Skip to main content

Soomaaliya/News

Dhul-boobka & Xasan Sh | Sidee loo kala reebayaa

Dadka Muqdisho ee u badan maatada aan haysan awood, cod & cid ay u ciirsadaan oo ka difaacda cagafta idman ee dhulalkoodii ay daganayeen fariinka ku goosatay, waxay markale la kulmayaan aafooyin barakicin ah oo uga imaanaysa dowladnimadii ay u mashraxadeen kana sugayeen in ay siiso wax kasta oo ay xaq u lahaayeen oo ay kow u tahay Hoy, amni ilaa waxbarasho, laakiin bedelkeeda waxay helayaan ficil kasta oo arxan darro, kana aradan habdhaqan dowladnimo ilaa kii hoggaamiye kooxeedyadii hubeysanaa, Dhallaanka aan qaangaarka aheyn & wayeelka tabar dhigay ayaa saqdii dhexe ee labadii habeen lasoo dhaafay Muqdisho ay u ahayd dharaaro ka duwan kuwii ay horey u soo maareen, Diyaarado dagaal oo ay Turkidu leeyihiin oo cabsigalin ah, Drone wax basaasa & ciidan dowladeed oo adeegsanaya nooc kasta oo ah hubkii Argagixisada loogu talogalay ayaa lagu fasaxay oo aan looga turin, Sida ay laamaha caafimaadka xaqiijiyeen in ka badan 7 qof oo rayid ah ayaa guryahooda lagu dilay, waayeel ayaa darxumadii iyo naxdintii u naf-baxay qaarna nolol silic ah ayay dariiqyada la jiifaan ilaa maantadan, Sawirkan waa xaqiiqo ka muuqata Muqdisho oo hoggaamiyihii ay u mashraxaday uu abuuray.

