Skip to main content

Members only

Unlock GEESKA AFRIKA: ruxan kusocdaa, doonista Aqalka Cad & Fariin u sido Soomaalida.

Become a member to watch this and every other video on the platform.

Episodes16:26Transcript

GEESKA AFRIKA: ruxan kusocdaa, doonista Aqalka Cad & Fariin u sido Soomaalida.

GEESKA AFRIKA: ruxan kusocdaa, doonista Aqalka Cad & Fariin u sido Soomaalida.

Jun 27, 2026 · 5 plays

0 0 5

Transcript

Auto-generated from the recording. Not yet edited.

GEESKA AFRIKA: ruxan kusocdaa, doonista Aqalka Cad & Fariin u sido Soomaalida.

Doorashooyin cod dadweyne lagu kala baxay, kuwa muran dhaliyey oo dhimasho sababay, xaalado cukan, kacdoono xukunka lagu dhaafiyey Hoggaamiyayaal kuraasta ku raagay, dagaalo dhiig badan kudaatay ilaa nabad aan sal badan ku taagneyn ayaa gobalka Geeska Afrika isku maray 20kii sanno ee ugu dambeeyey, wax aan horey taariikhda gobalka uga dhicin ayaa la arkay, laakiin waa laga soo gudbay oo la ilaawey, kama dhigneyn in wax kasta ay dhamaadeen oo laga heshiiyey, dhab-na ma noqon waraaqaha la saxiixay ilaa kuwa loo xafladeeyey ama loo durbaan tumay, aamusnaanta mawqifyada, go’aanada qarsoodiga loo gaaray & daneynta caalamiga ah waxay gobalka 10-ley sano ka dhigeen mid col iyo nabad yacyacood ah u dhaxeeya, Ha dhiman hana noolaan nolol qaayo leh, waa Oraahda toos loogu cabiro karrro xaalka Soomaaliya.

Ka sokow in dunidu gobalkan indhaha ku hayso marinada uu kuyaalo awgeed, haddana isla dalalka gobalka ayaa dhexdooda hardamaya, kuwana gudahooda ayaa kala daatay oo doonaya in ay kala dhaqaaqan, Soomaaliya ilaa Itoobiya ayaana kamid ah goobaha Midnimadu dhaawacan tahay, Eritrea & Itoobiya waa col, Ehelka Addis & Asmarana iskuma gudbaan, inkastoo ay kala daruuf yihiin haddana marxaladduhu waa is shabahaan, 1991kii markii la riday xukunkii Askarta ee Soomaaliya dawladnimadii ayaa lagu heshiin waayay ilaa maanta, walaw Nidaam Federaal la qaatay amintii 21 sano kahor ahayd, haddana dhaqalgalkiisa ayay hoggaamiyayaashii kala dambeeyey ka dhigeen aalad aan laysku raacsaneyn, waxayna abuurtay kala tag bulsho & in xataa dhinacyadii isla ogolaa hanaankan is xukun ay kala dheeradan maanta.

Dunidu waa is bedelaysaa, waxayna u muuqataa in lagu laabanayo 1939-kii, dalalka caalamku waxay u muuqdaan in ay kudaaleen taageerada dhaqaale & Tan siyaasadeed ee lasiiyo Madaxda Soomaaliya, Mareykanka oo foolaad u ah taageerada 2da dhinac leh, wuxuu u muuqdaa in siyaasadiisii uu bedelay, mid xaqiiq ah waa in laga niyadjabay sida ay madaxda Soomaaliyada Koonfurtu meelna ugu socon una doonayaan ilaalinta dabaabadka Shisheeye & ku noolaanshaha nolol aan dhab aheyn oo ay askartu baambeynada u tunto.

GEESKA & AWOODA SHACABKA!

Itoobiya April 2018-kii TPLF ayaa xukunka dalka ugu dadka badan gobalka looga dajiyey kacdoon shacab, 2019kiina dadweynaha Sudan ayaa soo afjaray xukunkii 26 sanno jirka ahaa ee Omar Xassan Al Bashiir, laakiin labada doonis dadweynaba waxaa jidka u galay hoggaamiyayaal Milateri oo Meles & Al Bashiiri ku lamaanaa, dagaalo Sokeeye ayaana ka holcaya Waqooyiga Itoobiya ilaa Khartuum, Xukunka ayaana lagu dagaalamayaa, saameynta dunida ayaana abuurtay loolanka.

