Skip to main content

Soomaaliya/News

4 sano ka dib | Xasan Sheikh oo Difaac uga jira 25KM oo Muqdisho ah, Maxaa xaqiiq ah?

MUQDISHO(GAYLAN-MEDIA) - 1,569 maalmood oo u dhiganta 4 sano, 3 bilood iyo 26 maalmood ayuu xukunka Soomaaliya hormuud u yahay Xasan Sheikh Maxamuud mana ah aheyn siyaasi cusub, waaya arag garanaya daruufaha amniga, dhaqaalaha ilaa siyaasadda kala tagsan ee Soomaalidu dhexda uga jirto ayuu isku sifeeyey, imaanshihiisii xukunka ee balanqaadyo waa weyn ayuu sheegay oo ay ku jiraan in 2 sano iyo ka yar looga adkaanayo mushkilada Koonfurta dalka hareysay ee Argagixisada, tirooyinkan ka dib hada wuxuu dhexda uga jiraa mudo xileed lagu muransan yahay sharciyadiisa, Hoggaamiyihii Soomaali Heshiis ah ku galay ole-olaha doorasho maanta meel u jirta 2KM Villa Somalia waxaa kusugan saaxiibadiisii u hiiliyey dharaarihii doorashada oo ay saami qeybsi wadaagan, haddana aysan dabka kala qaadan oo qaarkood ay marayo dhiig leh kala furteen amintii ay ku qabsadeen hoggaamintiisii in ay dhamaatay.

