Safarka Cirro ee US, garabka Tel Aviv & Dagaalka Villa Somalia
NEW YORK(GAYLAN-MEDIA)- 10ka maalin ee nagu soo wajahan indhaha daneeyayaasha siyaasadda Geeska Afrika ayaa ku sii jeeda kulamo ad adag oo ka dhacaya Washington iyo New York, waxaa kuwada sugan Soomaali is dacweynaysa oo qabta Tabashooyin gaarsiisan in 2 dal la kala noqda, dhexdooda ku dhiiran waayey hab u hadal, waaqacana ka durugsan, Dowladda Faderaalka Soomaaliya & Madaxweynaha Somaliland waa labo dhinacle weerar iyo weerarcelis ah, dhinac kasta tan uu riixayo waxay dhib daraf kale, iyadoo ay tahay dagaal diblumaasiyaadeed oo jiif iyo joogba laga tagi doono, waana amin halis badan abuuraysa taabanaysa sadex gal ee isku sidkan oo ah midnimada, dhaqaalaha & Amniga Soomaaliya, gufaacana kusii deynaya 2da gobal ee isku daruufta noqday ee Barriga Dhexe & Geeska Afrika.
Fagaaraha koowaad ee lagu loolamayo ee Washignton 2da dhinacba waa joogaan, dowladda Faderaalka, waxay rabtaa in wafdiga Ciro aysan cidna arkin, la qaabilin kuna hungoobaan damacooda ah in ay arkaan masuuliyiinta ugu sareysa dowladda 1aad ee aduunka xiligan ugu hubka badan, sidoo kale SL waxay rabaan in ay xaqiijiyaan hadafka u yimaadeen helaana maxsuul ay dib ugu laaban karaan Hargiesa oo wax u goyn kara.
1- Cirro & Isbeddelka Istaraateejiyadda Hargeysa
Madaxweynaha SL, wuxuu ka degay magaalada Washington, tani waxay burisay warbaahinta dowladda Faderaalka & taageeryashadeeda oo dhawaan sheegay in wafdiga Somaliland loo diiday dal kugalka Mareykanka markii ay tageen mid kamid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya, sida ay sheegeen SL wafdigoodu waxay joogayaan 2 todobaad cariga mareykanka, waa socdaalkii Ciro kutagayo Mareykanka, isagoo madaxweyne ah & Somaliland oo heshay Aqoonsiga Isreal oo dhib iyo dheefba u wada aburay dhinaca Hargeisa.
In halkan la keenay Cabdiraxmaan Ciro & wafdigiisa kama shaqeynin oo kaliya dhinacooda sida ay xaqiijinayaan ilowareedyo gobalka ah iyo dhanka dowladda Faderaalka, kasokow xulufada ISreal waxaa wehliya diblumaasiin Mareykan ah oo ku dhow Trump, kuwaas oo sheegaya in loo baahan yahay in danta Mareykanka la eego oo xooga lagaliyo xariir lalayeesho Somaliland, halkan ayaana ah goobta asaliga ah ee lagu dagaalami doono.
Taariikh ahaan, Hargeysa waxa ay horey Mareykanka ugu dirtay 5 Madaxweyne oo kala ah Cigaal, Rayaale.Siilaanyo iyo Muuse Biixi), Hayeeshee, halka uu Cirro kaga duwan yahay madaxdii hore ayaa ah in uu maanta garabka ku haysto xulufo adag oo ah Israel, awooddii aqoonsiga siisay Somaliland loogu sameeyay waddo cusub oo loo marayo Mareykanka.
Yey dirtay MUQDISHO?
Soomaaliya, waxaa dirtay xubno uu hogaaminayo RW kuxigeenka XFS Saalax Jaamac oo ay qoondo wadaag yihiin Cabdiraxmaan Cirro, dhinaca Faderaalkana Midnimo kumetelaya, hayeeshee aaminsan xaquuqda ay dadkiisu leeyihiin in ay katashadaan ayaahoda dambe, taas oo uu uga sheegan yahay xubnaha kasoo jeeda Puntland oo horey u raacay damaca 2 dowladood & HSM ee ahaa in la burburiyo nidaamka deegaankooda nabaddana lakala dhantaalo, sidoo kale madaxweyne HSM ayaa ku lamaaniyay Saalax wasiiru dowlaha Idman ee arimaha dibada Cali Cumar Balcad oo kamid ah qoondada nidaamka 4.5 ee beesha madaxweynaha.