Dadweynihii banaan-baxay ee Itoobiya waxay noqdeen barakacayaal aan gobal-gobalna u gudbi karin, Sudan ayaana noqotay dal baa’absan oo ay quwadaha dunidu ku hardamayaan, Laakiin Addis Ababa wali waa hulaaqaysaa iyadoo xataa u sawiran dal sii hoobanaya, haddana adkeysigeeda ayaa u muuqda in uu tiro dhaaf yahay, Abiyna wuxuu ku dakeynayaa in uu noqdo Hoggaamiye isbedelka cimilada la jaan-qaadaya Malaayiin geedna abuuraya si Itoobiya cagaaran loo helo.

Bartamihii 2018-kii ,Eritrea ilaa Soomaaliya ayaa isku xirmay, xisaabo badan ayaa kala daatay markaas wixii ka dambeeyey 4tii sanno ee 20-leyda ka dambeysay Jahawareer kudhacay siyaasadii Mareykanka ee Geeska ayaa keentay 4 gu’u oo iska bilqan ah, oo aan jiho rasmi ah jirin, laakiin Natiijadii doorashadii November ee Aqalka Cad & imaanshihii Trump wax badan ayaa isbedelay dunida oo dhan, soo afjaridiisa shanqarta xabaddu & in uu yahay Hoggaamiye danta US eegaya, maskaxdiisana ay ku weyn tahay tii ganacsiga & dheef is dhaafsiga ayaa abuuray sawir ka duwan tii Xisbiga Dimuquraadiga ee Joe Biden, taasna Geeska Afrika waxay ka dhigtay mid u muuqda in uu udiyaarsanahay Khariiradiisa oo isbedel cusub kudhaco.

Bugcadan, inkastoo ay sheeganayso dal madax banaan, haddana libin loowada qirsan yaahy waa in dimuquraadiyadu xoogeysatay dadweynaha Somaliland ayaa codkooda ku jaangooyay cida madaxda u noqonaysa, tan oo ka dhigtay aag ka sheegan Geeska Afrika oo ay kaliyayaasha tadhahay & Doorashooyinka dad-bani hoggaankiisa ku tamashleynayaan.

DAL MUHIIM AH oo lagu gorgortamayo!

Sadexda dal ee sida gaarka ah u dhaca Geeska Afrika, labo kamid ah Midnimadoodu waa sugan tahay, xataa kala qeybsanaantoodu ma gaarin heer kala aamin-bax dhameystiran, hayeeshee Soomaaliya, waa mid kamid ah dalalka ay horey iyo haddaba saameynta ku leeyihiin siyaasaddaha sumeysan ee kakan & ku loolanka dalalka awooda leh Dagaalkii Qaboobaa ilaa colaadaha cusub, inkasta oo Mareykanka & UK ay yihiin cida ugu balaaran ee gacanta ku haysa galka amniga & Siyaasadda dalkan, hadana dalalka koraya ee dunida 3aad ayaa saameyn ilqabatay ah sameystay, Turkiga & Khaliijka ayaana door xoogan leh, iyagoo quuldareynaya in ay dulaal ka noqdaan Soomaaliya, oo dawlad la’aan baahsan dhexda uga jirta, madaxduna sawirada iyo salaanta askarta u aragto dheeftii u dambeysay ee hoggaamiye gaaro, laakiin 15ka sanno ee soo aadan saadaashu isbedelo xoogan ayay sawiraysaa, Trump joogidiisa Aqalka Cad & Siyaasadiisa ku dhisan danta Ameerikada weyn waxay hilaadinaysaa in aysan waasan u aheyn aragtida la xariirta midnimo aan lataaban karin oo Soomaaliya ah.

DHAWAAQA: Saaxiibada Trump uma darna Somaliland!

Qaar kamid ah saaxiibada saameynta ku leh go’aanada madaxweynaha Mareykanka oo lagu kabay xubnaha Aqalka Odayaasha ee ay isku xisbiga kayimaadan & laf ahaantiisa Trump ayaa dhawaan isku raacay in ay isha ku hayaan Geeska Afrika, gaar ahaana Berbera oo ay Somaliland maamusho, waxayna u arkaan aaga muhiimad u leh qaabeysanka cusub ee loolanka quryo-weynta dunida, USA iyagoo ka duulaya in aan Gacankii Cadmeed aysan labada dhinacba ka joogi karin Argagixiso Daacish ilaa Xuuti, kana dagaalamaya in ay ku tiirsadaan bugcad lagu ciiririyey ee Jabuuti, waxay si shaacsan 4 wafdi u dirsadeen Hargeysa, inkasta oo ay ka carootay dawladda Soomaaliya, haddana waaqaca iyo doonista Mareykanka waxba kama bedelin, iyadoo ay sareyso in Madaxda Muqdisho ay wax kasta ka jecel yihin xukunka & xoolaha, halkii loo toog-heyn lahaa Timaamadada isbedelaysa & Gufaacooyinka deg deg u socda.