Super Admin·5 days ago·3 daqiiqo akhrin4100
4 sano ka dib | Xasan Sheikh oo Difaac uga jira 25KM oo Muqdisho ah, Maxaa xaqiiq ah?
Sawirkani waa August 2021kii, Bulshada Dhiiran ee Bartamaha Baladweyn ayaa qaatay qaraar adag oo ay ku diideen aqbalka heeryada Argagixisada, amaro kakan oo kooxda ka yimi awgeed carada bulshada ayaa hubka hal-haleel loo boobay, Boqolaal wiilal oo aan curan ayaa furimaha yimi waxay galeen mid kamid ah dagaaladii ugu adkaa, dhinaca khasaaraha & masaafada ee kadhaca Hiiraan, wey la wareegeen deegaano door ah, dowladda ayaana kusoo biirtay, Tani waa taswiirta madaxweynaha oo tuutaha u gadashay sidii meelmar looga dhigi lahaa in laga adkaado kooxahan.
Tani waa October, waana madashii wadatashiga Qaran oo bogaadiyey howlgalkii dadka deegaanka Hiiraan ku diideen amarada AS, waa la taageeray howlgalkaas, madaxweynaha ayaase kaga dhawaaqay in dowladdu si buuxda uga qeybgashay oo ay ciidanka dowladda galisay, maalinkaas madaxda dowlad gobaleedyada ayaa soo jeediyay in la helo Istaraajiyad Qaran oo guulaha lagu heynayo, lagulana dagaalamyo kooxahan, laakiin dowladdu cabsi ayay ka qaadahy soo jeedinta, taas oo maanta maxsuulkeeda aan dib u eegayno. Madaxweynuhu wuxuu xiligaas qaatay hal go`aan oo ah in deegaanada xisaab hoosaadkiisa nidaamka 4.5 uu noqdo midka ugu horeeya eel aga soo saaro kooxaha Argagixiso, loona didiyo Koonfur Galbeed ilaa Jubbalad, si halkaas haddana guluf kale loogu kiciyo, maanta afar sano ka dib, haddii aan dib umilicsano maxaa ka jira furimihii habeenada badan madaxweynuhu u seexday in Argagixisada laga soo adkaado. HIIRAAN: Hooyadii Halganka! Mar kasta oo halgan laga hadlayoh lama hurayo halkan Saxansaxadii u horeysay ee ah in layska dhicin karro kooxahan ayay ahaayen dadka Hiiraani cidii bilowday, Halgankii laga bilaabay duleedka Baladweyne ee lagu wajahay Argagixisada dhulkii looga qabsaday maanta 90% wuxuu dib u galay gacanta kooxihii Argagixiso, waxay ku darsadeen Maxaas oo 2014kii gacantooda laga saaray, tani maaha oo kaliya dagaalo lays wajahay, hayeeshee dadka gobalka ayaa ku eedeynaya in karaanka dowladdu uu liitay, maareynteeduna aheyn tii laga filayay dowladnimo la dagaalamaysa Argagixisada, dhaxalkuna wuxuu noqday in maanta Buula-Barde, Jalalaqsi, Halgan, Baladweyne & Matabaan laga hadlayoh, oo ay afar kamid ah amnigeeda hayaan ciidanka Shisheeye, taas oo ka dhigan in Halgankii Macawisleyda si ula kac loo fashiliyey, majirto cid masuuliyada loo ciqaabay ama qaadaysa oo la og yahay, dowladduna ma ogola ka hadalkeeda. Halkan ila dhugo’o, Maqokori, Aborey, Yasoman, Tardo, Teedan & 20 deegaan oo kale waxay ahaayeen magacyo iyo furimo rag isku wajahay oo magacyo madhahooyin ah ka tagay, Nabadoono ilaa Haldoor muhiim u ahaa dadka deegaanka ayaa lagu waayay xoreyntoodii, hayeeshee maanta kuma jiraan gacanta dadka deegaanka & dowladda midna kooxihii argagixiso ayaa dib uga talinaya, dowladdu uma hayso hadda Tab iyo tabar ay dib ugula wareegayso umana muuqataba in ay ku howlan tahay, Tani maha oo kaliya fashil amni waa guuldarro aan sinaba madaxweynaha looga durjin karin. SHABEELAHA DHEXE: Goofka madaxweynaha! Aadan Yabaal, Masjid Cali Gaduud, Ruun-Nirgood, Ceel Baraf, Warciise, Difaaca muhiimka ah ee Xawaadley, Al Kowthar, DaruNimca, Cadcadeey & Mirtaqwa waa aagag muhiimad gooni ah u leh istaraajiyada sugida amniga Muqdisho, la dagaalanka Argagixisada & madaxweyne Xasan Sheikba waana deegaanka saami qeybsigisa xukunka marka laga hadlayoh nidaamka 4.5, Haddii 2022kii ka mid ahaayeen deegaanadii laga qabtay kooxaha Argagixiso, qaarkood in ka badan 5 jeerna lagu dagaalamay si xoog leh, dhammaantood maanta gacanta dowladda kuma jiraan, Todobaadyo ka horna