhiimsan ee dhaqaalaha ayaa muujinaya xaalad anfariir ah, mase jecla dowladda Faderaalka.
Subax kasta cagafta ayaa soconaysa, Madaxweynaha ayaa toos mar kasta loogu tuhmaa dhul-boobka, sida ay mucaarad ilaa shacab ku eedeeyaan, hadda dhulka oo ahaa halka lacagta adag lagaliyo ayaa laga cararay, waana qiimo belay, taas oo dhaqaalaha dalka toos u saameynaysa.
KHATARTA CUSUB!
Sida aan tabinay September 2025-kii, burbur dhaqaale iyo musiibo aamusan ayaa kusocotay dhaqaalaha dalka, waana lacagaha xad dhaafka ah ee ay xataa madaxda dowladu banaanka u saarayaan waxay bixinaysaa khatar hor leh oo taabanaysa dhaqaalaha & karaanka wax iibsiga ee hoos u dhacaya, dhanka kale, bangiyada ayaa wali doorbidaya inay haystaan qayb ka mid ah lacagaha cadaanka ah, halkii ay si ballaaran ugu bixin lahaayeen deymaha, taas oo muujinaysa in doorkooda ku aaddan maalgelinta iyo kobcinta dhaqaalaha dalka uu hoos u socda, horeyna u ahaa mid xadidan, cabsida laga qabo soo laabasho la’aanta awgeed.
Tani waxay sababtay in Maalgelintii bangiyadu sameynayeen ay hoos u dhacday, 30% ayay ahayd 2024-kii, halka 2025-kii hoos ugu dhacay 14%, sida ku xusan xogta Bangiga Aduunka,bogga 7-aad.
MASHARIICAHA & ISTICMAALKOODA!!
Soomaaliya waa kaalmo kunool deeqaha Shisheeye & mashaariicaha lagu fuliyo ayaana ah kuwa kaliya ee foolaadka noqda, marka laga reebo mashruucyada isku tashiga ee inta badan laga fuliyo Puntland oo horyaal dhinacan Soomaalida uga ah, hadda Kartida wasaaraddaha Mashaariica dibada maamula, is heysiga Siyaasiga ah ee kala tagsanaanta hoggaamiyaasha 2da heer iyo dunida oo quus joogta ayaa muujinaya sawir ka duwan kii 5tii sanno ee lasoo dhaafay.
2025-kii, Lacagaha Mashaariicda in lagu fuliyo ee loo qorsheeyey Soomaaliya waxaa laga isticmaalay 24%, halka 76% lacagahaas aan la isticmaalin oo mashaariicda la fulin waayay, sababo ay folaad u yihiin karaan la'aan & is khilaafka dhinacyada ee DG & DF, sidoo kale sannadkan dhammaadka kusii dhow ee 2026-ka, kaliya waxaa la isticmaalay 29.4% , iyadoo 71% wali aan lataaban, ayna soo korortay mudo xileed la'aanta & muranka siyaasiga ah.
DOWLAD MADAX KA NOOL AH!
Soomaaliya, laguma doorto shaqsiyaadka shaqooyinka qabanay kartida iyo aqoonta, masuuliyiinta dowladda qaarkood Hay’addaha dhaqaalaha duunka ayaa horey u soo diiday la shaqeyntooda, laakiin cadaadisyo madaxda sare ah awgeed ayaa lagu aqbalay si sharuudo wadata, ilaa haddana ay kuraasta ku joogaan, laakiin dhacdo kale oo jirta waa karaanka masuuliyiinta wasaaraddaha foolaadka ah, helitaan la'aanta heshiis siyaasadeed & mudo xileedka oo sii dhamaanaya, siyaasiinta mucaaradka ayaana ku doodaya in xulashada wasaaradadha ee shaqsiyaad daacad u ah damaca madaxweynaha ay Soomaaliya dhaxalsiinayso in ay Malaayiin Dollar oo mashaariic lagalin lahaa lagala laabto, iyadoo aan laisticmaalin.
UGU DAMBEYN: Lacagihii mashaariicaha lagu fulin jiray hadda majiri doonaan gabaabsigooda ayaana sii waraaqi doona ugu badnaan 24ka bilood ee soo socda, dowladdu waa mudo dhaaf oo cabsida la qabo waa in Octoberba la waayo Kabka miisaaniyada ee la sugayo, Tan waxay ka dhignaanaysaa 2 geeriyood.
Faallooyinka (0)
Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.