Ilo wareedyada diblumaasiyadu, waxay sheegayaan in Washignton ay u aragto Somaliland aag ay xataa ku saameyn karaan dhacdooyinka taagan barriga dhexe, haddana Hargeisa waxay doonaysaa Aqoonsi ah in ay noqoto dal ka madax banaan Soomaaliya, sida uu madaxweynaheedu dhawaan sheegay waa ka go’an tahay in ay jid kasta u qaadan xaqiijinta hadafkooda, bixinta macdanta naadirka & fahamka doonista Trumpna Cabdiraxmaan Cirro iyo kooxdiisu waxay u muuqdaan in ay garowsan yihiin.

MUUSE BIIXI: oo Somaliland fursad muhiim ah dhaafiyey!

Ka dib markii ay Soomaaliya ku guuldareystay maareynta kaalmooyinka aadanaha ee lasiiyo, ilaa kuwa Milateri, Mareykanku waxay door lixaad galinayeen dhammaadkii 2022-kii ilaa horaantii 2023-kii, in ay Somaliland la sameystaan iskaashi xoogan, Dagaalkii Qasana wuxuu sii shidaaliyey damaca Mareykanka ee Berbera oo cidlo ah, hunguriyeynta Ruushka ayaana sareysay.

Kudarsigii xukunka ee Muuse Biixi ayaa Somaliland cagaha u gashay marxalad saaxiibadeedu hoos u dhigeen laxariirkeeda, dagaalo uu ka maarmi karay, ayuuna dhexda u galay, kaas oo wax badan ka haleeyey doonista SL, laakiin imaanshihii xukunka Cirro ayaa dib dhiig u gashay dalalka danaha ka leh mandiqadan.

Bilowgii 2024-kii, waxaan kedis u aragnay Is afgaradkii Abiy iyo Muuse Biixi, oo kasoo kadib dhacsanaa xiligii looqorsheeyey, ahaana dhacdo aysan Itoobiyaanka kaqamoomeyn kana laaban ilaa imika, dad badan ayaa aaminsan in Isbedel weyn uu kusoo wajahan Soomaaliya, kaas oo saameyn doonaa Hab sameysankeeda, dawladdaha waa weyn ayaana quuldareynaya in ay damacooda banaanka soo dhigaan waxay ka dhigan tahay in isku bareerku dhaw yahay, marka lagu akhriyo ku qasbanaanta Kiyeef ee doonista Putin.

25 JIR: aan socod baran, balse barya badan oo la dhibsaday!

Nidaamka dawliga ah ee Soomaalidu Carta kasoo qaadatay 25 sano kahor ayaa duqoobay, horey u socodna waa keeni waayay, hadal-baridkiisuna wuxuu noqday gacan suge’e aan xisaabcelin keenin, kaalmada caalamiga ah ee lagu bixinayay sugida amniga, barashada maamulnimo ilaa dibu dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ayaa la cadeystay oo la musuqay, gasiinka ciidanka Suuqyada lageeyey, hoggaamiyayaasha Koonfurta ee nidaamka Faderaalka isku raacsanaa maanta waa kala taagan yihiin, muranada keena dagaalka hubeysan ee aloosan & doorasho ku heshiin la’aanta ayaana niyadjab abuurtay, haddana lama hayo naruuro & niyadsami.

Koonfurta Soomaaliya waxaa kajirta dawladnimo ciidanka Shisheeye waardiyayeeyo, kaalmada Caalamka quudata, musuqmaasuq banaanka yaalo, sawiro quruxsan ay galaan madaxdu, 16 sano oo dagaal ahna natiijadu uma quruxsana sidii dalalka deriska iyo caalamka u hagarbaxay, Balaayin Dollar oo amniga loo qaraamay heshiis laguma aha xisaabcelintoda, tani waxay keentay in maanta howlgalka Midowga Afrika laga niyadjabo duniduna marmarsiiyo u hesho in aysan lacag dambe kubixin, ilaa Washington ay cadeyso in laxaday deeqdii lasiinayay ciidanka amniga ee DANAB oo ay tababartay si ay udabargooyaan amnidarada & argagixisada.

