MW Xasan Sh | Xaggee u socdaa 5 arrimood oo la qorsheeyey.
MUQDISHO ( Geylan- Media) - Himbirirsiga Mustaqbalka uma qurux badna, sida ay Siyaasiinta u labisan yihiin aminta ay qabanayaan shirarka & xafladaha mucaarad ama Muxaafid-ba, kala tagsanaanta waa sii kordhaysaa, kasii rajo dhigida shacabka ee dowladnimada aan wax kucelina kor ayay u socotaa, shacab badana ayaana bilaabay in ay isbarbardhig kusameeyaan kuwa dilaya & siyaasiinta ku laacdamaya korkooda, ciidamada Shisheeye ee amniga koonfurta haya qaaraan loo baadigoobay waa lagu hungoobay, bixidoodana lama qariibsanayo, xaafiisyadii Siyaasadda ee QM waa la xirayaa kahor December sannadkan, Duulimaadyadii EU ilaa UN-kana waa lajoojiyey, Siyaasiintu mahayaan is afgarad siyaasi ah loomana sugayo si sahlan, Midnimadu waa sii kala dhantaalmaysaa ka sokow dooda Somaliland, hadda Kismaayo & Garoowe ayaa ka qanacaya nidaamka dowladnimo aruursan haddana la dagaalamaysa, dalkaas ay daruufahas dul-hoganayaan madaxweyne mudo dhaaf ah ayaa caynaanka u haya, haddana u dhaqmaya sidii Boqor aan talada ka firirsaneyn cidnana la wadaagin go’aanka dambeysta ah, laakiin qolalka xiran ee Shisheeyaha madaxweynuhu ma diidana in lagu canaanan karro, banaankase waa ka dagaalamayaa, sida laga arkay Fagaarihii Kampala.
Aug 27, 2026 · 8 plays
Transcript
Auto-generated from the recording. Not yet edited.
Siyaasiinta dibadjooga ah, waxay ka amakaagsan yihiin taaganta hortooda tuban & lafagalka dhacdo maalmeedka ee madaxtooyada Soomaaliya, dadaalo ay garwadeen kayihiin wakiilada caalamiga ah ayaa si hoose u socda oo gaabis badan kujiro, waxayna qaar kamid ah dalalka reer galbedka si cad u sheegayaan in uu dhammaaday samirkii iyo rajadii ay ka qaben dowladnimada Soomaalida oo kabata, ayna hadda doorbidayaan in ay dhexdooda katagaan oo ay ka baadigoobtan jid kale oo ay kula macaamili karaan.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa u socda 5 qodob in uu qaado todobaadyada soo socda.
1- Magalayno Heshiis doorasho, waqti dhumin faa’iido laga dhex-raadinayo!
Dowladdu waxay doonaysaa in aysan aadin wada hadal niyadsami doorasho ah aana albaabkaas la furin kahor inta uu dhamaanayo sannadkan ilaa laga gaarayo bisha March, tan waxay Madaxtoyadu u doonaysaa in ay xaqiijiso in uu sharci ahaa mudo xileedka halka sano ah, waana socodsiinta ama sharciyeynta wax ka bedeladii dastuurka ee aan heshiis siyaasadedka haysan, taas oo ay si weyn u diidan yihiin Puntland, Jubbaland & Madasha Samatabixinta, qaar kamid ah kooxda madaxweynaha ayaa kudoodaya in marka la dhameeyo geedi socodka doorashooyinka mooradooda ku jira uun laga hadli karro doorasho oo ay la fariisan karaan Siciid Deni & Axmed Madoobe uun, tan dambe waa aag uu MW Xasan Sheikh aaminsan yahay in uu kaga takhalusi karro siyaasiinta ay saami qeybsiga wadaagan ee damacyadiisa diidan.
2- MUDO KORORSI HOR LEH!
Dib u dhigida & la meereysiga xataa hanaanka doorashooyinka ee laga qabanayo Galmudug ilaa Hirshabeelle, waxay madaxtooyada Muqdisho ka dhex aragtaa faa`iido siyaasadeed oo ay ku xaqiijin karto hadaf kale oo ah sii joogida xukunka ee madaxweynaha ilaa waqti aan la aqoonin, laakiin dad badan ayaa shaki ka qaba in halka dheefta laga sugayo ay ceeryaamo ka imaan karto,taas oo cabsi badan leh.
