KG oo kusugan xaalad halis, digniino Amni & Cabsida DFS
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cadaadis xooggan ku saartay qaar ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee ka taageera la dagaallanka kooxaha argagixisada, gaar ahaan dowladda Turkiga iyo Howlgalka Midowga Afrika (AUSSOM), in dhammaan ciidamada hubaysan ee ku sugan duleedka magaalada Baydhabo loo aqoonsado kooxo argagixiso ah.
La-socoshada Amniga, sidoo kale waxaa lagu amray in AUSSOM ay si joogto ah ula socoto xaaladdaha isbedelaya ee aagan Baydhabo,kana bixiso warbixino joogtooobe, iyadoo xogaha la helayo ay tilmaamayaan in culeys ballaaran oo dhanka amniga ah uu saaran yahay ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan gudaha Baydhabo.
Dukumiinti ka soo baxay xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa oo loo gudbiyay howlgalka AUSSOM ayaa lagu oggolaaday in taageero buuxda lagu siiyo Dowladda Federaalka hawlgallada ciidan ee ka socda maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan agagaarka Baydhabo.
AUSSOM waxaa loo siiyay awood ay ku taageerto DFS hawlgallada amniga ee ka socda duleedka Baydhabo, Hayeeshee dhinaca kale waxaa la amray in howlgalku dhawro dhexdhexaadnimada siyaasadeed, lagana fogaado khilaafaadka ka dhex jira dhinacyada Soomaalida.
La-socoshada Amniga, sidoo kale waxaa lagu amray in AUSSOM ay si joogto ah ula socoto xaaladdaha isbedelaya ee aagan Baydhabo,kana bixiso warbixino joogto ah.
Talaabadan ayaa ka dambeysay, markii ay dhawaan ka dhaceen Baydhabo dagaal hubeysan oo ciidanka dowladda khasaare kasoo gaaray, iyadoo Koonfur Galbeed iyo Dowladda Faderaalka ay si wadajir ah u shaaciyeen in ay kooxaha Argagixiso & ciidamo taabacsan madaxweynihii Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen wadajir u weerareen xarumaha magaalada.
Dowladda Faderaalka ayaa maamulkan ku duushay, lana wareegtay markii ay is qabteen Cabdicasiis Laftagareen oo kal hore u sheegay Gaylan Media in uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee deegaanka, xili uu wareysi siinayay, wuxuuna ku sifeeyey talaabada la qaaday mid sharci darro ah.
Sidoo kale, taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Soomaaliya Jen, Mahad Cabdiraxmaan “Shub” ahaana Sodoga Laftagareen oo la hadlay Gaylan Media ayaa si cad u sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in Baydhabo ay kujirto gacanta dowladda Faderaalka oo aysan kaligood ahaanayn deegaan amarada DFS laga fuliyo, isagoo tilmaamay in Puntland, Jubbaland & Somaliland ay kal hore iska diideen ficilada Faderaalka.
Faallooyinka (0)
Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.