Skip to main content
Episodes17:25Transcript

Adkeysiga ciidanka difaaca Puntland ay u yeesheen ka adkaanshaha Daacish, Maxaa riixaya?

Adkeysiga ciidanka difaaca Puntland ay u yeesheen ka adkaanshaha Daacish, Maxaa riixaya?

Jun 27, 2026 · 11 plays

0 0 11

Transcript

Auto-generated from the recording. Not yet edited.

Adkeysiga ciidanka difaaca Puntland ay u yeesheen ka adkaanshaha Daacish, Maxaa riixaya?

Haddii safarkii hore uu ahaa mid dhul ah oo aan ka billownay isla garoonkan, maanta mar kale halkan ayaan ka tagi doonaa, waxaan aadi doonaa buuraha fog fog ee Baallade iyo halkan furinta hore ah. Waxaanu raaci doonaa diyaaraddan haddii allaha awoodda leh uu raali ka ahaado, inagoo soo tabin doona wararkii ugu dambeeyay ee gulufka milateri ee Puntland kula dagaalamayso kooxaha argagixiso.

Diyaaradani yar, waxay nageysay saldhig milateri oo kuyaala duleedka ceel-biyoodkan dabiiciga ah ee Carabida oo kamid ah Togga Baalade’e, oo todobaad kahor safarkeena halkan gacantooda laga saaray kooxaha Argagixiso.

Hawada sarre ayaan joognaa oo aan doonaynaa in aan ku dagno, waa buuro sare oo silsilad ah oo xiriirsan, kuwaas oo wax gaadiid ah aysan galin, gaadiidka kali ah ee halkan laga isticmaalana waa diyaaradan, aanu maanta saaranahay.

Kasoo dagidii diyaaradanba indhahaygu waxay qabteen Calanka Soomaaliya oo xeradan dhexdeeda ka baabanaya, Gabdhaha & wiilasha halkan jooga waa dhiiranayeen, waa nasoo dhaweeyeen, mana ii aheyn qaarkood markii 1aad oo aan is arkayno oo horey ayaa maalmo adag usoo wada joognay, bilowgii gulufkan lagu wajahayo Kooxdan Argagixiso.

Laakiin qaar kamid ah askartani, intii aan kasoo laabanay furintan ayay geeriyoodeen, iyagoo ka dhabeeyey himiladoodii ahayd in ay Argagixisada ka adkaadaan.

Halka uu xiligan howlgalka kasocdaa waxay noo jirtaa masaafo loo soconayo 3 saacadood oo lugeyn ah, waxaan go’aansanay in aan lugteena maalno, si aan u gaarno furinta hore ee dagaalka, halkaasna waxaa joogay saraakiisha u sareysa ciidankan oo aan cabsi ka muuqan, askartana la daruuf ah.

Buuraleyda Calmiskaat ee gobalka Barri PL, waa dhul u furan marinada muhiimka ah ee Badda Cas & Badweynta Hindiya, waxayna noqotay hoyga 2aad ee Daacishtii laga jafay Raqa ilaa Syria ay ukumaha geysteen, isku aruursadeen si ay markale halkan uga dhigtaan aag ay ka wareeraan dunida oo dhan.

Xiligaas In ka badan 15 Dawladood oo ah quwadaha milateri caalamka ee hadda jirta ayaa isku raacay duulaankooda, oo isku garabsaday, 11-sana ka dibna Puntland oo awoodeeda ku tashanaysa ayaa gashay dirir dagaal oo u babac dhigtay kooxdan oo Tabaha dagaalkooda ilaa fikirkeedu katalawsan yahay xaduudaha Afrika.

“ISIS argagixisada la yiraahdo waa nidaam halis ku ah afrika, waa nidaam halis ku ah Soomaalida, waa nidaam halis ku ah adduunka. Dagaalkaa waxay ahayd Soomaali meel ay u dhan tahay inay u midowdo, Xukuumadda Federaalka ahna iyadoo waxba is weydiin jiidaha hore inay tagto, in dalkan aanu dowlad mid ah lahay, oo fikir iyo siyaasad mid ah lahayn waxaa kuugu daliil ah qaabka dagaalka xukuumadda Federaalka ah ay u wajahday.” PROF Keynaan

Muuqaalo ay sii daayeen kooxahan Argagixiso oo lagu dhexsameeyey buuraleydan & xogta laga qabtay rugahoodii muhiimka ayaa lagu ogaaday in ay ahayd kooxdani mid caalami ah, dagaalamayaasha kooxdani 90% wax ka badan waa ajaaniib ka timi dunida daafaheeda, si fikirkooda halkan ugu tarmiyaan, laakiin taasi dhalanteed ayay PL u rogtay.