Ku guuldarraysiga dawlad dhiska Soomaaliya, Maraykanka waxa uu ku riixayaa in uu dib ugu noqdo siyaasaddiisa. Gudaha Mareykanka Sannadihii dambe, waxa xoogan doodo ka taagan wax-ku-oolnimada taageerada dawlad-dhiska Soomaaliya, kuna riixaya in taageeradani dhiigbax tahay, guulo la taaban karana aan laga gaadhayn, oo ay tahay in jid kale la aado.

Laakiin dhammaadkii sannadkii hore ilaa xiligan danayeeyasha Soomaaliya, holaca xabada ee ka hilaacay buuraleyda fog ee Barriga Puntland, waxay galisay himilo ah ama sawiro meel fog ka iftiiminaya oo muujinaya in haddii daacadnimo la helo laga adkaan karro Argagixisada, balse PL ayaa rajo beel laftirkedu ka joogta hanaanka Soomaaliyada Faderaaliga ah oo ay masuuliyiinteedu muujinayaan in uu dugoobay oo ay tahay in la tashado.

HADIYEYNTII TRUMP ee Berbera ilaa BOSASO: Falaar sidii loo ganay aan noqon doonin.

March sannadkan, Madaxweyne Xassan Sheikh ayaa warqad aan lamarin hanaanka dawliga ah u diray Trump,uguna Hadiyeynayo dekedaha BOOSAASO IYO BERBERA, goobahani muhiimada ay leeyihiin US ilaa Khaliijku waa og yihiin, balse Hadiyadii Villa Somalia si jees-jees ah ayay uga jawaabeen Mareykanka, iyadoo kooxda Trump kudhaw ay sheegen in ay garanayaan cida aagan maamusha.

Mareykanka uma arkaan in ay Villa Somalia awood badan tahay, sida muuqatana ixtiraam badan hadda uma hayaan nidaamka dawliga ah ayaa horusocod sameyn waayay 20 sanno oo taageerid ah ka dib, tan oo muujinaysa in dalalka danaha leh ay garanayaan daruufahooda, isbedelada dunida ee go’aanada loo gaari jiray ayaana meesha ka baxay, oo duni u nool sidii 1939-kii ayaa soo muuqanaysa markale.

April 2025, qeyb kanoqoshadii Mareykanka ee duulaanka Calmiskaat iyo dagidii Milateri ee Boosaaso, maaheyn dhacdo ay raali kanoqotay DFS iyo quwadaha safkeeda kujira, oo halis danahooda ka dhan ah u arkay soo afjarida Argagixisada Daacish.

Trump wuxuu dhawaan si cad u sheegay in uu gacanta kuhaya malafka Somaliland, inkastoo filanwaa kunoqotay Soomaaliya, haddana maaheyn dhacdo Trump iska yiri, waana gufaacada kulamo dhacay oo biya dhacooda la sugayo sannado iyo kalkoos soo wajahan, Fariimaha aan diblumaasiyad lasaarin ee ka imaanaya Senatorada ay isku xisbiga yihiin Trump ee daaran u doodida Somaliland waa filasho kale oo Hargeisa dan u ah, muujinaysa Isbedelka Geeska Afrika & danta Mareykanka isla jaan-qaadayaan.

TRUMP, waa ganacsade yaqaana qiimaha shilinka, waxaa usii raacda in uu ole-olihisii 2024-kii ee imaanshaha xukunka ku helay in uu danta Mareykanka ka shaqeynayo, meeshii uu shiling galinaya ay tahay mid US dan uga soo laabanayso, Somaliland oo taas u muuqata in ay dareensan tahay waxay dhawaan wuxuu si cad u sheegtay in macdanteeda qaaliga ah oo lagu daray saldhiga milateri ee kuyaala magaalada muhiimka ah ee Berbera ay siinayso Mareykanka, kuna bedelanayso Aqoonsi ay hesho, tani waxay hilaadisay halka ay xaajadu kusocoto in aysan aheyn dhalanteed & wax la mid ah siyaasadii iska daba wareega ahayd ee Arrimaha dibada Mareykanka.