Super Admin·18 days ago·3 daqiiqo akhrin14000
Dhul-boobka & Xasan Sh | Sidee loo kala reebayaa
MADAXWEYNUHU: waa go’aansaday Afka & Dhagta oo uu xirtay! Xasan Sheikh ma’aheyn madaxweyne ka yimi askarta, xukunka xoog kula wareegay ama kooxaha dulaalada dhulalka kasoo dhex baxay, bedelkeeda wuxuu ahaa Agoon kusoo koray nolol hooseysa sida uu marar badan ku dooday, garanaya daruufta waalidka, wiilka ama gabadha danyarta ah ee ku koraysa Muqdisho, hayeeshee tani kama reebin in magaciisa lagu lamaaniya sawiradan ay ka muuqata naxdin iyo anfariirka, mudo xileedkiisan ayaana qaatay magacyo tiro beel ah oo aan si fudud uga hari doonin taariikhda dambe, lama kala saari karro xukunta HSM iyo dhul dhicid, sidoo kale waa adag tahay in bulshadan baylahda la dhigay lagu qanciyo in madaxweynuhu barwaaqo sooran Soomaaliya u horseedayo, 4tii sanno ee lasoo dhaafay sinaba madaxtooyadu waa u joojin weyday boobka dhulka caasumada, nooc kasta oo dhul danguud ilaa mid gaar ahaa cagafta ayaa lagaliyey, lama yaqaano sida loo maamulay cida u baahatay, kaliya xogta iyo xaqiiqada lahayo waa in lacag laga sameeyey taas oo aan xataa la marin nidaamka dowliga ah Maaliyada dalka, Si kasta oo ay taageerayaasha madaxweynuhu iskugu dayeen in ay difaac u noqdaan Macalinkii bulshada rayidka ka yimidna waa ku adkaatay damiirka nool in uu jid u helo difaacan, hayeeshee xataa kooxaha isku dayay waa awoodi waayeen in ay damiirka bulshada ay taabtaan. Sida ay mucaaradka Muqdisho ee ay saami qeybsiga wadaagan madaxweyne Xasan Sheikh ku doodayaan waa adag tahay in ay sii fiirsadaan ficilada arxanka daran ee ay wadaan ciidamada dowladda, madaxweynaha iyo cid kasta oo ku lug leh boobka dhulalka oo aan loo haynin sharciyad dhameystiran, waxayna sheegeen in talaabooyin dheeraad ah loo baahan yahay sidii ay u qaadi lahaayeen. WAJIGA CUSUB: waa mid argagax leh! Haddii 4tii sano ee lasoo dhaafay subax kasta ciwaanada wararka u horeeya ee warbaahinta ay haystaan qeylo dhaanta shacabka aan cidna u naxeynin, una maqneyn,bilahan waxaa foolaad ahaan doona magacyo layaqaano, siyaasiin, ganacsato & qeybaha loo yeero culumada oo ay dul joogto cagafta, taas oo aan u naxariisan doonin, dhulal banaan ilaa guryo la degan yahay oo leh sharciyado laysku raacsan. Kal hore, madaxweyne Xasan Sheikh ayaa si cad ugu dooday in dhulalka ugu yeeray Obasiimada ama isku raranka ah ay dowladiisu xaaqaysa, xiligaas lama sheegin goob loo rarayo dadka degan dhulalkan, sharciga loo marayo iibkiisa & Hantida kasoo xaroota nooca loo maareynayo, Dulaalada dhulalka iyo dadka sida u dhaw ula socda arrimahan ayaa u sheegay Gaylan Media in wax ka badan 95% dhul kasta oo loo arkayay in uu yahay mid dowladeed ama danguud oo horey loo diwaangaliyey uu hadda dhamaad ku dhow yahay, talaabooyinka xigana ay leeyihiin waji anfariir ah. Xubin kasta oo katirsan laamaha Amniga ilaa kuwa ugu sareeya oo leh awood kudifaacan karro ama kaga dhaadhacsan madaxweynaha in uu dhul dagan qaato waa u yeelay talaabadaas, sida ay muujinayaan galalka guryo ay lahaayeen saraakiil sarsare oo dalkan xiliyo adag u soo shaqeeyey ayaa dhaxalwareejin dhulalkoodii lagu sameeyey, eheladooda ayaa loo hanjabay, iyadoo sharciyada ugu weyn laga helay dhinaca madaxweyne Xasan Sheikh, tan waxay ka dhigan tahay in cid kasta ay boobkan qeybteeda ka qaadanayso, iyadoo magaca Xasan Sheikh lagu tirayo. TALAABOOYINKA QORSHEYSAN! Dhulkii danta guud ama aagagii marmarsiyaha looga dhigtay qaadashada in ay isku raranka ama Obasiimo yihiin waa idlaadeen, hadda wajiga xiga waa in toos loo beegsado dhulalka sharciyada leh, guryaha la degan yahay iyo dhul kasta oo dadkii lahaa ay u haystaan nooc kasta oo waraaqo ah oo looga baahnaa, aagan dhaqaale gaaraya 100Malyan oo Dollar in laga sameyn karro ayaa lagu warsaday, qaar kamid ah kooxda madaxweynaha ayaana ku fakartay in goobtan laga heli karro dhaqaale xoogan oo loo adeegsano dano siyaasadeed ilaa kuwa kursiga gadaashiis lagu noolaan karro, boos kasta oo kuyaala Muqdisho gaar ahaana kuwa sharciyada leh lacagta ugu yar ee laga doonayo waa 5000$, waana ka sareyn doontaa oo gaaraysaa ilaa 20kun oo dollar, haddii aadan lacagta bixin ma heli doontid guriga ama dhulka aad maanta sharciyadiisa haysatid. Nooca magac bixintu waa in meesha laga saarayo dhammaan mulkiyadaha ay horey u bixisay dowladda Soomaaliya laga soo bilaabo Aaden Cade ilaa lagu keeno Tii Milateri, ayna yihiin kuwa aan sharci aheyn, talaabada waxaa loo arkaa in kasokow dhaqaale abuur laga sameynayo ay ku hoos jirto in la tirtiro dhammaan aqoonsiyada tixraacyada lahaa ee kabadbaaday boobkii socday sanooyinkii lasoo dhaafay. Dowladdu waxay ku doodi doontaa in ay casriyeyn wado, dhulalka hagaajinayso, sharciyadaha dib u eegi doonto, laakiin maxsuulku waa dhaqaale sameyn, sida ay ku doodayaan dhinacyo kale duwan oo ay mucaaradka Muqdisho ku jiraan. BARAKICINTA: Maxaa ka dhalanaya! In dad rayid ah oo aan laheyn karaan ay isku difaacaan dhulalkii ay daganaayen laga boobo, baylahdana loo dhigo milicda qoraxda & dhibicda roobka, waxay dowladnimada dhaxalsiinaysaa dhadhan aan la mahdin doonin, dhallaanka waxbarashadoodii ilaa hoygoodii looga barakiciyey sifo aan sharci aheyn bedel loo samaynin, shaki maleh in ay qaadi doonaan madhaho ay dowladnimada u arki doonaan aag laga xoogsado & goob laysku baado, taas oo abuuraysa jiil kale oo nabadda ilaa daganaanshaha halis ku noqonaya aana arxan laheyn, maadaama madaxdii uga horeysay xukunka ay habdhaqankooda ay arkeen. Sidoo kale in siyaasiinta xukunka joogta ee silica nololeed u loogtay & kuwa soo socda isku nooc uakhrinayaan shaki maleh, taas oo iyana sii abuuraysa in bulshadani u arkaan dhammaan dhinacyada Sallaanka siyaasadda wada saaran koox isku ujeedo ah oo aan la xisaabtan u diyaarsaneyn, Tan oo Soomaaliya kasii ridayso jid dhammaadkiisa la yaqaano oo ah in dowladnimada laga doorbido ficilo aan wanaagsaneyn.
Wadaag: Twitter Facebook LinkedIn

Faallooyinka (0)

Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.