Hay`addaha amniga ayaa diwaangaliyey in deeganka Mirtaqwa 100 odayaasha dhaqanka ee saami qeybsiga la wadaaga madaxweyne Xasan Sheikh ay kula shireen xubno hoggaan ah u argagixisada. Deegaanka Xawaadley, Masjid Cali Gaduud ilaa degmada Adanyabaal maaheyn deegaano caadi ah, caan ayayna ka noqdaan fagaaraha amniga & siyaasadda, hayeeshee sida looga baxay cibaaro amni ayay leedahay oo xisaab kama dhalan. Halkan deegaanada dhanka Xeebta ee Wargaadhi ilaa Jabad gubane oo ay ciidanka Turkida ee hubeysan ka qeybgaleen dagaalkooda ahna agagaarka laga dhisayo saldhigyada tijaabinta gantaalaha Turkida ayaa maanta xor ka ah argagixisada oo iyana difaacyo adag oo F16 qeyb katahay lagu hayo, hayeeshee Xawaadley oo gacantooda kujirta ayaa halis ku ah aagan. Mar kasta oo dagaalkan laga hadlayo, haddii aan GALMUDUG lasoo qaadin lama qabyo! Habeeno badan ayuu madaxweyne Xasan Sheikh kuqaatay DhuusaMareeb oo u ahayd Talis ciidan, umana joogin tamashle iyo waqti fasax toona, tuutaha & askar uun ayuu qaabilayay, qabiiladu marba Tuutaha iyo gaadiidka dagaalka ayay saf galinayeen, si ay muujiyaan u diyaar garow dagaal, Saanad iyo maaliyadna waa saateen, laakiin maanta deegaanadii la qabtay oo ay foolaad u yihiin deegaanada Ceelbuur, Cawsweyne, Wabxo, Masaajid Ali Gadood oo lagu daray toban deegaan oo ah kuwa kuteedsan agagaarkan ayaa maanta ku jira gacanta kooxihii Argagixiso. Bishii August, madaxweynuhu wuxuu tagay markale DHuusaMareeb, galabnimadii 15kii August isagoo ku jira kormeer xarumo ayaana dhawaaq hubeed la maqlay, taas oo Hay`addaha amniga kusheegeen Hoobiyayaal Argagixiso kayimi, waana mid muujinaysay xisaabxirka gulufkii sawirkani ka dhashay. Halkan waa Cawysweyne, waana mid kamid ah goobaha uu ka dhacay dagaalkii ama jababkii ugu waynaa ee kudhacay ciidanka dowladda in ka badan 2 guuto oo ciidan ah ayaa la dajiyey si layaab leh, istaraajiyad xumo iyo kutalogal mid ay ahaydba ilaa maanta lama baarin, saraakiil foolaad ahaa ayaa nolol & geeri midna lagu haynin cidna looma ciqaabin laysmana warsan, 3 sano ka dibna wali Argagixisada ayaa katalinaysa. Aan jileecno halkan wa Xarardheere, Hobyo, iyo Wisil oo ah dhaca Koonfurta Gobalka Mudug waa kaliya ee deegaanadii lagu xoreeyey howlgalkii 2022-2023kii oo maanta xor ka ah Argagixisada, iyadana sababta ugu weyn waa dadka deegaanadaas oo la yimi ka go;onaansho, ciidanka waxaa lagu koobay magaalooyinka waa weyn, 4 Sano ka dib | Istaraajiyadii SIIRIYADA MUHIIMKA AH oo uu qaatay HSM! Haddii Bashar Al Asad horey u ikhtiraay aragtida ah Siirayada muhiimka ah, Madaxweyne Xasan Sheikhna waxay Turkidu la hindiseen qorshaha Qaansada amniga Qaranka oo muhiimad lagu siinayo in Muqdisho 30KM oo dhinac kasta ah laga dhiso difaacyo ciidan, 2 todobaad ee lasoo dhaafay, dowladdu waxay ka dagaalamaysaa duleedka deegaanka Basra, waa aag muhiim ah marka laga abqaalayo qorshaha Qaansada, waana 30KM wax kayar Muqdisho, aagan muhiimadiisa waa laga dheehan karaa Sawirkan qariirada waana isku xirka 2 Shabeelle ilaa caasumada, in difaaca dabiiciga ah ee Xawaadley ay adkeystaan ayay halkan ugu dagaalamayaan kooxaha Argagixiso, dowladduna 30KM in ay sugto ayay rabtaa. UGU DAMBEYN, Haddii 4 sano & dheeraad madaxweynaha loogu mashxaradayey magacyo badan oo ay u mudan yihiin Dalxoreeye ilaa Birmadaha aan caadiga aheyn maanta xoreyntii xaqiiqadu waxay joogtaa in Basra, Deyniile iyo Carbiska ay yihiin fure dagaal kuwaas oo xayndaabka caasumad aah, ciidanka Shisheeyana laga baadigoobayo joogitaan 24 bilood ah, Tani waa Koonfurta dalka & maanka dowladda oo waaqaca aan heshiis la aheyn!
Wadaag: Twitter Facebook LinkedIn

Faallooyinka (0)

Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.