“Dagaalka waa lagu guuleystay, 95% awooddii Daacish lahayd waa la burburiyay, goobihii ay daganaayeen ee ay ku talagaleen inay ka sameystaan fariisimaha waa la wada qabtay. Qalabkii ay ugu talagaleen in ay dadka ku gumaadaan oo dhan gacantaa lagu dhigay, warshadihii ay ku talagaleen inay hubka wax gumaada kusoo saaraan gacantaa lagu dhigay waxna waa la burburiyay, hubkoodii iyo ragoodiiba waa la laayay” Siciid Deni.

Dhulkani cimilo ahaan waa adag yahay, waana lakabyo kale sareeya, godad wa weyn oo difaacyo dabiici ah leh & dhul aan gaadiidka dagaalka wax door laheyn.

Buurahani waa cilmi gaar ah laftigooda in laga dago oo lagu simoh, waa qarar iyo meelo aad u adag, oo qofka caadiga ee aan waxba wadin ay ku adag tahay in uu lugeeyo. Wayba kasii daran tahay marka qof hubeysan ee askari ah uu ku lugeeyo.

Balse hadda ciidanka aagan ka dagaalamayaa way tab & xeelad dagaalameen, sifeyntii ayayna ku jiraan.

“Inta aad wadadan ku safraysid waxyaabaha ugu badan eed arkeysid waxaa kamid ah agabka hubka dagaalka iyo dhaawacyada agabyadii kala duwanaa ee ay ku daweysan jireen kooxaha argagixisada ah”.

Haddii Haraaryo & Qurac aan jidka isku dhaafeynay gaadiid iskugu jira kuwa dagaal & Caafimaad, hadda gaadiidka aan si joogta ah u arkaynaa waa gaadiidka dabiiciga ah ee awrta & dameeraha, oo halkan ka ah nooc kasta oo gaadiid ah.

“Gaadiid hadda waxaa noo ah One EJ iyo kamaasyo – Awrta waxaa la yiraahdaa Kamaas, waa gaadiidka xamuudka qaada ee Ciidanka, Dameerkuna waa One EJkii, isagaa qoryaha dhashiikayaasha ah saaran yihiin, marka hadeerba halkaan waad ku arkaysaan waa kuwaa buuraha saaran”.

“Tani waa dhagax dabiici ah, wax qof isa saaray ama isa saari karo ma aha, laakiin waa dhul u diyaarsan dabiici, waa buur – meesha banaan ee ugu sokeysana waa halkan aad arkaysaan, oo siddan difaacyadu ay yihiin.”

In ka badan 10 bilood oo uu howlgalkan socda, Puntland ayaa ku jirta halgan dirireed ka dhan ah kuwa nabadda & jiritaanka diidan, aragti kasta oo ay qabeena sawir kale ayaa maanta waaqaca yaala.

“Hadda meel godadkaas iyo jeexyadaas ah bay ku dhuumanayaan, marka hadday tabar leeyihiin oo ay dagaalami karaan, ama waa joogsan lahaayeen oo ciidamada bay iska difaaci lahaayeen oo waxoodii iyagu haysteen oo ay ku dagaalamayeen iyo hantidoodii, qalabkoodii iyo saldhigyadoodii iyo waxoodii oo gacanta lagu dhigay oo la burburiyay bay difaacan lahaayeen ama dadkooday difaacan lahaayeen. Tabar daradii keenaysa waa dhuumaaleysanayaan, hadba god bay galayaan, marba meel bay tagayaan. Marka anaga go’aanka noo yaalla waa meel ay galeen in aan looga soo harin ilaa lasoo ciribtiro”.

Ciidankani waa dhiiran yihiin, waxaana arkay askar aan dhimashada ka baqeyn, saraakiishoodu ku foogan tahay furinta dagaalka, dadkuna siman yihiin, laakiin hal himilo ay ka wada go`an tahay.

“Qofka Bani’aadamka ah ilaahay baa abuurtay, meeshii uu ku dhiman lahaana wax qoran weeye, laakiin muhiimadaa ah dalkaaga wax kastaa ha dhinteenee in aad adigu u hadho oo qofkii iska yimid iska tago, intaas baana naga go’nayd, haddana wax kale ma jiraan, xoogoodii waa iska baaba’ay wax yar oo meelaha ku dhuumaaleysanaya baa jooga hadda. Dagaalladii ugu adkaa waxay ahaayeen Hararyo iyo Af Qiyaame, kuli waan joogay… wax tabar ah oo ay leeyihiin maleh nimanku, way dhamaadeen nimankaas, kaliya waxaa haray dadkii la shaqeysan jiray meelaha jooga, iyagoo iska tage.”