Kooxda madaxweynaha ayaa sheegaya in sannadkii ku darsiga ee aan heshiiska haysan uu hadda dhammaad uga sii dhow yahay una baahan yihiin waqti kale oo dheeraad ah oo ay helaan, taasna laga keeni karro dibu dhigid doorashooyin ilaa caga jid siyaasadeed oo wada hadal ah, ayna baadigoobayaan in xataa haddii la heshiiyo April sannadka dambe lasii baadigoobo joogitaan ah ilaa 2027ka dhammaadkeeda, oo geedi socod dhexdisa laga raadiyo. Tani waa wado aan sahal aheyn, hayeeshe habfikirka Madaxtooyada Soomaaliya waa in la qaado talaabo kasta oo lagu xaqiijin karro joogid xukun oo Xasan Sheikh uu kugaari karro dhammaadka 2027ka, taas oo ay adag tahay in ay aqbalaan mucaaradka aan wali dhiiraneyn.
3- DIB U FURID DASTUUR!
Qodob kale oo xasaasi ah aanse wali kor loo sheegin waa in madaxweynaha & kooxdiisa qaar kamid ah ay markii 4aad ka wada hadleen arrinta la xariirta in dib loogu laabto wax kabedelkii dastuurka cusub, lana taabto qodobka sheegaya hanaanka dorashada madaxweynaha, oo laga dhigo in codka qarsoodiga ah ee Sanduuqa meesha laga saaro, lagana dhigo in Xisbigii codadka ugu badan ee golaha helaa madaxweynuhu ka imaanayo, iyadoo codka gacan taag laga dhigayo, tani waa dood kale oo 2 ujeedo dhexdeeda kujiraan in mucaaradka lagu mashquuliyo doodo ma dhalays ah oo jiheynta laga qaato & in haddii ay meelmar noqon kartaba lagu socodsiiyo.
Dib u bilaabida doodaha dastuurka, Villa Somalia waxay aaminsan tahay in ay faa`iido siyaasadeed iyo cimri dherarsi ay ka dhex heli karto, tan oo layaab kunoqonaysa dhammaan darafyada siyaasadda. 4- DIB U GASHIGA TUUTAHA: aag loogu dhuuman karro!
Sida aan todobaadyo kahor falanqeynay madaxweyne Xasan Sheikh ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay ka shaqeynaya arrimaha la xariira dib ugu laabashada dagaalkii uga dhuuntay mucaaradnimada ee Al Shabaab, isagoo xooga saaraya jiho cusub oo kale, Tababar ka saarida ciidamo gaaraya 14kun oo askari ayaa la go`aamiyey, qalabeyntooda oo aan mushahaar loo haynin ayaa taagan, hadafkuna waa in markale laga bilaabo duulaan isla halkii 2022kii, tan dowladdu kama leh oo kaliya in ay guul milateri gaarto waqtigan , balse waa gadashada waqtiga & in loo arko dowlad dagaal kujirta oo ay hesho mudo dheeraad ah ayna ka dhuumato mucaaradkeeda ka sugaya kala heshiinta doorashooyinka, sida ay dheef u heli karto lama yaqaano. 5- Lama filaan la qorsheyn karro!
Haddii ay meelmar noqon waayaan qodobada la qorsheeyey ee afarta kan u dambeeya ayaa la hilaadinayaa in uu yahay dadajinta geedi socod doorashooyin Madaxtooyadu ceynteeda garanayso oo ay ku kediso mucaaradkeeda, lama qariibsanayo sida ay saaxiibada madaxweynuhu sheegayaan in figta sare ee buurta ay kedis uga hoobtaan ilaa halka ugu hooseysa, ayna galaan doorasho ay dhaqaalahaan iyo siyaasadba jaangoynteeda iyagu leeyihiin.
Saaxiibada madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegaya in Tani u sahli karto 3 arrimood oo ay sheegayaan in ay guul kajoogaan oo kala ah, in ay Dhaqaale ahaan xoogan yihiin oo ay haystaan lacagaha dhulalka mucaaradka jeebmarnaan ku tuhmayaan, Tan 2aad Xukunka haystaan oo dano laga leeyahay ayna wax badan qanacsan karaan & in ay haystaan Guudlaawe, Aaden Madoobe & Liibaan Xasan oo ah saaxiibo wali loxos kuwada jiraan oo 3 dowlad gobaleed ay kusoo dhistaan, hayeeshee soo dhiig baxay.
Faallooyinka (0)
Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.