DAGAALKA BEDELAY: Kii Argagixisada oo u hiilineyn Kaalmo lacageed oo la qaato!

Loolanka quwad-weynta dunida ee Geeska Afrika ama Barriga qaarada ayaa xoogan hadda, Maraykanku wuxuu u aqoonsaday gobalka furin ay isku hor fadhiyaan quwado kale oo caalami ahi, gaar ahaana Ruushka, Shiinaha oo lagu kabay dalal u muuqda in ay gabanayaan, waxayna khuburo badan isku raacsan yihiin in ay Washignton hadda xoogga saarayso xariiro diblumaasiyadeed, maalgashi, horumarin dhaqaale iyo iskaashi cusub oo dhinaca ammaanka ah. Faraha Ruushka ilaa Shiinaha ee geeska kula loollamaya Maraykanka, oo lagu kabay soo fixidda khataro amni, sida halista Xuutiyiinta Yemen, waxay Trump & Aqalka cadba ku riixaysaa in uu yaqiinsado in la joogo waqtigii dibu eegis sax ah la aadi lahaa, iyadoo waliba lagu daalay Balaayiin Dollar oo aag kooban lagu shubo, Natiijana aan laga haynin Tobabnaan sano ka dib.

Warqad is dhaafsigii Afwerki & Trump, hadaladii dabacsanaa ee July ka yimi Hoggaamiyaha Eritrea kuna aadanaa siyaasadda Mareykanka & yaboohisii ahaa in marxalada laga bedelo sidii ay soo ahayd 10kii sanno ee lasoo dhaafay waxay muujinayaan fariin ah in Mareykanku aaday jiho cusub oo ah la dagaalanka Shiinaha, taas oo Somaliland aan u darneyn, balse shaki galinaysa Jabuuti oo Tobanley sanno xulufada dunida isku haysay.

Marka laga eego dhinaca xasilloonida, amniga, dimuquraadiyada & hanaanka maamul ee PL & SL. amintani, muhiimadda u weyn waxa yeelanaya labadan deegaan oo xasilloon, meel istiraatiiji ahna ku yaala, labada dhinac waxay haystaan Dekedo muhiim ah gacanka Cadmeed kuteedsan, waxa ay leetirayaan ku tiirsanaanta Itoobiya ee dekedaha Jabbuuti, Maraykankana waxa ay u noqonayaan albaab cusub oo uu geeska ilaa Baabul Mandab ka saydareeyo. Imaaraadku waa xulufad US ee Khaliijka, waxa uu Malaayiin Dollar galiyey ballaadhinta dekeddaha Boosaaso & Berbera,walina waa ku howlan yahay, dhismaha kabayaal tagaya Badweynta Hindiya ilaa Tan oo kusii xiraya Suuqyada Itoobiya ayuu gacanta ku hayaa heshiisyadooda, Maraykankuna albaab cusub oo qorshahiisa Geeska ah helo ayay u yihiin kaabayaashan.

BAABUL-MANDAB ILAA BADDA CAS!

Xariirada halista ah ee u dhaxeeya Xuutiyiinta & Argagixisada Soomaaliya waa halis weyn oo mustaqbal, sida dhawaan laga hor sheegay Aqalka Senate-kana xariirka dhinacyadan waa musiibo weyn oo gobalka Geeska Afrika taabanaysa, dhaawacna ku ah danaha Mareykanka, Cunaqabateyntii ay Xuutiga kusoo rogeen Badda Cas, markii ay qaraxday duufaanta Qasa, taasi waxay Maraykanka ku riixday in uu helo goobo istiraatiiji ah oo uu si toos ah uga ilaaliyo ammaanka maraakiibtiisa. Waxa ugu weyn waahelitaanta saldhigyo cusub oo uu kahelo Berbera ilaa Boosaaso, labadan aagba Washignton Maraykanka u leeyihiin mudnaanta 1-aad ilaa 2aad.

UGU DAMBEYN: Danahan is barkan ee hagaya siyaasadda cusub ee Geeska Afrika, waxa ay Maraykanka ku soo jeedinayaan Somaliland, taas oo muujinaysa in lagu daalay Balaayiin Dollar lagaliyey Soomaaliya si ay u kabato, laakiin lagu heshiin waayay nooca hirgalinta nidaamka dawliga ah, Deeqda Mareykanka ayaana abuurtay Maalqabeeno aan dhidi badan usoo seyrin in ay darajada Lacageed gaaraan.

Faallooyinka (0)

Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.