Kaddib maalin dheer oo shaqo ahayd oo aan soo marnay Talisyo kala duwan iyo furimo kala duwan oo dagaal, oo aan kusoo wareysanay Taliyayaasha kala duwan ee colalka halkan joogaa, Ugu dambeyn waxaan nimid saldhig ciidan oo ku yaalla Togga Baallade oo ah aagaga ugu dambeeya ee kooxda argagixiso lagula dagaalamayo.”

“Kooxda lala dagaalamayaa waxay hadda noo jirtaa masaafo aad u yar, oo marka ay ugu badato halkan aan joogno 700 oo Mitir bay tahay meesha difaacyadooda hadda ugu dambeeya ay isugu soo ururreen, oo ah meesha la aaminsan yahay in Tirada ugu badan ay hadda ka joogto.”

Intii aan joogay furimahanba waxaan arkay ciidanka oo kala amar-qaadashadooda sareyso, wax kastana laga hormarinayo amarka eebbe weyne, taas oo muujinaysa ciidan labo dhinacba guul jooga.

Mar kasta oo dagaal dhaca gaadiidka gurmad deg deg ah ee dhaawacyada lagu qaado, halkan waxaa ka ah gaadiidka dabiiciga ah ee Dameeraha & Awrta, dagaalkani wuxuu reebayaa dhacdooyin taariikhi ah oo la majiiran doono, ciidankuna waxay diwaankooda kuqoranayaan dagaalkii ugu adkaa in ay galeen, caqabadaha oo dhan u samreen.

”Xoogaa inta diyaarada la gaarsiinayo dhaawac baa awrta lasoo saarayaa, dee buuraha laga saaraya ma ogtahay, dhaawaca labo nin marka labo Rati la saaro oo buurta laga saarayo, buuraha waad u jeedaa oo qofka bani’aadamka ah bay ku adag tahay, marka nin dhaawaca laga saarayo oo Rati la saarayo, neef noole ah la saarayo, Ragguna waa culus yahay, markaa waxba farqi weyn uma dhexeyn caqabad weyna nagama soo marin, hadeerna naguma hayso gaadiid la,aantu, annaga gaadiidkeenu waa kuwaa dabiiciga ah oo Soomaalidu leedahay.”

Saraakiishu waxay noo sheegeen in jihooyin kale duwan howlgalkan ka dhacayay isku mar, haddana u adkeysanayaan ciidamadu buurahan qalafsan ayna jid kasta u qaadayaan in ay adkaadaan, waa adkeysi ay ciidankani dheer yihiin dhammaan xoogaga Soomaalida ee cadowgan la loolamaya.

”Sababtu waxaa weeye iyagu Mandate bay haystaan laakiin annagu Mandate ma haysano, dalkaan iska leenahay 10 sano oo dambe baan rabnaa in aan kula dagaalano hadday labo ku jirto xitaa, wax waqti ah oo nagu socda ma jiro. In askari ama sarkaal nooga dhinto si dayac ah ayay ciidanku ka taxadarayaan, meesha hadda aad ka hadashay oo 500 ee tilaabo ah dhinaceeda shishe ciidankaa jooga, dhinaca kale ee koonfurta ka ahna ciidankaa jooga annaguna halkaan baan ka joognaa galbeedkaa ee qoraxdu na hayso, Marka siddaas baa keenaysa in aan taxadarno innagoo xaqiijinayna amniga iyo badqabka qalabka iyo ciidanka aan waddano. ”Jen, Abdirahmaan Dhimbil PMPF COMANDER.

Kahor intii aan howlgalkan labilaabin Daacish waxay isku sawirtay in ay tahay awood xoogan, waxayna qorsheynayaan in ay qabsadaan Boosaaso, sida uu dhawaan noo sheegay madaxweynaha Puntland, laakiin saraakiisha fulinta joogta waxay maanta kusifeynayaan kooxdan.

“Godka wuxuu u qodanayaa waa nin naf la caari ah oo meel uu u cararo lahayn, wuxuu yeelayaa meel buu buurahaan rabaaniyada ah sida godkan aan fadhino oo kale, waa god ilaahay sameystay, meel buu marka ka baaranayaa, meeshaas buu wuxuu kasoo jeedinayaa qori, kugu ridi maayo inta aad adigu agmaraysid marka aad adigu xabada ku billowdid buu wuxuu is leeyahay lagu dhaafi maayee aad is difaacdid, ismana difaaci karo.”