Dadaalka dowladda Faderaalku waa in wafuuda SL aysan cidna arkin, waxba u hirgalin, lagana soo saaro Mareykanka, lana sii adkeeyo in Siyaasadda arrimaha dibada US ay tahay mid ixtiraamaysa madax banaanida Dhul & dad’eed ee JFS, taas oo ay DF jid kasta u qaadayso, waxaa qadar lacageed oo ka badan Nus Malyan Dollar la siiyey Shirkado kashaqeeya Ole-oleynta oo yoolkooda yahay sidii ay fursad kasta oo SL hesho u burburin lahaayeen.
2. Galka Qarsoon ee miiska yaala, maxaa la kala doonayaa!
2da dhinacba doodahooda waa banaanyaal aan qarsoodi aheyn. Hargeysa hadda uma ordayso in ay hesho Aqoonsi Mareykanka ah, lamana filayo haddii aysan dhicin mucjisooyin siyaasadeed oo cayn-wareeg ah,balse mid ka culus kana saameyn badan doonta oo abuuraysa dagaal aan dhammaad laheyn waa in ay dhacaan kulamo heer sare ah oo Cabdiraxmaan Ciro & wafdigiisu layeeshaan xubno la yaqaano oo katirsan Xukuumadda Trump ama dadka aadka ugu dhow ee go`aanadiisa saameynta kuleh.
Trump wuxuu horey bilowgii sannadkan in arrinta Somaliland ay miiskiisa gaartay oo saaran tahay, si dhug lehna ay u darsayaan, wafuud Mareykan ayaa iskaga dabalaabtay Somaliland 10kii bilood ee na dhaafay, xaggasha amniga & dhaqaalaha ayaana diirada la saaray, taas oo abuuraysa iskaashiga ay hadda Somaliland u ordayso.
Marka dib loo laabto, Kulankii Davos ee cashada isku arkeen Ciro & mid kamid ah wiilasha Trump ayaa gariir siyaasadeed kuriday gobalka oo dhan, waqtgan haddii ay dhacaan is aragyo amni, siyaasad iyo kuwa dhaqaale taabanaya waxaan shaki laheyn in taas ay tahay wadiiqada ay Ciro & kooxdiisu hadda doonayaan.
Dowladda Faderaalku, waxay rabtaa in Somaliland la go`odoomiyo loo diido fursado kulamo ah, lagana xiro albaabka Trump mana sahlanayso in ay dhici karaan isbedelo siyaasadeed dharbaaxo dhankeda ku ah, balanqaad kasta oo Hargeisa mid ka badan ayay Muqdisho huraysaa oo la xariirta bixinta Kheyraadka ilaa saldhigyo ciidan, hayeeshee waaqaca marka fulinta layimaado SL ayaa katalisa goobaha Washignton ay rabto.
Arrimaha uu Cirro ku doonayo in uu kula macaamilo Washington waxaa ka mid ah:
Saldhig Military, uyaboohida saldhig ciidan oo dhaca xeebaha u dhow Babul-Mandab iyo Gacanka Berbera oo kaabiga kuhaya aaga gacan kuheyntiisa lagu loolamayo ee Badda Cas.
Kheyraadka Dihin: Trump & kooxdiisu u dhow waa ganacsato xagasha dhaqaalaha kaga yimi siyaasadda, war ay fahmi karaan ayay Ciro, Saaxiibadiisa dalalka ah & kooxdiisa ole-olaha ee Isreal ay ka shaqeynayaana waana in Somaliland ay ku jiraan macdano naadir ah oo Mareykanku hadda baahiweyn warshadihiisa difaaca ilaa kuwa agabyada casriga soo saara ay u baahan yihiin.
