Skip to main content

Qaybta

Wararka

Burburka dhaqaalaha| Maxay dowladdu u dhibsatay hadalka Kheyre?3 daqiiqo akhrin

Breaking · 12 days ago

Burburka dhaqaalaha| Maxay dowladdu u dhibsatay hadalka Kheyre?

MUQDISHO (GAYLAN-MEDOA) - Halkan marka la eego waa madaxda dowladda Faderaalka, ka bilow madaxweyne ilaa wasiir wasaaradeed, waxay isku raacsan yihiin oo in ka badan Sanad ay jeedinayaan hadalo tilmaamay in Soomaaliya Caalamka ka quustay oo ka jeensaday, mararka qaarna weero dalan-baabi ah oo aan waaqaca heshiis la aheyn ayey ku tiraabayeen oo ah in Soomaali isku filnaatay, iyadoo albaabkooda ilaalo ka hayaan ciidan Shisheeye oo mushahaarkooda la baadigoobayo, madaxda Soomaalidu waxqabadka ay kuxarakeeyaan waa kan lagu fuliyo gargaarka dibadaha laga helo.

Akhri maqaalka →

KG oo kusugan xaalad halis, digniino Amni & Cabsida DFS3 daqiiqo akhrin

Breaking · 15 days ago

KG oo kusugan xaalad halis, digniino Amni & Cabsida DFS

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cadaadis xooggan ku saartay qaar ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee ka taageera la dagaallanka kooxaha argagixisada, gaar ahaan dowladda Turkiga iyo Howlgalka Midowga Afrika (AUSSOM), in dhammaan ciidamada hubaysan ee ku sugan duleedka magaalada Baydhabo loo aqoonsado kooxo argagixiso ah.

Akhri maqaalka →

Xasan Sh oo qorsheeyey 5 Talaabo oo cusub3 daqiiqo akhrin

Breaking · 15 days ago

Xasan Sh oo qorsheeyey 5 Talaabo oo cusub

MUQDISHO ( Geylan- Media) - Himbirirsiga Mustaqbalka uma qurux badna, sida ay Siyaasiinta u labisan yihiin aminta ay qabanayaan shirarka & xafladaha mucaarad ama Muxaafid-ba, kala tagsanaanta waa sii kordhaysaa, kasii rajo dhigida shacabka ee dowladnimada aan wax kucelina kor ayay u socotaa, shacab badana ayaana bilaabay in ay isbarbardhig kusameeyaan kuwa dilaya & siyaasiinta ku laacdamaya korkooda, ciidamada Shisheeye ee amniga koonfurta haya qaaraan loo baadigoobay waa lagu hungoobay, bixidoodana lama qariibsanayo, xaafiisyadii Siyaasadda ee QM waa la xirayaa kahor December sannadkan, Duulimaadyadii EU ilaa UN-kana waa lajoojiyey, Siyaasiintu mahayaan is afgarad siyaasi ah loomana sugayo si sahlan, Midnimadu waa sii kala dhantaalmaysaa ka sokow dooda Somaliland, hadda Kismaayo & Garoowe ayaa ka qanacaya nidaamka dowladnimo aruursan haddana la dagaalamaysa, dalkaas ay daruufahas dul-hoganayaan madaxweyne mudo dhaaf ah ayaa caynaanka u haya, haddana u dhaqmaya sidii Boqor aan talada ka firirsaneyn cidnana la wadaagin go’aanka dambeysta ah, laakiin qolalka xiran ee Shisheeyaha madaxweynuhu ma diidana in lagu canaanan karro, banaankase waa ka dagaalamayaa, sida laga arkay Fagaarihii Kampala.

Akhri maqaalka →