Ficil kasta oo ka dhaca Calmiskaat, wuxuu cashar u noqonayaa xoogaga Soomaalida kale ee dagaalkan oo kale kujirta, waxaana si maalinle ay ciidamadani u bixiyaan fursado ay tahay in laga faa’iideysto, si looga adkaado kuwa nabadda diidan.

Haddii ay kooxdan mar daganayd deegaanada ugu balaaran ee Calmiskaat, dhul masaafo ahaan ka badan 250KM, hadda dhuulamaysi ayay ku jiraan, manaleh Talisyo ciidan iyo aagag lagu yaqaano, hoygoodu haddii uu ahaa Sheebaab ilaa saldhigii ugu weynaa ee Miiraale, maanta waa godad difaacyo dabiici ah oo ay ciidamadu ka sifeynayaan.

“Nimankaan ma ogtahay waa qof dhuumanaya – Dhurwaa baa waxaa la yiri wuxuu yiri ‘Meeshii la ii eryaa, waa gurigeygii’ . Meel ay iyagu leeyihiin, deegaan u ah oo ay fadhiyaan oo hada loogu hagaago ma jirto. Waa ninkaa ordaya oo dhuumaaleysanaya, marka go’aanka Dowladda iyo annagaba noo yaallaa wuxuu yahay in aan meelna looga harin.”

Mar bay daacish ahayd awood xoogan, oo fulisa weeraro drone ah & weeraro toos ah bilowgii Togga Jeceel ilaa Miiraale, laakiin taas maanta majirto.

“Waxay ahayd heer ay nasoo weeraraan oo ayagu Weerar yihiin, oo diyaarado iyo Drone nagu weeraraan, mar ay iyagu nagu weeraraan Afantry, mar ay qaraxyo, miinooyin iyo bumbo gacmeedyo nagu weeraraan, oo intuu qarax isku soo xiro oo xabad rido, oo haddana bumbo tuuro haddana is qarxiyo baan soo marnay. Waqtigan waxaan joognaa ilaahay mahadiis xilli isagoo la raadinayo sidda bahalka dooliga la yiraahdo aan ka fiirinayno god, marka Soomaalida iyo reer Puntland waxaan u sheegayaa in aan argagixisadii ka guuleysanay.”

Howgliyayaasha ciidamadu, waxay marar badan arkaan ficilo aan bulshada loo tabin oo loo adkeystay lagana guuleystay.

“Alxamdullilaahi Rabbil caalamiin, ciidanka badankiisa waxay yihiin…. Goobaha difaacyada ah ee nimankan hadda isticmaalayaan ee godadka ah, god lama filaan ah oo qofku dhulka ku jiro ood ka tilaabsatay baa dhir lagu saaranayaa, dhirtaas baa inta la iska qaado oo madaxa lala soo baxo, xabad lagugu dhufto baa godkii lagu laabanayaa, marka dad dhulka gudihiisa dad kala dagaalamayaan nahay, kharahaasna waa jiraan ilaahayna waa nagu guuleynayaa.”.

Ciidankani waxa ay DAACISH, galiyeen cariiri kalifay nin kasta naftaa, oo ay ku yaqiinsadeen in aan meelna looga hareynin.

“Waa niman maraya nolasha heerkii ugu liitay, uguna daciifsanaa, uguna dambeeyay, waxaa la yaab ah oo ku cadeynaysa nin aad saaxiibkii geedkan ku dilayso oo isagiina geedkan ku jiro, oo aan saaxiibkii garabna siinayn, cadowga dilaya iyo xabadda ku socota midna aan ka difaacayn, waa waxyaabaha la yaabka leh ee aan ku aragna meeshatan, oo aanan horeyto u arki jirin, nagana yaabisay.”

Gaadiid la’aanta dagaal, cimilada adag, buuraleyda aan jidadka tooska laheyn, ciidamada PL waxay u ahayd mid kamid ah casharadii ugu adkaa ee tababar ciidan ah, taasi bilowgii caqabad in ay keento ayaa cabsi laga qabay, laakiin maanta waa ciidan adkeysigiisa & tababar adag leh.

“Gobollada waxaan ka imid buuraha badan aan lahayn, marka baqdin badan baa igu jidhay oo ahayd armada buuraha mari waydaa anniga iyo rag badan oo saaxiibaday ah, laakiin hadda waan la qabsanay oo waan kaga dheeraynaa dadka ama Daacishta buuraha ku tababaratay ama waan ka badinayba.”