Labada yaboohba SL waxay rabtaa in ay kubedelato "Daaqad Diblomaasiyadeed" iyo iskaashi dhab ah oo dhanka amniga iyo dhaqaalaha ah, si ay ugu faa'iideysato siyaasadda cusub ee Washington ee ku qotonta ribix-dhaqaale iyo danaha gaarka ah.
Ciro & Saraakiisha Mareykan ah, 1da August Source: Villa Hargeisa
3. Yaa riixaya Somaliland, aaga Halista ah ee AIPAC
Ilowareedyo ku dhow dowladda Fadeaalka oo ay la hadashay Gaylan Media kana mid ah wafdiga USA loo diray ayaa xaqiijinaya in ay qabaan walaac ah in si kedis ah lays kutusi karro Cabdiraxmaan Cirro & Trump taas oo waliba qarsoodi ahaan karta, Qorshan waxaa riixaya ururrada ololaha u qaabilsan Israel ee gudaha Mareykanka, gaar ahaana kooxda loo yaqaano AIPAC, kuwaas oo raadinaya fursad lagu kulansiiyo labada dhinac. Sidoo kale, Senator-ro awood leh oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga sida Ted Cruz oo horey ugu kakanaa in la aqoonsado SL, laguna tiriyo dadka wax ku leh go'aan-gaarista Aqalka Cad ayay xoguhu sheegayaan in ay garwadeen ka yihiin diyaarinta kulan-doceedyada xasaasiga ah, taas oo ay Soomaaliya ka walaacsan tahay.
Dhinaca kale oo xasaasi ah, ayna adag tahay in meelmar laga dhigo waa in Israel iyo ururrada la shaqeeya ay ku howlan yihiin In Cabdiraxmaan Cirro loo helo martiqaad ama daaqad uu uga qeybgalo kulamada furan ee fadhiga UN-ka ee New York, si uu fariintiisa uga iibiyo madaxda dunida ee halkaas iskugu timid, taas oo Isreal doonayso in ay uga aarsato in kulankii u dambeeyey dalal badan riixeen qadiyada Falastiin.
4. Quusta Mareykanka ee Villa Somalia & Isbeddelka Dhaqanka Washington
Jidka ay Hargeysa marayso maanta waxaa sii toosiyay hab-dhaqanka iyo maareynta maamulka Dowladda Federaalka ee Muqdisho. Siyaasadda Mareykanka ee ku wajahan Soomaaliya waxay gashay marxalad quus ah, ka dib markii lagu hungoobay hanaanka maamul ee Soomaaliyada Faderaalka, madaxweynaha meertadan ka qeybgalayaa mudo dhaaf aan heshiis siyaasadeed la hayn intiis ogoleyd.
Washington waxay bilowday la-macaamil toos ah oo ay la yeelato Puntland, Somaliland iyo Jubbaland, iyadoo dhinac u dhigtay Madaxtooyada Muqdisho. Tani waxay Hargeysa u noqotay fursad dahabi ah oo ay ku muujiso in ay tahay tusaale deggan oo lala heshiin karo.
UGU DAMBEYN Sida ay ku dheeraynayaan falanqeeyayaasha siyaasadda iyo amniga Geeska Afrika, safarkan Ciro wuxuu ka beddelan doono safarradii hore ee madaxda Somaliland ku tagi jireen Mareykanka, waxaa laga eegayaa Natiijada ka soo baxda kulamada qarsoodiga ah ee ka dhacaya Washington iyo New York waxay Tani jaangoyn-doontaa marxaladda cusub ee Geeska Afrika.
Haddii uu Cirro ku guuleysto in uu helo iskaashi toos ah oo dhanka amniga iyo maalgashiga ah oo uu la galo Xukuumadda Trump, waxay ka dhignaan doontaa in Muqdisho ay la kulantay dharbaaxadii ugu weynayd ee dhanka diblomaasiyadda ah. Halka SL ay u noqon doonto guul weyn oo u furaysa waddadii ay kaga bixi lahayd karantiilka diblomaasiyadeed ee ay ku jirtay 35-ka sano.