Askartan hubeysan waxaa wehliya xirfadlayaal caafimaad & saxaafad oo mid kastaaba doorkiisa qaato, tan oo ka dhigan in aan meelna loo kala harin.

“Saldhiggii waa laga yimid, dhulka la maraayo Baallade’e weeye waa masaafo aad u dheer, meeshii waddadu ahayd ee saldhigga noo ahayd aad baa looga soo tagay, kaddibna ciidankeygii baan horrey kasoo raacay in meeshii saldhigga ahayd aan sii fadhiyo waxay ila noqotay in ka doorbido in aan ciidankayga horrey ka raaco, kii dhaawacmana aan u shaqeeyo. Waxaan is leeyahay dad badan baad wax dheer tahay oo boorsadayda, caagadayda iyo qorigeyga baan isku wataa”.,

Saraakiisha ciidamadu waxay ii sheegeen in Maandooriyayaasha kale duwan oo leh noocyo badan lagu arkay godadka Argagixisada iyo meelaha laga saaray, taas oo muujinaysa in ay ahaayeen kuwa been abuur diinta ka sheegaya.

“Waxaan ka yaabnay meeshan gaadiid ma yimaado, goomeyste kama furna, waxyaabaha kale ee noogu yaabka badan bay noqotay waxa Koolada 99-ta lagu falaayo, nin kasta oo aad disho labo xabo, saddex xabo baa meesha uu ku jiro u taalla iyo kartoon kaniini ah, nolashii darbi jiifka waxaan ku aragnay Baallade’e gudaheeda, oo nimankam baa hadda kunool.”

Guulaha waxaa qeyb ka ah in howlgalada dhinaca hawada ah oo ay ciidamada caalamiga ah geysanayaan, taas oo ay ciidanka hoggaankooda maqsuud ka yihiin nooca taageero ee ay heleen.

“Walaalaheen baa naga caawiyay oo wax badan oo ay nala qabteen ay jiraan, la’aantood meeshan in aan soo gaarno way adkaan lahayd runta marka laga hadlo wax badan bay qabteen, meelo badan oo aan suurta-gal ahayn in nimankaa laga saarana iyagaa burburiyay, ilaa haddana waxay diyaar u yihiin sidda ay inoo sheegeen in hal qof inta laga waynayo oo argagixiso ah ay dagaalka nagula jirayaan haddii ilaahay idmo, waayo dagaalkan nimanka aan kula jirnaa waa argagixiso caalami ah oo intaas oo dal kasoo dagaalamay, oo intaas oo Ummadda soo qaribay, dad Wanted ah weeye, waa dad inaga kali ah aan dhibaato nagu hayn ee Ummadda oo dhan dhibaato ku ah, marka siddaas darteed in caalamku iska kaashado taas baa keentay.” Taliyaha PMPF - Gen. Dhimbil.“Waxaad maqlaysaan shanqarta kala duwan ee xabadda, Taliyayaashu waxay noo sheegayaan geedaha in aan isku aadino, sababtoo ah waa halkaan askarigaas ka dambeysa meesha ugu dambeysa ee hadda xabadda ugu badan ka socoto, ciidankuna gudaha ayuu ku jiraa oo ka dagaalamayaa.”

Dagaalka dhammaadkiisa, ka dib PL waxay ka shaqeynaysaa istaraajiyad kale oo ah heynta deegaanka, sida uu noo sheegay madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

“Calmiskaat wajigiisa hadda socda waxaan rajeynayaa in waqti dhow uu soo dhammaado, laakiin wajiyo kale baa hari doona oo ah deegaankaas maadama aan khatartiisa aragnay in uu helo ciidan joogto ah oo mar dambe aan u masaamixin in lagu soo dhuunto, oo wixii 2015kii dhacay oo kale aysan dib u dhicin. “

Ugu dambeyn: Puntland ayaa taxanaha taariikhda la dagaalanka Argagixisada ee Soomaaliya calanka u sida, waana sii adkeysatay horyaalkan oo ay horey dhibco uga haysatay, casharada dagaal & Taatikooyinka Calmiskaat laga helay ayaana Soomaalidu baahi weyn u qabtaa sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen, loogana dhabeyn lahaa in kuwa nolosha, nabadda & horumarka diidan loo wiiqi lahaa awoodooda, si dalkani u helo xasilooni, kana maarmo ku tiirsanaanta kaalmada dibada ee dhinaca ammaanka.

Faallooyinka (0)

Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.